New York -(Berberanews)-Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Mr Antonio Guterres, ayaa Golaha Ammaanka ku boorriyey in aan la dhimin shaqaalaha hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM illaa dhammaadka sannadkan, sida uu ku sheegay warqad ay heshay wakaaladda wararka ee AFP shalay Salaasadii.
Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa ka kooban 20,000 askari, booliis iyo dad rayid ah, kuwaas oo loo xilsaaray inay taageeraan dawladda Soomaaliya ka taageeraan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Hawlgalka AMISOM ayaa ku eg 31-ka bishan March, laakiin Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa la filayaa in 30-ka bishan March ay u codeeyaan in AMISOM lagu beddelo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Waraaqda Guterres oo Isniintii loo gudbiyay Golaha Ammaanka, ayuu ku sheegay inuu doorbiday qorshe si tartiib-tartiib ah loogu dhimayo ATMIS oo ka kooban afar weji, “si awood iyo taageero loogu siiyo ciidammada amniga Soomaaliya, si ay u qaataan mas’uuliyadda koowaad ee amniga Soomaaliya dhammaadka 2023-ka”, iyadoo dhammaan ciidmmada hawlgalka AMISOM ay baxayaan 2024.
Xoghayaha Qarammada Midoobay ayaa intaas ku daray in sida qorshuhu yahay, dhimista ugu horreysa ee ATMIS ee 2,000 oo askari aanay bilaaban doonin ilaa wixii ka dambeeya bisha December 2022, iyada oo tirada mid ka badanna la dhimi donoo marxaladaha kale ee bixitaanka.
“Waa muhiim in tirada askarta ee hadda jirta aan la dhimin illaa dhammaadka wejiga koowaad, si loo hubiyo in guulihii adkaa ee la gaaray la ilaaliyo, lana oggolaado dib u habeynta hawlgalka, iyadoo aan la carqaladeyn amniga hadda jira,” ayuu Guterres ku sharraxay warqaddiisa.
Iyadoo AMISOM ay si gaar ah u maalgeliyaan Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub, haddana warqadda Guterres ma sheegin maalgelinta gaarka ah ee hawlagalka cusub ee ATMIS.
“Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda, dhaqaale ku filanna la siiyo ATMIS iyo ciidammada ammaanka Soomaaliya iyo sidoo kale in la siiyo awoodo gaar ah,” ayuu yidhi Guterres, isagoo intaas ku daray inuu uga mahadcelinayo deeqaha ay xilligan saaxibbada Soomaaliya ku bixinayaan.
Hindisahan ayaa la filayay in la soo gaba-gabeeyo sannadkii hore, laakiin khilaaf weyn oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Afrika dartii ayaa dib u dhigay, iyadoo qorshahan dhawaan la isku afgartay, sida ay sheegeen diblomaasiyiintu.
AFP.
Berberanews.com
Info@berberanews.com