Madaxweyne waa iga talo: Bal mar keliya afkaaga iyo uurkaagu hays yeesho

Siyaasi Cali Guray
Waxan maqlayay Madaxwaynuhu safar buu u baxayaa xagaa iyo dalka maraykanka ah. Hadana waxa la leeyahay xubnihii safarka ku wehelinayay kuwii ugu muhiimsanaa waa loo diiday dalkugalkii.

Hadii ay taasi rumowdo muxuu yeeli doonaa tolow Madaxwayne Muuse? Ma isaga oo la bahdilay oo weftigiisi kala dhantaalan yahay ayuu jaranjarta dayuuradda degdeg u qabsan intuu kaarbadkii casaa sii talaabsado Madaarka Hargeysa, Xaga Maraykanka cidina kaarbad isuma dhigto oo horaa looga maraye.
Weliba maaha caadi Madaxwayne dalkiisa ka dhoofaya ama ka soo degaya in mar kasta Kaarbed cas uu yidhaa ii dhiga oo taasi lafteeda dunida maanta horaa looga maraye?

Garan mayno wax uu yeeli doono balse aniga waxay ila tahay hadii la qiimayn waayay dalabkiisii Visa-yaasha oo intii uu dalbaday qaar la diido in uu kaba baaqdo gebi ahaanba socdaalkii uu dalka Maraykanka ugu bixi lahaa. Waayo maba jirto wax uu ku waayayo martiqaadka Machadka Heritage ilayn waa la og yahay oo dawladda Maraykanku may casumin eh.

Ta kale hadii uu ku talogalay safar waxay ahayd isfahamkii laga gaadhay Doorashada Madaxtooyada in aanu wax dambe ka daba keenin. Hadda isagoo khilaaf hor leh sii kiciyay oo u muuqda in uu yahay doorasho-diid muxuu ka filayaa marka uu la kulmo qurbejooga Somaliland ee dalka Maraykanka iyo xataa dawladda Maraykanka hadiiba uu cid kala kulmo. Warbixinta State Department- ma oga in ay tahay ta Safaaradda Maraykan ee Nairobi ay la wadaagto wadamada kale ee reer galbeedka oo ah kuwii ka ogolaaday taageeradii uu waydiistay si doorashada Madaxtooyadu ay wakhtigeedii ugu qabsoonto, ilaa hadana aanu u sheegin sheekadan kale ee la og yahay in isagu uu wado. Taas oo aan qarsoonaan doonin bisha July marka Komishanku ka faraxasho hawsha Diiwaangelinta Codbixiyaha. Madaxwaynaha waxa u fiican sharafna u ah in mar kasta afkiisa iyo uurkiisu isleeyihiin ficilkiisuna u markhaatifuro marka wixii uu shagay kaga rumeeyo, hadii kale hadalkiisu waxkasooqaad ma yeelan karo laakiin ficikiisuba runta wuu shaagi doona ficilkuna been ma sheego ee waa siduu u dhaco.