Maraykanka oo Duullaan ku dilay hoggaamiyihii Kooxda ISIL

Syria-(Berberanews)-Kooxda ISIL (ISIS) ayaa markii ugu horeysay xaqiijisay in hogaamiyahooda  lagu dilay duullaan uu Mareykanka ka fuliyay waqooyi-galbeed ee Suuriya bishii hore, waxaana la magacaabay beddelkiisa.

Waa falkii ugu horeeyay ee rasmi ah oo ay kooxda hubaysan ka soo saarto hogaamiyahooda Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi tan iyo markii ay saraakiisha Maraykanku sheegeen in uu is qarxiyay isaga iyo xubno qoyskiisa ka tirsan, iyadoo ciidamada Maraykanku ay weerareen goob uu ku dhuumaalaysanayay oo ku taal magaalada Atmeh ee waqooyi-galbeed ee dalka Suuriya, una dhaw xuduudka Turkiga, February 3.

“Abu Ibrahim al-Qurayshi iyo afhayeenka rasmiga ah ee kooxda isku magacowda Dawladda Islaamka Abu Hamza al-Qurayshi… ayaa la dilay maalmihii la soo dhaafay,” afhayeenka cusub ee kooxda, oo magaciisa lagu sheegay Abu Omar al-Muhajer, ayaa sheegay Khamiistii.

Al-Muhajer ayaa sidoo kale sheegay in ISIL ay magacawday ninkii bedeli lahaa hogaamiyihii hore, isaga oo ku sheegay magaciisa Abu al-Hassan al-Hashimi al-Qurayshi, wuxuuna sheegay in madaxii hore ee ISIL uu u doortay inuu noqdo khaliifka xiga.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan hogaamiyaha cusub, lamana oga inuu Ciraaqi yahay sidii labadii hore ee isaga ka horeeyay oo labaduba lagu dilay qeybo kamid ah dalka Suuriya oo ay gacanta ku hayaan mucaaradka.

Weerarkii Mareykanka ee bishii hore ayaa ahaa markii labaad ee Saddex sano gudahood uu Mareykanka ku dilo hogaamiyihii ugu sarreeyay ISIL.

Berberanews.com
Info@berberanews.com