Safaaradda Ruushku ku leeyahay Addis Ababa oo farriin u dirtay shacabka Ethiopia

Addis Ababa-(Berberanews)-Safaaradda Ruushka ee Addis Ababa, ayaa dhambaal hambalyo ah u dirtay shacabka Ethiopia, oo ay sheegtay inay soo gaadhsiiyeen farriimo taageero ay ugu muujinayan dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Farriintaas ayaa qornayd sidan.

“Saaxiibada qaaliga ah!
Waxaan idinka helnay erayo badan oo taageero ah. Waxaan ku hanweynahay in qaramadeenu ay ku naaloodaan ​​xidhiidh saaxiibtinimo oo adag, oo ay ka muuqato in la is caawinayo wakhtiyada baahida. Waxaan ka mahadcelineynaa taageeradaada iyo doorashadaada inaad garab istaagtaan #Russia marka aan la dagaallamayno Naasiyiinta sidii aan sameynay 80 sano ka hor.