Zambia-(Berberanews)-Rupiah Banda oo ahaa madaxweynihii Zambia sanadihii 2008 ilaa 2011 ayaa ku dhintay da’da 85 sano jir ka dib markii uu muddo la ildarnaa kansarka mindhicirka.
“Nolosha uu ugu adeegayay dalkeenna, iyo qaaraddeenna, waxay ka dhigan tahay waddaniyadda ugu sarreysa,” ayuu yidhi madaxweyne Hakainde Hichilema.
Mr Banda, oo hore u ahaa diblumaasi, waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeen markii, 2008-dii, madaxweyne Levy Mwanawasa uu ku dhacay istaroog kadibna uu geeriyooday.
Kadib waxa uu xilka la wareegay, isagoo noqday madaxweynihii afraad ee dalka, wuxuuna ku guuleystay doorashadii xigtay.
Balse waxa uu xilka ka dagay 2011 ka dib markii uu ku guul daraystay codbixintii sanadkaas ee Michael Sata kaga adkaaday.
Mr Banda ayaa xilligaas si weyn loogu ammaanay inuu aqbalay guuldarada, halkii uu natiijada la tartami lahaa.
Mudadii uu xafiiska joogay waxaa hadheeyay eedeymo musuq maasuq, waxaana sanadkii 2013 la xidhay ka dib markii lagu eedeeyay inuu xaday malaayiin dollar.
Waa uu diiday eedeymahaas, isaga oo ku sifeeyay in ay qeyb ka yihiin ugaadhsiga sixirka, isagoo aan waligiina lama xukumin.
Berberanews.com