Sucuudiga oo xukun qoor goyn ah ku fuliyay 81 qof

KSA-(Berberanews)-Sacuudi Carabiya ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay xukun dil ah ku fulisay 81 nin oo ay ku jiraan 7 Yemeni ah iyo hal qof oo Suuriyaan ah, waxaana lagu eedeeyay inay daacad u ahaayeen ururro argagixiso oo ajnabi ah iyo inay haysteen “caqiido qaldan”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga.

Dil lagu fuliyay boqortooyada kii ugu badnaa taariikhda casriga ah, ayay dowladdu ku eedaysay dilal ay geysteen iyo falal argagixo.
“Shaqsiyaadkan… waxaa lagu helay dambiyo kala duwan oo ay ku jiraan dilal rag, dumar iyo carruur aan waxba galabsan,” SPA ayaa sidaas sheegtay Sabtidii, iyadoo soo xiganaysa bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

“Dambiyada ay gaysteen shaqsiyaadkan sidoo kale waxaa ka mid ah inay daacad u noqdaan ururrada argagixisada shisheeye, sida ISIS [ISIL], al-Qaacida iyo Xuuthiyiinta,” ayay raacisay.

Warku waxa uu intaa ku daray in raggan ay ku jireen 37 qof oo Sucuudiyaan ah, kuwaas oo lagu helay hal kiis oo ah inay doonayeen inay khaarajiyaan saraakiisha ammaanka iyo inay beegsadeen saldhigyo iyo kolonyo booliis ah.