Boqolka Carruus ee Aroos wadareedka loogu sameeyay Expo 2020 Dubai

Dubai-(Berberanews)-Aroos dhaqameed wadareed ayaa lagu qabtay Expo 2020 Dubai 11-kii March oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fazaa Social Security Fund.

General Sheikh Saif Bin Zayed Al Nahyan, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha (MOI), ayaa ka qeyb galay munaasabadda, isagoo u hambalyeeyay 100-Caruus oo isugu soo baxay Gayath Trail, oo ku dhow dhismaha Imaaraadka Carabta.

Aroos wadareedka, oo ah kii ugu horeeyey ee abid lagu qabto Expo 2020 Dubai, waxaa  soo qaban qaabisay Wasaaraddu si ay ugu caawiso saaxiibadeeda da’da yar ee guursanaya hadiyado qaali ah si ay ugu suurtagasho in ay bilaabaan nolosha qoyskooda.

Tani waa qayb ka mid ah hindisaha “Fazaa” kaas oo ujeedkiisu yahay in dib loo soo nooleeyo caadooyinka bulshada iyo dhaqanka Imaaraadka Carabta.

Colonel Ahmed Mohammed Buharoon, Maareeyaha Guud ee Sanduuqa Amniga Bulshada ee MOI’s Fazaa, ayaa yidhi: “Tani waa maalin farxadeed dhammaanteen. Ka soo qaybgalka Sheikh Saif bin Zayed ayaa sharfay arooskan wadareedka ah, kaas oo noo suurtageliyay in aan dib u soo noolayno hindisahayaga “Fazaa” ee dhaqanka ah oo aan gacan ka geysanno caawinta shaqaalaha MOI ee qarashka ku baxaya arooska. Waxaan u dooranay Expo 2020 Dubai inay martigeliso aroos wadareedka sanadkan si aan u soo bandhigno dhaqamadayada iyo dhaqanka Imaaraadka ee dhabta ah hortooda dadka naga soo booqday aduunka oo dhan”.

Koox muusik ah ayaa xaflada arooska ku soo bandhigay heeso iyo qoob ka ciyaar dhaqameedka Imaaraadka.