Iran oo soo celisay baasaboorka muwaadinad shaqaale gargaara oo la xidhay 6 sano ka hor

Iran-(Berberanews)-gabadh Shaqaale gargaarka oo ah British-Iran Nazanin Zaghari-Ratcliffe ayaa dib loo soo celiyay baasaboorkeedii Ingiriiska ku dhawaad lix sano kadib markii lagu xidhay Iran, sida uu sheegay xildhibaan British ah, iyadoo Tehran iyo London ay sii wadaan wadahadalo ku saabsan 400-milyan oo rodol ($ 520m) oo dayn muddo u dhaxaysay dalalkan.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan sheego in Nazanin Zaghari-Ratcliffe dib loo siiyay baasaboorkeedii Ingiriiska,”

Tulip Siddiq, oo xubin ka ah baarlamaanka Ingiriiska, ayaa ku yidhi Twitter salaasadii. “Waxay weli joogtaa guriga qoyskeeda ee Tehran. Waxaan sidoo kale fahamsanahay inay hadda Tehran ku sugan yihiin koox wada xaajood oo Ingiriis ah,” ayuu Siddiq ku daray.

Mar la weydiiyay hadii Boqortooyada Ingiriisku ay koox wada xaajood ah ku leedahay Iran, af hayeenka Ra’iisul Wasaaraha Boris Johnson wuxuu yidhi, “Ma geli doono mala awaal kale xilligan”

Afhayeen u hadlay xafiiska Siddiq ayaa sheegay in sharci-dejiyaha uu hadalladeeda ku saleeyay xogta qoyska Zaghari-Ratcliffe. Dhanka kale, Hojjat Kermani, oo ah qareenka Zaghari-Ratcliffe, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay jiri doonto “war wanaagsan dhawaan” oo ku saabsan siideynta Zaghari-Ratcliffe.