Hargeysa- -(Berberanews)-Sheekh Almis Sh Yaxye ayaa bulshada iyo xukuumada ugu baaqay inay diyaarsadaan hanaankii ay ugu diyaargaroobi abaaraha soo noqnoqda, taasoo ah kartida la doonayo in ummada islaamku yeelato.
Sheekh Almis oo khudbadii Jimcaha shalay kaga hadlay siyaabaha diinta islaamku ugu dhiirinayso ummada waxqabsiga ayaa soo qaatay sharaxaada aayad kitaabka quraanka ILAAHAY SW inoogu sheegay, iyadoo lala hadlayo Nebi Yaxye CS, “Yaxyow, ku qaado kitaabka awood’ ku baro kitaabka si awood leh iyo dedaal.
Sheekh Almis ayaa sheegay in ummada Islaamkana laga doonayo sida ILAAHAY SW uu faray Nebi Yaxye CS, inay u bartaan aayadaha Kitaabka si awood iyo dedaal leh, isla markaana ku camal falaan.
Waxuu sheegay in dhibaatooyinka aduunka ka dhaca dhamaantood qadarka EEBE ku dhacaan, sidoo kale dedaalada laga gaashaamanayo qadar EEBE ku dhacaan, waxaanu yidhi,
“Abaaraha iyo masiibooyinku qadar EEBE ayey ku dhacaan, sidoo kale Qoditaanka Ceelal iyo u-diyaargarowga waxii lagaga gaashaaman lahaa waxay ku dhacaan qadar EEBE..”
Markaa haddaba, hadii lagu samray qadarka EEBE marka abaarahu dhacaan, maxaa loogu dhaqmi waayey qadarka EEBE ee u-diyaargarowgooda iyo u diyaarsashada waxii lagaga gaashaaman lahaa?
Waxuu bulshada Somaliland iyo xukuumada ugu baaqay inay noqdaan ummada ku xisaabtanta abaaraha sannad walba ku soo noqnoqda dalkeena, loona baahan yahay inay ka diyaargaroobaan.