Waxa aan joogay Rayiisle walaalkay ku lahaa suuqa, xagga ay hadda ku taallo Shirkadda Sagaljet dhabarkeeda dhanka beri xiga. Waxa maalmaha socotay diwaangalinta ardeyda Jaamacadda Hargeysa galeysa. Markaas maan haysan wax adduun ah oo aan iskaga bixiyo jaamacadda kuuliyadda sharcigana in aan galaan rabay; hooyaday ma shaqeyso, aabbahayna ma noolayn AHUN, walaalkayna ma awoodo in uu iga bixiyo, ehel kale oo aan adduun ku ogahayna ma jiraan saaxiibo dhaqaale lehna ma haysto. Xasan Daahir Nuur “Xassan Buste”, ayaan waayahayga la wadaagay, waxa aanan u sheegay in aan ahay agoon aan aabbo lahayn, aduunna uga dhiman, jecelna aqoonta, sannadkanna Jaamacadda raba in uu galo. Xasan waa nin naafo ah isagana sidoo kale adduun kuma ogi, balse waxa aan isku qanciyay in maamulka Jaamacaddu naafanimaddiisa ku tixgalineynayaan, lagana yaabo deeq waxbarasho isaga darti in ay igu siiyaan. Xassan wuxu Alle u dhaliyey gobonnimo, wuxu markiiba iigu jawaabay ” waan ku raacaya ee waa inoo berri” isaga oo ka garaabay duruufaha dhaqaale ee noloshayda ku geedaaman!
Muddo hadda laga jooga 17 sanno ayaa subax ay saacaddu tahay 9:30 aannu bas Jaamacadda Hargeysa tagayey ka wada raacnay Saldhiga dhexe hortiisa ama Heegada aniga iyo Oday Xasan. Maalinka rejo weyn ayaan qabaa oo ah in aan Jaamacadda bilaash ku dhigan doono. Inta aanu baska sii wada saarnayn waxa aan ka fekerayay oo aan iswayddiinaya su’aalo badan oo aanan Xasan la wadaagi karin kana mid ahaayeen: Haddii ay suuro-gali waydo xaggeed lacag ka hesha? qorshe iyo qaab aan hawlaha nololeed ee igu hareeraysan aan ku wajaho ayaan is waydiinaya? War-war iyo walbahaar badan ayaa i haystay haddana markaan Xassan arko rejo ayaa i galaysay qalbigayga ilmo aanu Xassan arkaynin ayaa ka tif leh!
Muddo ka dib waxa aannu soo gaadhnay dayrki jaamacadda, baski ayaan ka degnay, waxaannu galnay Jaamacadda. Waxa albaabka jooga Askari aan filaayo in uu magaciisu ahaa Yuusuf. Xasan ayaa wayddiiyey ‘ ma joogaa Guddoomiyihii Jaamacaddu?’ ‘ Haa’ ayuu ugu jawaabceliyey. Xafiiska Guddoomiyaha Jaamacaddu wuxu ku yaallay albaabka hoolka jaamacadda agtiisi dhismaha ugu soo sokeeya weeyi, Neecow udgoon oo aanu xassan urin karin ayaa sankayga saaqaysa oo ah xiisaha tacliinta iyo deegaanka aqooneed ee aan lugaha soo galiyey rejo iyo baqo ayaa labaduba i laabqaadayaab! Waxa aanu bannaanka xafiiska ku aragnay Guddoomiyihii Jaamacadda, salaan iyo soo dhaweyn ka dib wuxu Xasan u sheegay hawshi aanu u soconnay. Guddoomiyuhu wuxu ahaa Cabdi Haybe gudaha xafiiska ayuu nala galay isaga oo aan jawaab bannaanka nagu siinin farxad iyo hiddidiilo ayaa i gashay mar labaad, waxaan hadalladii Xasan Cabdi Haybe ku lahaa aan ka sii xasuusta “Inankani waa agoon, adeerna waan u ahay waxaanan u naafoobay dalkan, waanad og tahay xaaladeyda waxaana laga yaaba Inankaasi in uu noqdo mid dalka anfaca oo loo aayo.” Cabdi si naxariis leh ayuu igu yidhi: ” Adeer magaca?” ” Barkhad” ayaan ugu jawaabay wuxu yidhi: ” Waad barakeysan tahee berri warqad codsi ah i soo qor oo ii keen shahaadaadii dugsiga sare iyo laba sawirna soo raaci odeygna waxba ha soo kallifin.” Boardka Jaamacadda ayaan hordhigayaaye’ Haye’ ayaan yidhi Aniga oo faraxsan sidii ayaan yeelay.
Maalinti labaad, ka dibna waxa aan galnay Imtaxaanki kulliyaddayda Sharciga waxa aanan noqday ardeydi 7aad ee imtaxaanka ku soo baxa.
Muddo billo ah ka dib waxa 4tii sanno ee wabarashadeyda bixisay Hay’adda UNPD oo dadka danyarta ah ee kulliyadda dhigta ka bixin jirtay, iyo hablaha, waxaanay soo marin jirtay Wasaaradda Caddaaladda iyada oo kaashaneysa Maamulka kuuliyadda sharciga iyo qeybta
“Legal clinic”Xafiiska Wasiirka caddaaladda ayaa la nooga yeedhay, foomam ayaa lanaga buuxiyey sidii ayaa qeybta maalliyadda ee Jaamacaddu nagu siisay Kaadhadhki Jaamacadda.
Waxa xussid mudan Wasiirki marka saxeexay deeqdayda waxbarasho ee Wasaaradda Caddaalada Wasiirka ka ahaa in aanu hada wada nahay laba Xildhibaan oo ka wada tirsan goolaha Wakiiladda!
Odey Buste maanta ayaan ku casuumay Hotel Jirde, dibna aan ula wadaagay waayihii iyo warki na dhex maray 17 sanno ka hor!
Waxa aan u sheegay in aan ugu magac-darri doono Jaamacad ama Dugsi sarre oo aan Mustaqbalka dhisi-doono Insha Allah.
Qisadani waxa ay hordhac u tahay buug aan dhawaan ka qori doono halgankaygi nololeed Insha Allah.