Ethiipia-(Berberanews)-Hay’adda samafalka caafimaadka ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa waydiisatay Itoobiya inay ka jawaabto war ay warbaahintu baahisay oo sheegayay in ciidamada dawladdu ay saddex ka mid ah shaqaalahooda ku dileen gobolka Tigray ee ay colaaddu ka dhacday sannadkii hore.
Meydadka saddexda samafale ee – María Hernández, Yohannes Halefom iyo Tedros Gebremariam – ayaa laga helay waddo dhinaceeda ku dheggan baabuurkoodii oo gubay bishii June.
Warbixin uu Khamiistii daabacay wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in ay toogasho ku dileen askar Itoobiyaan ah oo dib u gurtay amarka taliye ka cadhooday joogitaankooda goob dagaal.
Wargeysku waxa uu sheegay in uu dhacdadan ka wareystay baadhayaal, saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha gargaarka iyo askarta Itoobiya.
Mid ka mid ah dadkii goob joogga ahaa ayaa sheegay in markii la rasaaseeyay dadkii ku dhaawacmay aagga dagaalka ay baadi goob ugu jireen dadkii ku dhaawacmay dagaalka.
Dagaal bahalnimo ah ayaa ka qarxay Tigray Novembar 2020 markii ay dawladdu meesha ka saartay xisbiga talada haya ee TPLF – wuxuuna ku fiday gobollada deriska la ah.
MSF waxa ay sheegtay in ay caddahay in dilku uu ahaa mid ula kac ah, balse ay doonayso in ay fahamto sida ay wax u dhaceen iyo cidda ka dambeysay. Dowladda Itoobiya ayaan wali ka jawaabin eedeymaha The New York Times.