Washington -(Berberanewa)-Madaxweynaha Maraykanka Mr Joe Biden, ayaa uga digay dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping cawaaqib xumo haddii Beijing ay taageero agab ciidan ah siiso duullaanka Ruushka ee Ukraine, iyagoo labada dhinac ka wadahadlay baahida loo qabo xal diblomaasiyadeed, sida uu sheegay Aqalka Cad shalay Jimcihii.
Inkasta oo Aqalka Cad aannu faahfaahin waxa ay noqon karaan cawaaqib xumada uu Shiinu la kulmi karo, ama sida Mareykanku u qeexi doono “taageerada agabka,” haddana ayaa Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad Mrs Jen Psaki ayaa tilmaantay in ganacsiga ballaadhan ee Shiinaha ay saameyn ku yeelan karto.
Psaki waxay sheegtay in Maraykanku uu Beijing si toos ah ugala xidhiidhi doono cawaaqib xumo kasta, isaga oo kaashanaya saaxiibbadiisa iyo dhiggooda Yurub, waxayna sheegtay in cunaqabateyntu tahay keliya hal qayb oo ka mid ah waxyaabaha u diyaarsan Mareykanka.
“Wuxuu u qeexay saameynta iyo cawaaqibka ka dhalan kara haddii Shiinuhu uu taageero qalab millatari siiyo Ruushka, maadaama uu fulinayo weerarro naxariis darro ah oo ka dhan ah magaalooyinka Ukraine iyo dadka rayidka ah,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Aqalka Cad, kaas oo raaciyey in Biden “hoosta ka xarriiqay inuu taageersan yahay in xiisaddan lagu xalliyo xal diblomaasiyadeed.”
Wadahadalka labada hoggaamiye ayaa ku soo beegmay xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya labada quwadood ee ugu waaweyn adduunka, isagoo Madaxweyne Biden tafaasiil ka bixiyey dedaallada Maraykanka iyo xulafadiisu kaga jawaabayaan duullaanka Ukraine.
Reuters.