Shacabka Muqdisho oo ka wallaacsan musharraxnimada Siciid Deni, Faallo

Musharaxiinta madaxweynaha Somalia intooda badan waxay is-diiwaangasheen kuna dhawaaqeen tartankooda muddo hore laakiin madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Bishan March 2022 ayuu ku dhawaaqay inuu u tartamayo madaxweynaha. Dad badan ayaa rumaysan in Saciid Deni uu ku jiray ololo doorasho qarsoon si uu u diyaarsado xubnaha baarlamaanka ee u codaynaya si uu si kedis ah oo gaadmo ah ugu dhawaaqo musharaxnimadiisa, waanu sameeyay.

Inkasta oo ay jireen male iyo tuhun la xiriira musharaxnimada Saciid Deni, ayaa waxaa arrintaas barbar socotay in dadka degan magaalada Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ee Somalia ay walaac weyn iyo diidmo ka muujiyeen madaxweynanimada Saciid Cabdullahi Deni, diidmadaas oo kala dhantaalikarta hammigiisa madaxweynenimo. Waxaa jira sababo macquul ah oo muujinaya walaaca ay dadkaasi ka qabaan madaxweynanimada Saciid Cabdullahi Deni. Shacabkka Muqdisho, siyaasiyiin iyo madax dhaqan kana tirsan Beesha Hawiye ayaa qaarkood dadkooda ugu baaqay inaan la aqbalin madaxweynanimada Saciid Deni iyaga oo ka sheegaya dhaliilo ama uu xataa so noqdo Farmaajo iyaga oo ku eedaynaya dembiyo badan oo culus. Saansaanka muuqda, haddii ay dhacdo in madaxweyne aan Hawiye ahayn uu bedelo Moxamed Cabdullahi Farmaajo ama uu Farmaajaba isku dayo inuu Kursiga Villa Somalia ku soo noqdo, waxaa suurtogal in dadka Hawiye ee u badan Muqdisho iyo Gobollada Dhexe ay hubka qaataan oo u diidaan inuu xilka la wareego 5ta sababood ee soo socda awgood:

SABABAHA MUQDISHO U DIIDANTAHAY MADAXWEYNIMADA SACIID DENI

(I) Sida Somaliland, Beelaha Somalia weli ma qabsan shirar dib-u-heshiisiin ah taniyo dagaaladii lagu hoobtay ee dalka ka dhacay 1991 si la isu cafiyo loona heshiiyo, sababtaas awgeed Hawiye badan ayaa maanta ka qoomameeya doorashadii Moxamed Cabdullaahi Farmaajo sababta oo ah intuu xukunka hayay waxaa uu Beesha Hawiye ka dhigtay bartilmaameed oo ka galay dembiyo iyo xad-gudubyo ka soo horjeeda Xuquuql Insaanka taas oo ay ugu wacnayd heshiis la’aanta iyo cadaawad qabiil oo aan weli laga bogsan. Haddii aanu Hawiyuhu lahaan lahayn cutubyo militari xoog leh oo u gaar ah, Farmaajo waxaa uu u geysanlahaa dembiyo ka waaweyn kuwa uu u geystay. Cadaawadaas qabiilka Somalia ee weli taagan oo aan laga heshiin ayaa sabab u ah in diidmo iyo cadaawad loo muujiyo doorashada Saciid Deni oo ay isku beel yihiin Moxamed Cabdullahi Farmaajo kana soo wada jeedaan Beesha Daarood. Waxaa weli Somalia ka maqan kalsooni iyo is-aaminid taas oo uu dabka ku sii qabtay ama uga daray Moxamed Cabdullahi Farmaajo dembiyada iyo xad-gudubyada uu ka galay Beesha Hawiye awgeed. Arrintaasu waxay keenikartaa inaan Hawiyuhu marnaba aqbalin laba madaxweyne oo is-xigta oo Daarood ah xilligan maadaama kelitalisnimo wadata aargoosi qabiil laga cabsi qabo, Farmaajana geystay dhibaatooyin ku salaysan Hawiye nacayb. Xaaladda Somalia ka taagan maanta awgeed siiba magaalo-madaxda Muqdisho iyo gobollada dhexe ee Somalia waxay u muuqataa in madaxweyne Hawiye ah oo qura uu wax ka qabankaro kana hortegikaro qalalaase siyaasadeed sababta oo ah waa Beesha ugu weyn Somalia una badan magaalada Muqdisho.

(II) Somali badan ayaa aaminsan in madaxweynayaasha ka soo baxa Beesha Daaroodka ay sida qaalibka ah u janjeedhaan kelitalisnimo qabiil taas oo keentay dagaalada sokeeye ee aan dhammaan iyo fashilidda dawladnimada Somalia. Dadku waxay weli xusuusanyihiin kelitaliye Moxamed Siyaad Barre oo afgembiyay dawladdii diimoqaraadiga ahayd ee Somalia dalkana gacan bir ah ku xukumayay muddo 21 sano ah (1969-1990), kelitalisnimadaas qabiilka oo Somalia u horseeday dagaallo Sokeeye oo dad iyo duunyaba lagu hoobtay. Taliskii Siyaad Barre waxaa uu galay gummaad, burbur laxaad leh iyo barakicin weyn oo weli xusuusta dadku ka naxdo sababna u noqotay burburkii iyo kala noqoshadii ku yimid midowgii dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia una kala baxay Somaliland iyo Somalia. Kelitaliye Moxamed Siyaad Barre waxaa 1991 xukunka ka tuuray Jabhado Hubaysan (SNM, USC IYO SPM) waxaanu u cararay dalka Nigeria oo uu aakhirkii ku dhintay.

(III) Waxaa kale oo dadku xusuusanyahay Kornayl Cabdullaahi Yussuf Ahmed oo loo doortay madaxweynaha Somalia 2004. Cabdullaahi Yussuf waxaa uu ku weeraray magaalo-madaxda Muqdisho ee Somalia ciidamada Itoobiya 2007 waxayna shacabka Hawiyaha ee magaalada Muqdisho u geysteen xasuuq weyn iyo burbur laxaad leh. Sharaf xumo iyo khaa’inimo wadan oo ka weyn ma jirto in caasimadii Somalia ee Muqdisho lagu weeraro ciiidamada cadowga Itoobiya oo ka soo horjeeda jiritaanka dadka Somalida ee Geeska Africa. Arrintaas oo ahayd aargoosi qabiil oo lagula kacay dadka Hawiyaha ah waxaa sabab u ahaa dagaaladii sokeeye ee Muqdisho ka dhacay 1991 oo Beesha Daarood ku weyday xukunkoodii ku dhisnaa kelitalisnimada. Cabdullaahi Yussuf oo rabay inuu Muqdisho ka noqdo kelitaliye sidii Siyaad Barre ayaa Beesha Caalamka iyo dadka Hawiye ku qasbeen 2008 inuu xukunka ka dego waxaanu musaafirnimo ugu dhintay dalka Yemen 2012. Kelitalisnimadu mahaa in madaxweynenimda dalka xoog lagu haysto waqti dheeraad ah oo qura ee waxaa iyana kelitalisnimo ah in xukunka looga faa’iidaysato xasuuq iyo burburin beelo gaar ah nacayb awgeed.

(IV) General Siyaad Barre, Kornayl Cabdullaahi Yussuf iyo Mohamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu canaanto kelitalisnimo arxan-daran oo Somalia soo martay waxay ka wada tirsanyihiin qabiilka Daaroodka waana sababta keentay inaan Hawiyuhu aaminin madaxweynanimada Saciid Cabdullaahi Deni oo isna la qabiil ah maadaama aanay beelaha Somalia weli heshiin.

Laga soo bilaabo 1960 Somalia waxay ku jirtay cadaaladarro, duudsi, qas siyaasadeed, degonaansho la’aan, dagaallo sokeeye, xasuuq, aar-goosi, burbur, barakicin, qax, saxariir, silic iyo rajo la’aan, dadka Somalia kama nasan weli cabsi, werwer iyo faqri, weli ma helin horumar joogto ah, jiilal Somaliyeed ayaa mustaqbalkii ka lumay, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ayaa ka daashay kaalmaynta iyo u gargaaridda dadka Somalia. Waxaas oo dhibaato ah waxaa Somalia gayaysiiyay dagaalada sokeeye ee laga dhaxlay kelitalisnimada qabiilka. Kelitalisnimadu waa xukun qabiil oo afduuba dawladnimada ka dhaxaysa ummad dhan halisna ku ah mustaqbalkeeda iyo horumarkeeda, waana arrin mudan ama loo baahanyahay in madal (Forums) looga doodo sidii loo joojinlahaa loona tirtirilahaa. Haddii aanay Somalidu soo marteen kelitalisnimada qabiilka ee dib-u-socodka ah, waxaa uu maanta dalkii la odhanjiray Jamhuuriyadda Somalia noqonlahaa dal barwaaqo ah uguna tunweyn dalalka Afrika xagga awoodda, doorweyn oo la mahadiyana ka qaadanlahaa arrimaha qaaradda Afrika, hubaashiina soo jiidan lahaa in dalka Jabuuti ku soo biiro.

(V) Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, waxaa gobolkiisa ka dhacay iska horimaad hubaysan oo dhiig ku daatay. Saciid Deni waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin marka uu caroodo ama cid is-qabtaan ku deg dega aargoosi kuna kaca inuu xoog iyo xabbad u adeegsado sida arrintii ddhexmartay isaga iyo ilma Diyaano ee Boosaaso. Saciid Deni xubno baarlamaan ee Puntland oo ay iska horyimaadeen waxaa uu ka qaaday xilkii iyo xasaanadiiba isla markaana eryay guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland, Cabdixakiim Moxamed Axmed – Dhoobo-Daarood. Saciid Deni waxaa uu ku soo rogay shacabka Puntland inay joojiyaan isticmaalka lacagta Somalia kuna qasbay inay isticmaalaan doolar taas oo muujinaysa ka warqab la’aanta nolosha shacaka Puntland u badan masaakiin xataa aan helikarin hal doolar maalintii. Saciid Deni waxaa uu dhawaan boobay 16 kursi oo uu rabo inay u codeeyaan isaga oo xero ciidan doorasho boobka ku qabtay hal maalin. Qaar ka mid ah saraakiishii hore ee Puntland waxay Saciid Deni ku eedeeyeen inuu boob ku hayo doorashada xubnaha baarlamaanka ee Puntland si uu ugu soo baxo tartanka madaxweynanimada ee Somalia. Waxaa kale oo suurtogal ah in Saciid Deni uu sidii Siyaad Barre dagaal qabiil ka dhex-rido Somalia iyo Somaliland una adeegsado shacabka Muqdisho dagaalka isaga oo raafaya sidii Siyaad Barre si uu xoogooda u wiiqo. Haddii Saciid Deni oo leh dhaqamadaas kelitalisnimada ah loo doorto madaxweynaha Somalia waxaa suurtogal ah in sida ay Muqdisho uga shalaysay doorashada Mohamed Abdullahi Farmaajo si ka daran looga shaleeyo oo dhiig badan daato.

Waxaa habboon in magaalada Muqdisho loo daayo madaxweynenimada Somalia maadaama ay bixiso cashuurta lagu maamul dalka inta ay beelaha Somalia heshiinayaan, is-cafinayaan sidii Somaliland isla markaana la dhisayo dawlad fadaraal ah oo awood u yeealta inay dastuurka dalka ka hirgeliso dalka Somalia oo dhan kana qaado dhammaan maamul-goboleedyada cashuur kuna shubto khasnadda dhexe ee Somalia ama la dhiso maamul-goboleedka Gobolka Banaadir dabadeedna Maamul-goboleedyada dalku kulan qabsadaan laguna magacaabo madaxweyne ku meel gaar ah 2 sano oo Somalia u horseeda dib-u-heshiisiin iyo doorasho xalaal ah.

#Ibrahim Hassan Gagale
#March 22, 2022