TPLF oo aqbashey xabbad-joojin Dawladda Itoobiya ku dhawaaqday

Maqalle -(Berberanews)-Kooxda TPLF ayaa shaaca ka qaaday inay oggolaanayaan xabbad-joojinta dawladda Itoobiya ku dhawaaqday shalay, “haddii,” ayey yidhaahdeen; “gargaarka bani’aadanimo la gaadhsiinayo dadka ku dhaqan Gobolka Tigray,” sida lagu sheegay war ka soo baxay hoggaanka TPLF maanta.

Masuuliyiinta TPLF ayaa marar hore sheegay inay mudnaanta siinayaan shacabka Tigray, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ka soo gaadheen dagaalka muddada sannadka ka badan socday.
Hase ahaatee, kooxda TPLF ayaa aqbalaadda xabbad-joojinta waxay ku xidheen shardi ah in ciidammada dawladda Itoobiya iyo kuwa taabacsan ay ka baxaan gebi ahaanba dhulka Gobolka Tigray.
Hadalka TPLF ayaa yimi maalin kadib markii dawladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad-joojin lagu joojinayo colaadda woqooyiga dalkaas ay, iyadoo ku sababeysay gargaarka kala duwan oo la rabo in la gaadhsiiyo dadka halkaasi ku dhaqan.
Dagaalkan ayaa socday ku dhowaad 18 bilod, halkaas oo dagaalku marba marxalad marayey, iyadoo markii dambe dagaalku ku fiday gobollada Canfarta iyo Axmaarada oo deris la ah Tigray.
Xabbad-joojintan ayaa hadday hirgasho waxa lagu guulaysan doonaa in si nabad ah gargaarka loo gaarsiiyo shacabka tabaalaysan ee ku dhaqan Gobolka Tigray.