Xarumihii shiidaalka iyo wershadaha Sucuudiga oo gubanaya

Saudi-(Berberanews)-Xuutiyiinta Yemen ayaa qirtay weeraro isdaba joog ah oo ka dhacay Sacuudi Carabiya ka dib markii warbaahinta dowladda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sheegtay in gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu badhtilmaameedsaday keydka saliidda ee Jeddah iyo xarumo kale oo ku yaal Riyadh.

Qiiq madow oo aad u weyn ayaa la arkayay oo ka kacaya warshadda ku taal Jeddah, iyadoo magaalada ay isu diyaarinaysay inay martigeliso tartanka Formula One maalinta Axadda. Inkastoo Sacuudiga iyo Aramco oo ay dowladdu maamusho aanay isla markiiba qirin dabkan, ayaa haddana waxay u muuqatay mid ku qotonta xarun shidaal oo Xuutiyiinta ay horay u badhtilmaameedsadeen.

Gelinkii dambe ee Jimcihii, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yahya Sarea ayaa sheegay in kooxdu ay gantaallo ku weerareen xarumaha Aramco iyo warshadaha Ras Tanura iyo Rabigh oo ay la socdeen diyaarado aan duuliye lahayn.

Sarea ayaa intaa ku dartay in weerarka sidoo kale lala beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

Weerarrada ayaa lala beegsaday “xarumaha Aramco ee Jeddah iyo xarumaha muhiimka ah ee caasimadda cadawga Sacuudiga, Riyaad”, ayuu ku soo qoray bartiisa Twitter-ka Saree.

Xarumo ay leedahay shirkadda weyn ee Aramco ayaa sidoo kale lagu weeraray Jizan, Najran, Ras Tanura iyo Rabigh iyadoo lagu weeraray “tiro badan oo diyaarado aan duuliye lahayn”, ayuu ayuu sheegay inay ku weerareen.

TV-ga Al Carabiya oo soo xiganayay isbaheysiga ayaa sheegay in nidaamka difaaca cirka ee Boqortooyada Sacuudiga uu burburiyay labo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan, kuwaasi oo lala beegsaday magaalada Najraan.

Berberanews.com
Info@Berberanews.com