FAA’IIDOOYINKA CIBAADADA IYO CAAFIMAADKA EE  BISHA RAMADAAN

Soonku waa mid ka mid ah 5ta tiir ee Diinta Islaamka kuwaas oo ah saldhigga nolosha dadka Muslimiinta ah. Tiirarka kale waxay kala yihiin: Shahaadada, Soonka, Zakada iyo Xajka loo aado magaalada barakaysan ee Maka. Soomidu waa waajib Bisha Ramadaan si loo kasbado abaalmarinta Ilaahay (SWT). Soomidda Bisha Ramadaan waa muhiim si loo helo ujeedooyinka laga leeyahay kuwaas oo kala ah:

1. Soomida Bisha Ramadaan waxay qeexdaa Muslinimada qofka Muslimka ah

2. Muslimiintu waxay naftooda u huraan Diintooda Islaamka si cibaadada ay samaynayaan ee kala ah: Soomida, Quraan akhrinta, Salaadda, xuska Allaah, ducooyinka iwm ugu dhawaadaan Allah (SWT) si ka badan bilaha kale ee sannadka.

3. Muslimiintu waxay ka fogaadaan dunuubta waxayna naftooda ku carbiyaan inay naftooda ka xakameeyaan waxyaabaha ay jeceshahay ama rabto.

4. Muslimiintu waxay soomida ka bartaan adkaysi, dulqaad iyo naxariis

5. Muslimiintu waxay badsadaan taqwada (Cibaadada) si ay u gaadhaan ama u helaan fadliga weyn ee HABEENKA BARAKAYSAN (Leylatul-Qadar)

6. Muslimiintu waxay naftooda ku nafaqeeyaan taqwada iyo cibaadada halkii ay xoogga saarilahaayeen jidh-dhiska oo qura.

7. Culuunta Sayniska ee caafimaadka waxay caddaysay in faa’iidooyin badan oo caafimaad laga helo soomida Bisha Ramadan ama waqtikasta oo kale oo la soomo. Faa’iidooyinka caafimaadka ee laga helo soomida waxaa ka mid ah: Hagaajinta niyadda, maskaxda iyo hufnaanta caqliga; sun kasaaridda jidhka; naaqusidda rabitaanka cuntada badan; habaynta xaydh-dhiigga xun (Regulating bad cholesterol); goynta baruurta jidhka iyada oo jidhku isticmaalayo kaydkiisa; ka hortagga cudurada wadnaha iyo cayilka (Heart Diseases and Obesity); nadiifinta xiidmaha caloosha; dhimidda miisaanka (Overweight); hagaajinta dheef-shiidka (Digestive System) iwm.

Bisha Ramadaan waxay Muslimiintu ka soomaan oo joojiyaan cuntada, cabbidda, aflagaada, beenta, xanta, isku dirka, dagaalka iwm si Ilaahay (SWT) u aqbalo soontooda inta u dhaxaysa waaberiga ilaa qorax-dhaca. Iyada oo qofka Muslimka ah ay waajib ku tahay inuu soomo Bisha Ramadaan ayaa hadana Quraanka Kariimka ah caddaynayaa in marka qofka Muslimka ah uu ku suganyahay xaalado gaar ah aan laga rabin inuu soomo sida haweenka uurka leh; dadka gabooba; haweenka dhiigga qaba; dadka qaba cudurada halista ah sida macaanka (Diabetes), dadka safarka ah iwm. Laakiin dadkaas waxaa laga rabaa inay gudaan ama qalleeyaan maalmaha ka tegay Bisha Ramadaan haddii ay awoodaan, haddii kale waa inay quudiyaan dadka masaakiinta ah. Bisha Ramadaan waa 29 ama 30 maalmood. Tirada maalmaha Bisha Ramadaan waxay ku salaysantahay Kaalandarka Dayaxa.

Allaah (S.W.T) waxaa uu leeyahay: “Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waxaa la idinku waajibiyay Soonka, sidii loogu waajibiyay kuwii idanka horreeyay, si aad u dhawrsataan.”(Soonku) waa maalmo tirsan ee qofkii idanka mid ah ee buka ama safar ah waxaa korkiisa ah maalmo kale inuu soomo (qalleeyo). Xagga kuwa uu soonku dhibayo (sida qof da’ah, qof qaba cudur halis ah oo ma guure ah iwm) waxaa la siiyay (ikhtiyaar inay soomaan) ama quudiyaan qof sabool ah (bedelka maalinkasta oo la afuro). Qofkii sameeya wanaag (khayr badsi) iskii ah, isaga ayay u roontahay. Inaad soontaan ayaa idiin khayr badan haddii aad ogtihiin.” [Suuradda Al-Baqara, Aayadaha: 183aad iyo 184aad].

Abu Hurayra (R.C) waxaa uu ka soo weriyay Rasuulka Ilaahay (S.C.W) inuu yidhi: “Ilaahay waxaa uu yidhi camalkasta oo Ibnu Aadamku sameeyo isaga ayaa leh marka laga reebo soonka oo aan Anigu leeyahay, Aniguna ka abaalmariyo. Soonku waxaa uu gaashaan ka yahay Cadaabta iyo dembiyada. Hadii mid idanka mid ah soomanyahay, waa inuu ka fogaadaa galmada ooridiisa, dagaalka, haddii qof la dagaallamana uu dhahaa: ‘Anigu waan soomanahay’. Waxaan ku dhaartay Ka nafta Nebi Muxammad ku jirto Gacantiisa, urta aan fiicnayn ee ka soo baxda afka qofka sooman waxay Allaah Agtiisa ka udgoon badantahay miskiga. Qofka sooman waxaa uu leeyahay laba (2) farxadood, farxad waa marka uu afurayo, farxadda kalena waa marka uu la kulmayo Rabbigiis, halkaas oo uu Raalli-Ka-Noqonayo soonkiisa awgii.” (Saxeex Al-Bukhaari 1904, Saxeex Muslim 1151).

Ibrahim Hassan Gagale
March 28, 20022