Hargeysa (Berberanews)-):- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ku sugan Suuqa Caasimadda Hargeysa ee gubanaya oo xataa Madaxweynaha Somaliland MuuseBiixiCabdi iyo Madax badani joogaan, ayaa ku baaqay in Booyadaha Biyaha ka qaybqaataan gurmadka lagu daminayo Dabka weli ku sii fidaya qaybaha Suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen.
Wasiir Kaahin, waxa kale oo uu ku baaqay inay Dad tiro badan oo buux dhaafiyey halkii Gaadiidka Dab-demiska iyo Ciidammada gurmadka ahi mari lahaayeen, ay Jidadka banneeyaan, isla markaana ay ka baxan Suuqa gubanaya iyo nawaaxigiisa.
Maxamed Kaahin, waxa uu sheegay inay Dadku caqabad ku noqdeen gurmadka lagu bakhtiinayo Dabka.