Hargeysa -(Berberanews)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa ku dhawaaqay in berrito oo Sabti ah la dhammaystiri doono bisha Shabcaan, isla markaana aanay soon ahayn.
Wasiir Albaani oo shacabka kala hadlay warbaahinta goor dhoweyd, waxa uu sheegay inaannu jirin war rasmi ah oo sheegtay aragtida bisha Ramadaan, gaar ahaan dalka Somaliland iyo waddamada jaarka ah, sidaa daraadeedna berri la dhammaystiro Shacbaan, curashada bisha barakaysan ee Ramadaan na ku beegan tahay maalinta Axadda.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah masaajidada caasimadda Hargeysa ayaa caawa laga tukanayaa salaadda Taraawiixda.