Isku raranta suuq-weynaha Waaheen, laguma waari karee, waa in la maareeyaa

Musiibada xalay ku habsatay Hargeysa ee ay hantida malaayiinka ahi ku shuf beeshay waa mid murugo, xanuun iyo uur-ku-taalo badan. Suuq-weynaha Waaheen wuxuu ahaa suuq-ganacsiyeedka ugu weynaa ee ay Somaliland leedahay maanta waa wada danbas. Waa musiibo qaran oo u baahan in si milgo qaran leh loo maareeyo – dawlad ahaan, muxaafid iyo mucaarid ahaan iyo shacab ahaanba. Looma baahna mana habboona in la siyaasadeeyo oo ay inaga noqoto “meyd canaan waayay iyo bal goorta xun ee uu go’ay eega”.

Reer Hargeysa iyo guud ahaanba dadyowga Somaliland waa dad adkaysi iyo ka-soo-kabasho badan (resilient). Dadka dabkii xalay ku caydhoobay si dareen leh ayaan uga samirsiinayaa uguna ducaynayaa in

Ilaahay wax ka khayr badan ugu beddelo. Qaddarkana Ilaahayna haw arkaan imtixaan la marinayo inta uu iimaankoodu ligan yahay waayo shalay hantidan may haysan, Ilaahii siiyayna wuu joogaa waxna kuma aha inuu mar kale wax ka wacan ugu cawilo oo waxaaba Ilaahay kaga filan “kun fa yakuun” oo macnaheedu yahay “ahaw oo uu ahaado” il-bidhiqsi wax ka yar.

Dabkani maaha kii u horeeyey ee Waaheen haleelay. Nin xasuus badan oo la yidhaahdo Rashiid Caydiid oo aanu baraha bulshada saaxiibbo ku nahay ayaa soo qoray in isla suuqani gubtay markay taariikhdu ahayd 14 kii Oktoobar 1969 oo iminka laga joogo muddo ka badan 50 sanadood. Nasiib darradu waxay tahay 50 kaa sanadood wax suuqa badbaadintiisa iyo samota-bixintiisa iska beddeley haba yaraatee ma jiraan. Berigaa hore ayaabay ka wacnaydoo dadkaaba intan kana yaraa kana dhaqan wacnaa.

Canaan igama ahee waxa iyana rumowday oo ay ganacsatada Waaheen qaarkood arag-fogaha (TV-yada) ka markhaati kaceen in Dawladda Hoose iyo Dab Demisku ay in badan ku waaniyeen inay waddooyin looga gurmado baneeyaan. Nasiib darrose ay ganacsatadu ka dhego adaygtay. Dhegeyhayga waxaan ku dhegeystey Axmed Sawaaxili oo ka dareen celinaya masiibada dhici karta haddii gurmad loo baahdo iyo dhegaha laga furastay.

Haddaba maanta maxaa inala gudboon? Horta musiiba kasta oo dhacda wax baa laga bartaa, waayo-aragnimana waa laga korodhsadaa si looga hor tago loogana gaashaanto inay mar kale kugu dhacdo. Maahmaahdii saw may ahayn “….. mar 2aad i dage, anaa is dagay”? Oodo-dhacameed siday ay u kala sarreyaan ayaa loo kala guraaye,  talooyinkan ayaan soo jeedinayaa si musiibadan loo weeleeyo loona soo af-meero oo aanay inaga noqon “maxaa laygaga riyaaqi (farxi), beritoba waan lumiye”:

KOW: Waa in la baadho sababta keentay in uu dabkani dhasho marka horeba oo ay baadhaan khubaro madax banaan oo aqoonteeda iyo khibradeeda lihi. Marka sababtaa la ogaado waa in la taxaa sidii loo sixi lahaa khaladkii dhacay wixii saxmi kara si aanay mar kale inagu habsan tanoo kale.

Sideedabana markaan maskaxdayda tuujiyay afar siyaabood ayuun buu dabkani ku dhalan karaa:

–          Si badheedh iyo ula kac ah (arson) oo loo gubay oo aanan qabin inay dhacday

–          Danab ku dhacay oo ololiyay oo aan isna jirin

–          Dareen la’aan raran (dhuxul nool) oo meesha lagaga tegey oo aan la basrin ama sigaar shidan oo layska tuuray.  Mar aan si aan cilmiyaysnayn u daraasadeeyay dalka ayaan ogaaday inay afku-dablayaashu sigaarka shidan iska tuuraan 20% (boqolkiiba 20).

–          Shoodh ka kacay xadhkaha laydhka

Intii aan wararka xalay illaa maanta daawanayay, waxaan ku war heley looga-qaateen goob-jooge ahaa oo sheegay inuu dabku ka bilaabmay bakhaar xidhnaa oo laga rawaxay oo ay jebin kari waayeen si ay dabka ula tacaalaan. Markii dambana waxa layla wadaagay fiidiyo laga duubay markuu ololku bilaabmay.

LABO: Waa in la tiro koobaa hantida luntay iyo hantiilayaasha maanta faro madhanta taagan.   

SADDEX: Waa in ay dawladdu abaabul xooggan ka gashoo sidii hantiilayaashaa loo taakulayn lahaa loona gacan-qaban lahaa.  

AFAR: Maadaama aynu maanta bar-bilaw joogno oo uu Suuq-weynihii Waaheenna uu dambas noqday, waa in laga hawl galaa sidii loo dabbiqi lahaa Astaamaha Dabka (Fire Code) iyo Dhismaha (Building Code) ee lagaga hor tago dab inuu dhasho hadduu dhashana lagula tacaali lahaa. Meherad kasta waa in lagu khasbaa inay hir-geliso code-kaasi ku dhaqankiisa. Suuqaa weynaa markaad dhex marto maad arki jirin meherad ay taalo haantii dab demisku.  Waa in mulkiilayayaasha iyo shaqaalahaba la siiyaa tabobaro sida dabku inuu dhasho looga hor tago hadduu dhashana loo bakhtiiyo.

SHAN: Liisanka Ganacsiga iyo Dhaqan-gelinta Astaamaha Dabka (Fire Code) waa in la isku xidho oo mehereddii dabbaqi weyda aan liisan ganacsiba la siin inta ay u hoggaansamayso dantaa guud.

LIX: In Dawladda Hoose iyo Hay’adda Dab Demisku ay is ka kaashadaan sidii loo bannayn lahaa waddooyinka xidhan ee la degay si loo helo waddooyin uu gurmadku maro.

TODDOBA: Qaadhaan uririn Qaran oo ay dawladdu gadh-wadeen tahay ayna ku bahoobaan ganacsatada waaweyn, aqoon-yahanada iyo culimada dalku.

Gebogebadiina waxaan aad iyo aad u boogaadinayaa ciidamada oo dhan siiba ciidanka dab demiska oo runtii ah naftood hurayaal nafahooda biimeeyay si dan guud u daboolaan. Mayor-ka Hargeisa iyo guud ahaan Dawladda Hoose ayaa iyana ay tahay in la xuso loona mahad celiyo.

Gurmad Qaran iyo isku-duubnaan ayaa loo baahan yahay. Faro fiiq fiiqda iyo musiibada siyaasadaynteedu waxba soo kordhin mayso, xalna keeni mayso, dabna bakhtiin mayso anigu sidaan qabo.

HARGEYSAY HA DHEELIYIN HA DHANTAALMIN WELIGAA!!

Qore: Mohamed Hussein Ali “KHAN”