Khilaaf culus oo ka dhex qarxay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo AMISOM

Muqdisho -(Berberanews)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo taliska ciidammada nabad-ilaalinta AMISOM uu soo kala dhexgalay khilaaf ku saleysan arrimaha amniga xerada Xalane.
Khilaafkan wuxuu salka ku hayaa, kadib markii ciidammo ka tirsan Nabadsugidda NISA oo laba bar kantarool ku dhex leh xerada Xalane ay AMISO ku wargalisay inay ka guuraan baraha ay halkaas ku leeyihiin, sababo lagu sheegay walaac la xidhiidha dhanka amniga.

Warka ayaa intaas ku daray in NISA ay ka hortimi dalabka AMISOM, middaas oo keentay ismariwaa ilaa hadda ka dhextaagan labada dhinac. Waxaan la ogeyn in dalabka AMISOM iyo walaaca amni uu yimi kadib weerarkii 23-dii bishii hore ee March ay laba dabley oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig si adag loo ilaaliyo oo ay ciidammada AMISOM ku leeyihiin meel aad ugu dhow madaarka Muqdisho ee Adan Adde International Airport. 
Khilaafkan cusub ee ka dhextaagan labada dhinac ayaa yimi kadib farriin Hay’adda NISA ku qortay boggeeda Twitter-ka oo ay ku sheegeen inay jiraan iskudayo ay kooxda Al-Shabaab qorsheynayaan inay ku beegsadaan Madaxweyne Farmaajo iyo raisulwasaare Rooble.
Farriinta qoraalka la dhigay bogga Twitter-ka NISA, waxa ka horreeyey hadal uu hore u jeediyay isbuucii la soo dhaafay ra’isulwasaare Rooble taas oo uu ku sheegay in loo soo diray farriimo hanjabaad ah.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasadda Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka ay marayaan meel xasaasi ah.