Qorshaha suuqa cusub ee Waaheen:
Iskaashi Iyo Wadshaqayn aaa ka fiican tarrtan Iyo wax kala riixasho

Wq. Cali Guray
Masuulyadda Waa La Wa Leeyahay, Hadana Waa La Kala Leeyahay; Waana La Sii Kala Leeyahay. Hadii inta marka hore la isla fahmi karo oo cid waliba garato inta ay ku yeelanayso hawsha ka soo kabashada (inta karaanku yahay)khasaaraha Suuqii gubtay ee Waaheen wax badan oo laga qaban karo ayaa jira. Waayo waxa meesha ka baxaya wax kala jiidasho iyo tartan aan loo baahnayn oo hadii aan laga taxadirin keeni kara khilaaf dhinacyada ay khuseeyaan hawlaha ka soo kabashada oo ay ugu muhiimsan tahay dibu dhiska suuqii hore ee gubtay laguna bedelo suuq cusub oo casri ah iyadoo laga faaiidaysanayo qaladkii hore ee sahlay in mar keliya uu hurushoobo Suuqa Waaheen. Taas ayaa waxay ina faraysaa in mudnaanta koobaad la siiyo talaabooyinka dhinaca badbaadada suuqa cusub (new market safety measures).
Maadaama suuqyada iyo sariibadaha magaaladu ay hoos yimaadaan Golaha Degaanka Caasimadda( Dawladda Hoose) waa in masuuliyadda koobaad iyaga dusha loo saaro (burden responsibility on to the shoulders of Hargeysa City Council). Taas micnaheedu maaha in hawlaha dibu dhiska Suuqa Waaheen ay iyada keli ku tahay ee waxa jira saamilay kale (other stakeholders) la’aantood aanay Dawladda Hoose waxba ka qaban karin Dibu dhiska suuqa hadii faraha looga qaado. Maayarka iyo golihiisa degaanka caasimaduna waxan filayaa in ay intaa garanayaan waayo 17 xubnood ee goluhu haba noqdaan dhalinyar balse waxa badan inta aqoon iyo waayoaragnimo ku filan u leh dhinaca Maaraynta Mashaariicda. Dawladda Hoose dhinaca maaraynta way u madaxbanaan tahay hawlaheeda balse go’aanadeedu waa in aanay ka hor imanayn xeerarka iyo siyaasaddaha qaran oo dabcan Dawladdq Dhexe ay hirgelintooda masuul ka tahay.

Sida aynu og nahay ma jiro Xeer Caasimadeed taasina waxay xadidaysaa madaxbanaanida Golaha Caasimadda waana dhibaato jirta. Sidaa daraadeed wasaaradaha iyo haya’daha kale ee xukuumaddu maaha in ay iswada barbar yaacaan ee waa in ay yeeshaan isku xidhnaansho (Inter Ministerial Coordination Body) oo noqon kara guddi hoos iman karta ama uu gudoominayo Wasiirka Arimaha Gudaha oo wasaaraddiisa ay hoos yimaadaan dawladaha hoose sharci ahaan.

Kaalinta ugu xasaasisan Dawladda Hoose iyo Golaha Degaanka Caasimaduna aanay ku filaan karin ayaa ah dhinaca abaabulka dhaqaalaha ama Resouce Mobilization Group/Committee. Gudidaasi anigu waxan soo jeedin lahaa xubnaha ugu muhiimsani in ay ka koobnaadaan ganacsatada ugu haynta roon oo iyagu wax ay ku kordhiyaan mooyee aan looga baqayn musuqmaasuq.

Golaha Degaanka Caasimaddu inta aanay ka hadlin hawlaha dibu dhiska waxa looga fadhiyaa warbixin ku saabsan qiimaynta khasaaraha (damage assessment) iyada oo dhinacyo badan laga eegayo. Warbixintu waa in  ku qeexaan baahiyaha (needs assessment), waana in ay ku soo gebogabawdo ama ku lifaaqan yahay qorshahooda ka soo kabashada, gaar ahaan ta ugu mudan oo ah Mashruuca Dibu-dhiska Suuqa Cusub ee Waaheen