Cabdiraxmaan Cirro: Waa in dib-u-dhiska Suuqa WAAHEEN iyo maamulkiisaba loo daayo Dawladda Hoose

Hargeysa-(Berberanews)-“Waa in dib-u-dhiska Suuqa WAAHEEN iyo maamulkiisaba loo daayo Dawladda Hoose ee Hargeysa, Dawladda Dhexe-na qaadato doorka shuruucdu siisay. Waa ceeb iyo dhegxumo in maanta Suuqa WAAHEEN dib-u-dhiskiisa la siyaasadeeyo oo la carqaladeeyo, waannu ka digeynaa, mana aha mid la qaadan karo.”