Dawladda Soomaaliya oo sheegtay inay $12.7 milyan gaadhsiisay Somaliland

MUQDISHO —(Berberanews)-Dawladda Soomaaliya, ayaa sheegtay inay maanta Guddiga Gurmadka Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland u dirtay lacag dhan 12 milyan iyo 700 kun oo dollar, sida uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mr Mahdi Maxamed Guuleed.
Lacagtan ayaa isugu jirta 11 milyan iyo 700 kun dollars oo ah lacag loogu talo-galay barnaamijyada horumairnta Somaliland oo ay hore u haysay dawladda Soomaaliya iyo 1 milyan dollar oo ay bixisay dawladda federaalka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliand Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna maanta jeediyey baaq caalami ah oo ku codsanayo lacag dhan 2 bilyan dollar oo lagu gargaaro 5 kun oo ah goobo ganacsi oo yaryar, kuwa dhexe iyo qaar waaweyn oo uu saameeyey dadbkii baabi’iyey Suuqa Waaheen.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa sheegay in dabkaasi uu si toos ah iyo si dadban u saameeyey qoys kasta oo ku nool magaalada Hargeysa.
Dabkan oo kacay 1dii bishan April, waxa uu baabi’iyey guud ahaanba suuqii ugu weynaa ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland ee Waaheen.