Guddida Taakulaynt Suuqa Waaheen oo kulan la qaatay wefti ka socday UN-ka iyo Midowga Yurub

Hargeysa -(Berberanews)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo Guddida Taakulaynta Heer Qaran ee Suuqa Waaheen, ayaa maanta kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socday waddamada ka taageera Somaliland dhanka horumarka ee reer Yurub   iyo hay’adaha UN-ka qaar ka mid ah.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd Maxamuud ayaa ugu horreyn soo dhaweeyey waftiga, isaga oo uga mahad-celiyey sida ay Somaliland u garab istaageen tan iyo markii ay dhacday masiibadii dabka ee baabi’yey mid ka mid ah suuqyada ugu weyn Geeska Afrika ee Waaheen, masiibadaas oo lagu waayey dhaqaale lagu qiyaasay 1.5 ilaa 2 biyan oo doolarka Maraykanka ah.
Xubnaha wakiillada ah ee ka socday waddamada Somaliland ka taageera dhinaca horumarka, ayaa qaranka la wadaagay dhambaallo tacsi ah oo ay ka sidaan madaxda dalalkooda, waxaanay muujiyeen sida ay uga xun yihiin masiibada dabka baabi’iyey suuqa Waaheen oo uu yaallay dhaqaale aad u ballaadhan, kuna waxyeelloobay hanti aad u ballaadhan, iyaga oo caddeeyey inay shirar degdeg ah (Emergency meetings) oo arrintan la xidhiidha toddobaadkan gelayaan.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isaga oo ka wakiil ah madaxweynaha qaranka iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland, waxa uu weftiga ka guddoomay tacsida iyo dareenka saaxiibtinimada leh ee ay u muujiyeen qaranka, isaga oo uga warbixiyey baaxadda khasaaraha dabku geystay.
Ugu dambayn, xubnaha ka socda dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca horumarka, ayaa ballanqaaday inay warbixin buuxda oo la xidhiidha baaxadda masiibada dabka u gudbin doonaan madaxda waddamadooda, isla markaana ay gacan buuxda ka geysan doonaan dhibaatadaas.