Berbera-(Berberanews)-Diyaarad weyn oo ay leeyihiin Ciidamada Maraykanka, nooceedana uu yahay 130 Hercules Bronco 73 numberkeedana uu yahay KC13OJ ayaa ka soo duushay xerada Maraykanka ay ku leeyihiin Djibouti ee lagu magacaabo Camp Lemonnier.
Sida uu sheegay Bloa Laurent oo jooga Djibouti, diyaaradan ayaa ku socotay joog hoose oo ah 1000:3000 ft, ayaa waxa ay soo martay xeebta Berbera, waxana ay ku soo degtay Garoonka Caalamiga ah ee Berbera.
Diyaaradan oo ay saarnaayeen saraakiil Maraykan ah ayaa wakhtiga ay ku soo degtay Garoonka Caalamiga ah ee Berbera ay ahayd 0600-0620 subaxnimo ee Berbera, Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muse Bihi, ayaa bishii March booqasho ku tagay Maraykanka, waxana uu heshiisyo uu la soo saxiixday Wasaarada Difaaca Maraykanka, iyada oo la filayo in Maraykanka ay saldhig milatari ka samaystaan magaalo- xeebeedka Berbera.
August 13, 2021 ayaa diyaarad ah C-130 Super Hercules ay soo fadhiisatay garoonka Berbera, iyada oo warbixin ka qortay sida uu yahay garoonka caalamiga ah ee Berbera.