Addis Ababa -(Berberanews)-Maxkamadda Sare ee dalka Itoobiya qaybta la dagaallanka Argagaxisada, ayaa Xeer-ilaalinta Federalka ku amartay inay maxkamadda horkeenaan hoggaamiyaha TPLF Debretsion, Afhayeenka Getachow Reda iyo xubno kale oo ka tirsan kooxda Tigray.
Dawladda ayaa sidoo kale ugu baaqday xubnaha ka mid ah TPLF inay iska soo xaadiriyaan Maxkamadda, iyadoo dawladdu baaqan ay ku baahisay warbaahinta iyo wargaysyada kasoo baxa caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa maanta.
Geesta kale Booliska ayaa iyagu dhankooda sheegay in sababo amni dartood ay ku adkaatay soo qabashada xubnahan u sarreeya TPLF.
Dhanka TPLF weli ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay, oo ku saabsan arrintan ka soo cusboonaatay dhinaca dowladda ee Maxkamadda looga yeedhay hoggaamiyeyaasha Tigray.
Arrimahan ayaa ku soo hagaagay xilli dowladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad joojin, isla markaana ku raaceen kooxda TPLF.