Taariikhda ku duugan Saldhigii Milateri ugu horeeyay ee Ingiriisku ka bineeyo Somaliland Qarnigii 18aad iyo Dagaalkii Zayid Maxamed Cabdalla Xasan ku qaaday.
Sheekh-Qarnigii 18aad, ka dib heshiis dhexmaray sallaadiintii hoggaaminaysay dadka reer Somaliland, boqortooyadda Ingiriisku waxay ka aas-aaseen dhulka Somaliland maxmiyad loo bixiyay”British Protectorate” oo uu maamulayay xafiiska arrimaha debedda ee Ingiriisku tan iyo sanadkii 1905.
Ujeedada aas-aaska maxmiyaddii Ingiriiska ee wakhtigaasi may ahayd mid ku dhisan dano dhaqaale, balse waxay ku sallaysnayd ilaalinta danaha gacansi ee badda, hubinta socodka dadka adoomaha laga qaadayo bariga Afrika iyo in maxmiyadda Ingiriisku ka jirto awoodaha kale farogelin inay ku sammeeyaan quwadaha kale.
Imaatinkii dawladda Ingiriiska ee dhulka Somaliland waxa uu ku kelifay abuuritaanka ciidammo xoogan iyo dhismaha xarummo milateri, ka dib markii dagaal dhiig badani ku daatay uu dhexmaray ciidammadii dhaqdh-dhaqaaqa iska caabinta ee uu hoggaaminayay Zayid Maxamed Cabdalle Xasan, oo ahaa hoggaamiyihii daraawiishta, waxyar ka hor dagaalkii koowaad ee adduunka.
Markii Dawladii Ingirisku ka soo degtay Xeebaha Dalka Somaliland waxa uu dhismayaal kala duwan ka hirgaliyay goobo kala duwan oo uu u dhistay ujeedooyin diblamaasiyadeed oo kala duwan, dhismayaashan oo isagu jira Qasriyo, Guryo, Beero,Iskuulo iyo meelo kale oo Xeryo Ciidan ka mid yihiin.
Xerada ciidanka ee loo yaqaan “ Killaha” oo ku taal Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil waxay ka mid tahay goobaha Qadiimiga ah ee wali ka sii nool dhismayaashii iyo xadaaradii Boqorooyada Ingiriisku kaga tegay Somaliland wakhtigii uu gumaysanayey , halkaasoo ah goob dhismaheeda aad loo adkeeyay, kana samaysan dhagax iyo nuurad adag oo la nashqadeeyay oo gacan ku haynteeda ay isaga danbeeyay Jiilal kala duwan.
Goobtan qadiimiga ah oo qaabkeedu u dhisanyahay saldhig difaac waxaa la dhisay dhamaadkii qarnigii 18aad taariikhdu markay ahayd 1889kii, sida uu ii xaqiijiyay Maxamed Cabdi Jadha oo ka tirsan Wasaaradda Dalxiiska Somaliland isla markaana in badan isku hawlay ururintan taariikhda qadiimka ah ee dalka iyo Xasan Cabdilaahi Xuseen oo isaguna sidoo kale dabagal iyo ururinta ku sameeyay aataarta qadiimka ah oo aan wax ka waydiisay waxay ka ogyihiin goobtan taariikhiga ah.
Maxamed Cabdi Jadha waxa uu ka sheekaynayaa wakhtigii Ingiriisku yimi goobtan iyo sidii ay ku bilaabantahay “Markii u horaysay ee uu Ingiriisku yimi dalka waxaa uu ka soo degay xeebaha dalka gaar ahaan Berbera yimi, in badan markii uu deganaa halkaa waxaa uu u soo gudbay xaga Koonfureed ama Oogada, waxaanu ka soo billaabay Dubaar oo iminka ay Berbera biyaha ka hesho, waxaa uu u soo dhaafay dhinaca Mijacaseeye, hadana waxaa uu degay Tuulada Dhaymoole oo uu ka hirgaliyey Iskuulkii u horeeyay oo sida la sheego lagu baran jiray fidinta Diinta Kiristanka. intaa ka dib waxaa uu u soo dhaafay dhinaca Degmada Sheekh isaga oo Degay Dooxa Xamarta ee Dawga Sheekh ku hoos yaal, halkaas oo uu ka samaystay Beer iyo Guri wali sii dhisan, waxaanu ugu danbayntii soo degay halkan maanta aynu joogno ee loo yaqaan (Killaha).”
Maxamed oo ka xog-waramaya ujeedadii Ingiriisku ka lahaa dhismaha goobtan iyo wakhtigii la sammeeyay waxa uu yidhi, “Killaha waxaa la dhisay 1833kii, oo Ingiriisku ugu talo galay inay u noqoto goob uu dalka intiisa kale ka maamulo, isaga oo markii u horraysay Saldhig ciidan oo noocan oo kale ah halkan ka dhistay, uguna talo galay Xero ay askartiisu seexdaan, waxaanu ku dhisay niman u badnaa Hindi iyo Afrikan uu watay, waxaa lagu dhisay Fardo jiidaya buudhiyo, dhagaxana waxaa laga soo guri jiray Casaha (Goob u dhaw Sheekh) waxaa uu ugu talo galay Saldhig Ciidan oo u qaabaysan difaac, waayo wakhtigaa dadka aad umuu dhexgalin, waxaana markaa aad loo hadal hayey Sayid Maxamed Cabdalle Xasan iyo ciidankiisii daraawiishta oo u diyaar-garoobay inay dagaal kala hor tagaan.
Maxamed waxa uu inta aku daray, “ Dayrkani waxaa uu xaga sare ku leeyahay daloollo kala duwan oo ay ka soo jeedi jireen Madaafiic dab lagu qaban jiray iyo hub kale oo yar yar oo ku wareegsan xerada oo dhan, waxaana hubkaa ka mid ahaa Jirjirgaadh, Rayfall, Birigaan oo boobaha u eeg iyo kuwa kale oo badan.
Masuulkan ka tirsan Wasaaradda Dalxiisku waxaa sheegay in dawladda Ingiriisku bilowdey xoojintii ciidan iyo awoodii Milateri ee xaruntan, ka dib markii ciidammo ka ammarqaata Zayid Maxamed Cabdalle Xasan soo weerareen oo gubeen deegaanka Dariiqada oo isna ku yaal Degmada SHeekh “Goobtan markii hore waxaa joogay ciidan yar laakin markii Sayid Maxamed Cabdule Xasan uu gubay dariiqada Sheekh 1902-dii ka dib markii ay Culimo Dariiqada deganaa waxyeeleeyeen Ciidan ka tirsan Daraawiishtii oo halkan Sheekh soo booqday markaas oo uu Sayidka oo wata 250 faras uu yimi Dariiqada Sheekh dabadeed uu gubay baabi’iyayna dhamaanteed ayaa dib loo camiray Killaha (saldhiga ingiriska) lana keenay Hub iyo Ciidan, halkaas oo markii danbana sabab u noqotay in lagaga duulo Sayidkii isaga oo adeegsanaya goobo kale oo ku yaala Gobollada Sheekh Oogada ka xiga. Intaa ka dib Ingiriisku waxaa uu Sheekh ka dhisay Iskuul iyo meelo badan oo uu isaga deganaa sida aqalkii loo yaqaanay (Balaman) oo uu deganaa masuulkii ugu sareeyay ee Ingiriska u joogay Somaliland.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi oo ah masuul ka tirsan Wasaaradda dalxiiska iyo deegaanka Somaliland.
Maxamed Cabdi Jadha waxaa uu xusay in goobtani tahay meelo lagula garnaqsan karo Boqortooyada Ingiriska loogana faa’iidaysan karo xidhidhka qotada dheer ee aynu la lahayn Boqortooyadii Ingiriis hadii la dar yeelo islamarkaana noqon karta goob dalxiis oo muhiim ah.
Xasan Cabdillaahi Xuseen oo ah khabiir ururiya arrimha Qadiimka ah ee dalka, oo isagana aan kula kulanay Degmada Sheekh, ayaa xog-waran iga siiyay waxa uu ka ogyahay Killaha, waxaannu yidhi, “Goobtan Taariikhiga ah waxay dagaalkii sayidka ka dib u ahayd Jeel ama meel dadka lagu xidho. Waxa ugu caansanaa Dadkii lagu xidhay Abwaankii waynaa ee Cabdi Gahayr oo gabayo badan xillagaa tiriyay, waxaana ku duugan oo wali ka sii muuqda meelo Taawaro u ahaa iyo meelahii Hubka laga soo jeedin jiray iyo waliba Gurigii ugu waynaa ee hubka lagu xerayn jiray oo isagu wali dhisan albaabkiisuna uu yahay Bir ama xadiid.”
Khabiir Xasan Cabdillaahi waxa uu sheegay in far-samo-yaqaannadii dhisayay wadada laamiga ah ee isku xidha Burco iyo Berbera bililiqaysteen agab farabadan oo goobtan yaalay, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Goobtan Killahu waxay burburkeeda billaabmay waxii ka danbeeyay 1960kii, waxaana ugu waynaa burburinteeda markii uu Talyaanigu samaynayey wadada laamiga ah oo uu halkan degay isaga oo wax badan kala baxay ama u adeegsaday dhismayaal kale, waxaana laga gurtay agab badan oo yaalay una badnaa Hub iyo Saabaan farabadan oo ay ka mid yihiin buudhiyadii Fardaha iyo waliba Silsilado waaweyn oo dadka lagu xidhi jiray.”
Suxufi Maxamed Siciid Cabdillaahi (Xarrago).