Asxaab door ah ayaan la wadaagay afkaaraha dhaqaale ee aan ka qabo dadkii ganacsiga ku haystay Waaheen ee hantidoodu ku shufbeeshay dabkii toddobaadkii hore.
Mar walba waxa aan u cadaallad samee lahaa ka hadalka hantiilayaasha ku hanti beelay dabkii waaheen, shaqaalaha iyagu heer maamul ilaa heer muruqmaal ku xidhnaa meheradaha, iyo dadka iyagu aan fursad u helin Waaheen ay kaga furtaan meherad ee isu haysay boos la’aani inay ka reebtay khayrkood. Dadkaa kala duwan ee saddexda nooc ahi, waxa ay u baahnayeen in qolo walba kiiskooda la eego oo lagu dhaqo xeerka cadaalladda ee la yidhaa sinnaan (equalite). “Solidarite” iyo “bailout” sida la isu waafajinaayo ayaa aan kala dooday in badan asxaabta.
Wajiyada dabkii Waaheen.
1: Habeenkii dabku qabsaday Waaheen, subuxii ku xigay qayb ka mid ah dadkii ku shaqaysan jiray suuqaa Waaheen, waxa ay raadsadeen bogcado ama boosas ay kusii wataan ganacsigoodii ama dhaqdhaqaaqoodii – indheergarad iyo geesiyaal.
2: Khasaare laxaad leh ayaa gaadhay hantiilayaal badan – waa ay khasareen, balse maaha dunidoodii oo dhammaatay.
3: Gebi ahaanba dadkii shaqaalaha ahaa, waxa ay u ahayd habeen madaw, waana la ilaaway dadkaa in laga hadlo ama la caawiyo – waa ay khasaareen, mase aha kama dambays.
4: Somaliland, siyaasiyan waxa ay u noqotay fursad magaceeda iyo jiritaankeedaba kor u qaaday, sida aan ka warqabno, Somaliland waxaa lasoo xidhiidhay madax markii hore carrabka ka ilaalin jiray soo hadalqaad keenaba – guul siyaasi ah baa ay ahayd.
5: Warbaahintu ilaa hadda warbixin rasmi ah oo fuuqsan karta dhacdadani raadka ay ka tegi doonto, ma ay soo bandhigin, mana ay waraysan khuburo aqoon u leh ganacsiga, magaalaynta iyo/ama dhaqaalaha – waa ay gabeen booskoodii.
6: Dawladaha hoose ee dalka, dabku waxa uu u noqon karaa fursad ay ku banneeyaan waddooyin isku raran ahaa oo hore looga dhigtay meherado. Waaheen, waxa laga dhigi karaa suuq casri ah oo bilic kusoo kordhiya Hargaysa – guul buu dabku u horseedi karaa Hargaysa.
7: Political class-ka Somaliland, waxa la odhan karaa, macaash dhaqaale oo shillis ayaa dheef ahaan ugu iman doona dhacdada Waaheen.
8: Dhulka beec u jooga ah, waxa ku dhici doona qiimadhac, sababta oo ah, waxa badan doona ganacsadata u baahan lacag kaash ah oo ay ku mudaan meheradahooda. Waxaa dhankooda dhulka ka qiima tiri doona maceeshada qaaliga ah iyo badxidhanka guud ee wakhtigan dunida madaxa la gashay.
9: Muran sharci ayuu dabkani ka tagayaa, oo la iswayddiin doono “dawladda dhexe mise dawladda hoose, yaa maamulka xaq u leh magaalada”.
10: Baananku waa ay macaashi doonaan dhawaanahan, waaayo, waxa badan doona lacagta laga daynsan doono dhawaanahan.
11: Shacabka waxa ku badan doona sicir bararkii ay awalba la daala dhacayeen, waxa sidoo kale cashar cibbaaro ah ka qaadan kara dhacdada Waaheen ganacsatada macaash doonka ah iyo dhallinyarada ka shaqayn jiray meheradaha ee iyagu ku jeesjeesi jiray haweenka usoo adeeg doonta suuqyada.
12: Ugu dambayn eeda dhacdada Waaheen ma waxa dhabarka loo saarayaa qaranka soddonka sano jiray, ee haddana ka hortegi kari waayey ama xakamayn kari waayey dabkii Waaheen, mise, mise dambiga waxa leh suuqa xorta ah ee distuurku qeexay in suuqa Somaliland xor yahay, ee iyagu aan kaba fekerin danta guud? Sida, haddii dab kaco, yaa bakhtiinaya, ama haddii masiibo timaado, horta caymis maku jirtaan? Doodda noocan ahi maaha mid cadiifad lagaga jawaabi karo, balse waa qaddiyad u baahan fahan qotadheer oo la xiriira dawladnimada (state) mise suuqa (market) kee baa aynnu xoojinaa?
……….
Qoraalka kan xiga waxa aan kaga hadli doonaa macalluul laga dayrinayo in ay kusoo food leedahay dunida ama cunto yaraan soo socota IA.
Xildhibaan Axmed Xiis Dharbaan
Golaha Degaanka Degmada Burco.