( Gabadh cadaana oo Kabtii kaga go’day dooxa dhexdiisa iyo bacdii loogu xidhay)
Kaliya saxaafadii madasha joogtay waxay inoo soo tabiyeen uun wefti yimid ka dibna ka hadlay dhibaatadii ka dhacday suuqa.
Bal dhinac aanay ka galin aan ka gallo si qof walba u sawiro inuu joogay oo kale.
Weftigu markii ay yimaadeen ee warbixinta la siiyey waxay soo kormeereen suuqii baaba’ay oo dhulka yaalla.
Kadibna waxay dalbadeen inay soo arkaan dadkii suuqan lahaa goobta ay hadda ku shaqaysanayaan oo ah Dooxii waynaa ee Hargeysa.
Waxay la kulmeen dadkii oo soo dhoweynaya oo faraxsan balse waayuhu keenay dooxa iyo qoraxda kulul.
Waxay arkeen dadkii oo aan niyad jabin markiibana bilaabay shaqooyinkoogii iyagoo ka bilaabay salka hoose.
Dadkii 30-ka sanno shaqaysanayey ee hadhka ku jirey oo mar kaliya dhex muquuranaya duruufo adag oo kala qorax, niis iyo dhul banaan oo dantu dhigtay.
Weftigii way u qaadan waayeen siday dadkani ugu qanacsan yihiin sida wax u dhaceen.
Waxay galeen hilibleydii oo mindiyihii shaqada ku qabsanayeen wata ayey cadaankii dhex lugaynayeen markaasay gacan qaaadayeen.
Waxa cajiib ahayd in mindiyaha iyo hilibka ay jarjarayeen dhex taagnaayeen; waxay isbarbar dhigayeen Muqdisha marka tagaan Madaarka ma dhaafan Hargeysa dooxii oo cid walba joogto bay saacad dhex lugaynayeen oo shacabkii iyo weftigu isku dhex darsameen taas oo sawir qurux badan ka qaateen safiiradii reer yurub
Waxa xusid mudan in gabadh weftiga la socotay oo Caddaan ahi kabtii ay xidhnayd camuudii iyo jararkii dooxa ee ay ka dhaadhacayeen ku kala go’day markiiba xildhibaan Mideeye ayaa bac ugu xidhay kabtii kala foqday oo iyadoo bacdii ku xidhan tahay ku fuushay gaadhiga iyadoo la yaaban sida markiiba loo maareeyey kabtii oo aanay dhex socoteen bacaadkii kululaa ee dooxa.
Sidoo kale waxay ku faraxsanayeen inay la kulmaan maayar mooge oo ay xogtiisa hayeen inuu ahaa ninkii ugu codka badnaa doorashada waxay ixtiraamayeen codka dadweynaha ee uu huwan yahay iyo sida aanu ilaa hadda uga dhex bixin goobta mashaqadu ka dhacday waxayna xiisaynayeen inuu isagu warbixinta siiyo.
Isku soo duuboo weftigii ugu balaadhna ee reer Yurub waxay qaateeen sawir aan maskaxdooda ka baxeen oo ah dad dadaalaya oo intay hantidoodii ka burburtay imika doonaya inay mar kale hoosta ka soo bilaabaan oo niyad wanaagsan ku soo dhoweynaya cid wal oo booqata.
Barkhad -Ladiif Cumar