Boris Johnson oo booqday Ukraine iyo Ballanqaadka gaadiid iyo Hub dagaal

Ukraine-(Berberanews)-Raiisel wasaaraha Britain Boris Johnson, oo booqasho ku jooga Kyiv, ayaa wacad ku maray in UK gawaadhida gaashaaman iyo gantaalada lidka maraakiibta ay u diri doonto Ukraine isagoo ku amaanay ciidamadeeda “ficilkii ugu weynaa ee hubka qarnigii 21aad”.

“Sababtoo ah madaxweyne (Volodymyr) Zelensky hoggaankiisa go’aanka iyo geesinimada aan laga adkaan karin ee dadka Yukreeniyaanka ah ayaa (Vladimir) Putin ujeedooyinkiisa bahalnimo fashiliyay,” ayuu yidhi ka dib markii uu la kulmay Zelensky, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Downing Street.