Briana Mcdonald ayaa sheegtay in ciyaaryahanka, weeraryahanka u ciyaara San Francisco 49ers ee lagu magacaabo Amry Thomas uu u sheegay kooxdiisa San Francisco 49ers in booqasho uu ku tagayo Somaliland, oo aanu ciyaarayn sadexda ciyaarood ee soo socda.
Somaliland oo ah wadan fakhri ah, ayaa waxa ay xad la leedahay Itoobiya.Amry Thomas oo la hadlayay Gudoomiyaha San Francisco 49ers ayaa waxa uu yidhi hadalkan hoose:
” Denise DeBartolo, waa in aad ii raacdaa Somaliland, halkaas oo aan caawin doono dadka masaakiinta ah ee xoolahooda ay ku dhamaadeen dabka ka kacay Waaheen”.Hadalkaas waxa uu ahaa 5 maalmood ka hor.
Denis Bartolo ayaa sheegay in Ambry Thomas uu soo gaadhay Hargeisa, caasimada Somaliland, uuna caawinayo dadka hantidooda ay ku dhamaatay suuqa Waaheen.Denis Bartolo waa Gudoomiyaha kooxda San Francisco 49ers.
Ambry Thomas, waxa uu ka codsaday shacabka Maraykanka in qof kasta uu bixiyo $50 ugu yaraan si loo soo kabo suuqa Waaheen ee gubtay.
Ambry Thomas waxa uu dhashay September 9, 1999, waxana uu ku dhashay magaalada Detroit ee gobolka Michigan.
Ambry Thomas waxa uu ka qalinjabiyey iskuulka sare ee Martin Luther King High School.2017 waxa uu u ciyaaray Ciidamada Maraykanka ( US Army All- American Bowl ).
Ambry Thomas ayaa hadda wax ka barta jaamacada Michigan.
July 26, 2021 waxa Ambry Thomas uu heshiis la galay in uu u ciyaaro San Francisco 49ers mudo ah afar sanadood.Waxana ciyaartiisii u horaysay uu la ciyaaray Los Angeles Rams.
“Gacantaada fidi, walletkaaga fur, dabkan wuu balaadhanyahay, waan u baahanahay caawimada dadkayga Maraykanka”- ayaa uu yidhi Ambry Thomas oo jooga Hargeisa.
Ambry Thomas oo la socda hay’ada Mercy USA ayaa baaqiisa waxa ka soo jawaabay Tery Lance, Talanoa Hufanga iyo George Kittle.
Ambry Thomas ayaa waxa uu siiyey Wasaarada Biyaha Hargeisa lacag dhan USD$526,867.00, waxana uu sheegay in dadaalkiisa uu isugu gayn doono suuqa Waaheen.