USA iyo Ethiopia oo ku kala aragti durugsan dagaalkii Tigray iyo dembiyada xuquuqal-insaanka

Sanadkii 2020 ayaa waxa is-maandhaaf maamulka iyo hawlaha doorashooyinka dalka Ethiopia uu dhex maray dadka ku nool gobolka waqooyiga dalkaasi dhaca ee Tigray , khilaafkani oo salka ku hayey dhawr qodob ;

1- TPLF oo 27 sanadood dalka Ethiopia ka talinaysay iyo hogaanka cusub ee ka soo baxay xisbigii EPRDF oo loo soo gaabiyey ( Ethiopian revolutionary democratic front ) ayaa waxa ku mideysnaa ;

▪︎ TPLF ( tigray people’s liberation front )
▪︎ODP ( Oromod democratic party )
▪︎ADP ( Amharic democratic party)
▪︎SEPDM ( southern Ethiopian people’s democratic movement ).

Maamulka EPRDF oo ay gadhwadeen ka ahaayeen TPLF ayaa waxa uu noqday mid saameyn weyn iyo isbadel cusub ku sameeyey dalka Ethiopia oo ay siyaasad ahaan dib u qaabeeyeen waxaana ka mid ahaa nidaamka cusub ;

1- In dalka Ethiopia noqdo federal ka kooban 9 gobol oo gobol waliba yeesho ismaamul dawladnimo oo hoose dawlada sarena la wadaago.

2- In Ethiopia loo gediyo nidaam parliamentary ah oo leh raisal wasaare awood leh oo uu doorto baarlamaanka federalka Ethiopia.

3- In Ethiopia oo lagu maamuli jirey nidaamka kalitalis ah oo ciidamo hogaamiyaan ( dictatorship) lagu maamulo nidaam dawlad dhexe oo xoog badan ( Autocracy).

Waxaa dadka Ethiopia intiisa badani ay ku dareemeen nidaamkani nafis iyo fakaag siyaasadeed marka laga reebo qoomiyadaha soomaalida , Oromada oo markan dambe ka soo horjeedsatay mooyaane.

Kacdoono qoomiyada Oromadu ay wadeen sanadihii 2016 ilaa 2018 ayaa waxa ay sababeen in uu is casilo Raisal wasaare Heillamariam Desalem oo ka soo jeeda shucuubta koonfureed SEPDM oo si ku meelgaadh ah dalkaasi u dhameystirayey mudo xileedkii uu ka geeriyooday Raisal wasaarihii awooda badnaa ee Malez Zenawi oo dalkaasi maamulayey 21 sanadood Aug 2012.

홆혼혾혿홊홊홉홆홄홄 홊홍홊홈혼혿혼 홀홀 혿홃혼홇홄화홀화 홄홈혼혼홉홎홃혼홃혼 혼혽홄화 혼홃홈홀혿 혼홇홄.

Sanadkii 2018 ayaa markii ay joogsan waayeen kacdoono rabshado wata oo ka bilaabmay markii beero dadka oromada ahi lahaayeen la doonay in si xoog ah loogu fidiyo qorshe magaaleedka Addis-Ababa ( Addis-Ababa masterplan ) , kaasi oo keenay in ay is biirsadaan tabashada siyaasadeed ee qoomiyada Oromo oo ah dadka dalka Ethiopia ugu badan iyo dhacdooyinkani ku soo beegmay.

Xal uu sameeyey Raisal wasaare Haillamariam Desalem oo ahaa in uu sameeyey isku shaandheyn siyaasadeed ( political reshuffle) oo lagu raali galinayo qoomiyada oromada si rabshaduhu u joogsadaan ayaan noqon mid wax soo kordhiya iyada oo xiligaasi mansabyo siyaasadeed oo badan loo kordhiyey Oromada.

Waxaa is casiley Raisal wasaare Haillamariam Desalem markii uu u taag waayey waxaana markiiba la Isla qaatey oo xisbiga EPRDF qorsheeyeen in talada dalka Oromada loo dhiibo , waxaana fursad helay Abiy Ahmed oo mudo dhexdaas ah noqday gudoomiyaha xisbiga Oromo iyo Mokonen Hassan oo xisbiga Amhara ka soo jeedo oo ku xigeen loo qaatay.

Markii uu Abiy Ahmed sidaa talada ula wareegay ayaa waxa uu badel guud ahaan siyaasadii Ethiopia ;

1- waxaa uu heshiis nabadeed oo aduunka oo dhami ku amaanay la galay dalka Erateria oo uu siiyey dhulkii Badhame ee UN qaraarka ku cadeeyeen in ay Erateria leedahay laakiin Ethiopia ay diiday , waa deegaanka dadkii ugu badnaa ku dhinteen bariga Africa dagaal inta la og yahay taariikhda.

2- Waxaa xigey waxaa uu jeelasha Ethiopia ka sii daayey dhamaan waxii dad siyaasad u xidhnaa oo uu xidhay maamulkii EPRDF ee TPLF gadhwadeenka ka ahaayeen .

3- Waxaa uu heshiis la galay Cafisna u fidiyey dhamaan jabhadihii ilaa 7 jabhadood gaadhayey ee dalkaasi Ethiopia maamulkiisa ka soo horjeeday oo waxa ay 80% ku soo guryo noqdeen dalka Ethiopia.

4- Waxaa uu fur-furnaan ku sameeyey ganacsigii iyo siyaasadii Ethiopia oo waxa uu la yimid nidaam dimuqaradiyadeed oo aad debecsan marka loo eego qaabkii Ethiopia loo maamuli jiray.

5- Waxaa uu soo xidh-xidhay dhamaan dadkii lagu tuhmayey in ay dalkaasi ka galeen dambiyo dagaal , qaar binu-adenimo oo u badnaa maamulkii TPLF oo uu jeelasha ku guray.

Halkani ayaa ah meesha uu ka bilaabmay in siyaasada uu wato Abiy Ahmed ay ka soo horjeestaan dadka Tigray oo u arkay in uu beegsanayo iyaga isla markaana uu galay khiyaamo qaran oo uu dalkii Ethiopia qaybo ka mid ah siiyey Erateria oo ay col ahaayeen oo ay dalka Ethiopia kaga dhinteen ciidamo ka badan 10 kun oo askari si ay u soo xoreeyaan Badhame .

Waxaa murugii iyo khilaafkii daaha ka fayday markii doorashadii dalka Ethiopia oo mudeysnayd Aug 2020 dib loo dhigey sababtana looga dhigey in xanuunkii Covid19 oo jira aan doorasho dalkaasi laga qaban karin , arinkaasi oo uu diiday maamulkii Tigray oo ay doorashadii xiligeedii ku qabteen , is maandhaafkii jiray ayaa dhaliyey cadaadis gaar loo saaray dadka Tigray oo guud ahaan maamulka Ethiopia isaga wada tagey inta ay xilalkii iska casileen.

Culeyskii iyo iska hor imaadkii oo taagan ayaa la weeraray saldhigii ugu weynaa ciidamada Ethiopia oo ku yaalay gobolka Tigray halkaasi oo uu maamulka Abiy Ahmed qaatay in uu dagaal la galo TPLF waxaana dhacay duqeymo iyo burbur balaadhan oo lagu baabiiyey gobolka Tigray oo uu hoosta kaga lamaanaa aargoosi siyaasadeed oo loo qabay TPLF.

Halkaasi waxaa ka dhacay dambiyo waaweyn oo xuquuqda aadamaha lid ku ah waxaa la laayey dad boqol kun ku dhow oo aan waxba galabsan oo lagu duqeeyey guryahoogii iyo magaalooyinkii ay deganaayeen , waxaa la barakiciyey dad 2 milyan oo qof ah oo dalka Ethiopia gudihiisa iyo dalka Sudan qaxooti ku noqday .

Waxaa dhacay dagaalo ba’an oo lagu hoobtay oo lagu qaadey TPLF dagaaladassi oo ay dawlado badani ka qayb qaateen sida Somalia iyo Erateria iyo dawlado dibadeed oo maamulka Abiy dano dhaqaale iyo siyaasadeed ka leh waxaana dhacay wax xun oo aan la fileyn , mudo bilo ah ka dib waxaa soo xoogeystay TPLF oo la baxday TDF ( Tigray Defence Force ) waxaana ay qabsadeen dhul badan iyo gobolo badan oo Ethiopia ah iyaga oo Addis-Ababa u soo gaadhay 200km.

Haddana dawlada Ethiopia oo kaashanaysa cudud iyo taageero ciidan oo dibadeed ayaa dagaal xoogan ku qaaday TDF waxaana ay marqudha qaateen in ay dagaalka dib uga baxaan oo dib u gurasho xeel dagaal sameeyaan halkaasi oo ay dhamaan dib difaac uga galeen xuduudaha gobolka Tigray .

Abiy Ahmed waxa uu ahaa shaqsi leh aragti siyaasadeed oo uu rabo inta ay doonto ha ku qaadato e in uu hirgaliyo waxaana uu aasaasay xusbi siyaasadeed loo bixiyey Ethiopian Prosperity Party ( EPP ) oo hadda laga dhigey Prosperity Party ( PP ) kaliya oo macnaheegu yahay xisbiga barwaaqo.

Waxaa uu 27 June 2021 dalka Ethiopia ka qabtay doorasho xisbigiisa oo kali ahi galay oo ka dhacday ilaa 6 gobol oo dadkaasi ah oo mar labaad loogu doortay hogaaminta dalka Ethiopia isaga oo la yimid siyaasad xisbi kali ah oo ah mid ka ay aaminsanaayeen dhamaan madaxdii pan Africanism laakiin xagal daac iyo dib u dhac ku ah hanaanka dimuqaradiyada .

Dagaalkii uu maamulka Abiy Ahmed ku qaadey Tigray Nov 2020 waxaa uu ka horkeenay dhamaan dunidii dimuqaradiga ahayd iyo dawladihii Ethiopia saaxiibka dhow la ahaa oo uu maraykanku ka mid yahay , midowga yurub iyo dalal badan oo kale arinkaasi oo sababay in Ethiopia laga joojiyo dhaqaalihii iyo kabkii maaliyadeed ee dunidu siinaysay .

Xaaladahani dhaqaale ayaa dalka Ethiopia ka dhigey mid nugul waxaana ku yimid dhaqaale daro iyo cadaadis beesha caalamka ah kaasi oo ku sababay in maamulka uu hogaamiyo Abiy Ahmed ay xidhiidho kale oo xoog weyn la yeeshaan RUSSIA,  CHINA oo hore u joogay iyo TURKEY si uu isaga caabiyo culeyska ka haysta aduunka , dalka UAE oo iyaguna maraykanka isku xulafo ahaan jireen ayaan jarin saaxiibtinimadii iyo taageeradii ay Ethiopia siinayeen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ilaa hadda aan meesha ka bixin in dalka maraykanka oo mid ka mid ah quwadaha aduunka iyo dalka Ethiopia ay aad ugu kala fog yihiin arimaha Tigray , inkasta oo dhowaan la galay heshiis xabad joojin ah oo u dhexeeya TDF ( TPLF ) iyo maamulka Abiy Ahmed haddana ilaa hadda waxaa jirta cabsi ah in ay mar uun dib u soo huri karaan dagaalka Ethiopia iyo Tigray oo saameyn weyn ku yeeshay siyaasada iyo dhaqaalaha Gobolka Geeska Africa.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil