Gabadh loo badinayo Madaxtinimada Farance oo ka dayrisay cunaqabataynta ruushka

France-(Berberanews)-Gabadha loo Rajaynayo madaxtinimada Faransiiska Marine Le Pen ayaa sheegtay inay si ballaadhan u taageersan tahay cunaqabateynta ka dhanka ah Ruushka, marka laga reebo marka ay timaado saadka saliidda iyo gaaska.

Siyaasiga midigta fog ayaa Emmanuel Macron kula tartami doonta doorashada madaxtinimo ee ku celiska ah kadib markii ay heshay natiijadeedii ugu sareysay abid ee wareegii koowaad.

Balse waxa ay la kulantay dhaleecayn lagu eedeeyay in ay aad ugu dhowdahay Ruushka inadoo uu socdo dagaalka Ukraine.

“Waxaan si buuxda u taageersanahay dhammaan cunaqabataynta kale,” ayay tidhi Ms Le Pen.
Wareysi ay siisay idaacada France Inter Radio, ayay ku tidhi: “Ma doonayo in dadka Faransiiska ay la kulmaan cawaaqibka ka dhalan kara cunaqabateynta” saliidda iyo gaaska.

Faransiisku, si la mid ah dalal badan oo Yurub ah, ayaa inta badan gaaska dabiiciga ah kala soo dega dhuumaha ka yimaada Ruushka, isaga oo u isticmaala tamar degaan iyo mid ganacsi.

Balse Ms Le Pen ayaa waxaa dhaleeceyn kala kulantay dhinacyada ay is hayaan taageerada ay horey u siin jirtay Ruushka iyo madaxweynahooda Vladimir Putin.

Waxay horey u muujisay inay taageersan tahay in Ruushka uu la wareego Jasiiradda Crimea ee Ukraine, waxayna 2017 ku baaqday in cunaqabataynta caalamiga ah laga qaado arrintan.

Sannadkii 2014-kii, markii Crimea ay ku darsantay Ruushka, xisbigeeda siyaasadeed waxay deyn ka heleen bangiga Ruushka oo lagu eedeeyay inay xidhiidh la leedahay Kremlin-ka.

Ms Le Pen ayaa hadalkeedii hore qiil uga dhigtay in qabsashada Crimea ay tahay xaalad ka duwan duullaanka hadda lagu hayo Ukraine, waxayna ku muujisay taageerada ay u hayso Mr Putin mid ka tarjumaysa hammigeeda ballaadhan ee ku aaddan siyaasadda “multi-polar” ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

In kasta oo ay dabcisay mawqifkeeda ku aaddan ka bixitaanka Midowga Yurub iyo arrimaha kale ee qarannimada sannadihii u dambeeyay, haddana waxa si weyn uga soo horjeeda inta badan siyaasadda Faransiiska.

Madaxweynihii hore ee Nicolas Sarkozy, tusaale ahaan, waxa uu si fagaare ah ugu dhawaaqay Salaasadii in uu u codayn doono ninka ay is hayaan ee xisbigiisa Emmanuel Macron, waxa uuna ku dhiiri galiyay kuwa kale in ay sidaas oo kale sameeyaan.

Berberanews.com
Info@berberanews.com