HERMAN COHEN IYO MUSTAQBALKA SOMALILAND

Herman Cohen, Kalkaaliyihii Hore èe Arimaha Dibada Maraykanka, hadana ah macalin ka dhiga culuumta siyaasada Jaamacada George Washington ayaa waxa uu sheegay in saldhig uu Maraykanka ka samaysto Berbera, in ay leedahay faa’iidòoyin badan.

Herman Cohen waxa uu aaminsanyahay in marka Ciidamada Maraykanka ay saldhig ka samaystaan Berbera, in dabadeed si  rasmi ah oo ” Permanent”, ah u kala go’ayaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Herman Cohen oo isla arintan ka sheegay jaamacada George Washington maanta oo ah April 13, sidoo kalana ku soo qoray twitterka, ayaa qoraalkiisa waxa uu soo baxay wakhti ay diyaaradaha Maraykanka ay tababar ku qaadanayaan hawada Somaliland.

Wadamada ku yaala Geeska Afrika ayaa waxa ka jira dagaalo ahli ah, iyada oo dagaaladaas iyo qalalaasahaas ay ka badbaaday Somaliland, taasna waa mid ka dhigaysa Somaliland in Maraykanka iyo wadamo kalaba ay soo degaan, sida uu aaminsanyahay Prof.Herman Cohen.

WQ Axmed Adan