Safiirka Somaliland ee Taiwan oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda ugu weyn dalkaas

Taiwan-(Berberanews)-Safiirka Somaliland u jooga Taiwan Amb. Maxamed Xaaji Yuusuf, ayaa khudbad ka jeediyay Jaamacadda ugu weyn dalkaas National Taiwan University.

Ambassador Maxamed, waxa uu sheegay in khudbadda uu halkaas uga jeediyay in ka badan 500 oo arday iyo macalimiina, waxaannu kaga waramay taariikhda iyo sooyaalka siyaadadeed ee Somaliland.

“Waxa sharaf ii ahayd in aan maanta lecture ku saabsan Taariikh siyaasadeedka wakhtigan iyo Diblomaasiyadda Somaliland ka jeediyo Jaamcadda ugu weyn dalka Taiwan, waa National Taiwan University. Lecture ka waxa ka soo qayb galay in ka badan 500 oo ardayda oo u badan Postgraduate iyo Macallimiin badan.

Somaliland waxa ay mudan tahay in dunidu wax weyn ka barato, gaar ahaan, dib-u-dhiska qarannimada iyo dimuqraadiyadda iyada gaarka u ah ee aaney ka soo ammaaneysan dalalka Reer Galbeedka.” Ayuu yidhi Ambassador Maxamed Xaaji Yuusuf.