Faallo: Xuseen Cali Nuur
Sannad kasta oo ina soo mara, waxa dhaca isbeddel kownka ah. Isbeddelka oo ah mid ka duwan isbeddellada kale ee sannadkii dhaca wuxuu leeyahay maalmo xaddidan.
Isbeddelkani wuxuu saameeyaa nolosheenna if iyo aakhiraba, waana isbeddel loo baahan yahay in qofkuna sameeyo isbeddel ku saabsan qaab dhaqmeedkiisa iyo noloshiisa caadiga ah.
Isbeddelka sannadlaha ah wuxuu ka mid yahay deeqaha Ilaahay inna siiyey kuwaasi oo ay ka mid yihiin awoodda, aan dhaqankeena isbeddel ku samayn lahayn. Isbeddelkaasi oo ah mid ruuxi ah iyo mid jidhka ahba.
Muddada uu socdo isbeddelkani waxa waajib innagu ah dedaalkeenna inaan kordhino. Waxa diinteennu ina baraysaa, in dadka dhintay kol ay tahay hadday ahaayeen dad muuminiin ah inay jeclaan lahaayeen in maalin ka mid ah maalaha isbeddelka kowniga ah ifka lagu soo celin lahaa oo ay ajarkeeda helaan.
Isbeddelka kowniga ah oo Ilaahay ugu talogalay addoomihiisa rumeeyey waxa ka mid ah:
• In bisha Ramadaan dhammaan albaabada jannada la furayo, Jannaduna isku qurxiso dadka waajibaadka saaran fuliya.
• In albaabada naarta la xidhayo
• In shaydaanka ugu wayn silsilado lagu qufulayo oo la xidh xidhayo, si ay innoogu fududaato gudashada acmaasha khayriga ah ee Bishan.
Waxa bisha barakaysan ee Ramadaan ee aan ku jirno diinteennu na baraysaa, culimadeenuna noo sheegayaan in loo baahan yahay.
o Inaan soonkeennu ku koobnaan cuntada oo laga soomo, balse laga fogaado wax kasta oo wax u dhimaya soonka, oo bilaha kale caadi ah.
o In waqtigu aanu noqon mid macno la’aan nagu dhaafa, mid ajarkeena wax u dhima, balse ahaado cibaado habeen iyo maalin aad ku gudano
o In Ilaahay loo toobad keeno
Waxa loo baahan yahay inaan ogaanno acmaasha kale oo dhan ay yihiin kuwo muuqda oo la arkayo, sida salaadda, sakada iyo xajkaba. Hase ahaatee waxa soonkeena og oo ka war qaba Ilaahay oo qudha.
(Wuxuu Ilaahay inoo sheegay inuu soonka isaga oo kaliya lee yahay abaalmarintiisana sidoo kale).
Waxaan is xasuusinaynaa in habeen kasta oo bishan Ramadaan kumayaal qof laga xoraynayo naarta, habeenka ugu dambeeya bishana la xorayn doono inta bishii oo dhan la xoreeyey le’eg.
Nimcooyinka Ilaahay innagu mannaystay waxa ka mid ah habeenka Laylatul Qadriga oo ka khayr badan kun maalmood.
Waxaan Ilaahay ka baryaynaa in annaga iyo waalidiinteena laga xoreeyo naarta.
(Waxaan leeyahay, waxaanan Ilaahay ka baryaynaa inaanu nagu darin kuwa noqda ama lagu tilmaamo inay yihiin bil caabud. Kuwaas oo camalkii wanaagsanaa ee bishan Ramadaan ay qabanayeen ka taga marka ay ciidaan ka bacdi.