”Laba Isma Saarin” Xusuusqor ku saabsan Jabhaddii SSF/SSDF

WQ Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd)-
Taariikhdii hore ee soomaalida iyo teeda cusub midina ma qorna. Sidaa darteed eray wal oo maanta la qoraa waa muhiim. Qorista taariikhduna wax ay tayo fiican tahay kolka ay caddayn iyo markhaati wadato iyo kolka ay faahfaansan tahay. Mar kasta oo goobjoogga iyo markhaatigu dhacdada faahfaahin badan ka bixiyaan waa mar kasta oo xogtu qeexnaato. Dhanka kale taariiikhda faahfaahsani wax ay waxtar u yeelataa in sawir la ga qaato arrimaha kale oo ay ku dacal dhabayso. Buuggani waana loogaqaateen wuuna faahfaahsan yahay kolka loo eego sida liidata ee soomaalidu taariikhda u qorto. Wax u gu weyn ee aniga i ga xanaajiyaa, mayee aan xaqiraa, waa marka aan arko qof taariikh ummadeed la bidayo oo haddana ku idlaanaya been, naftiihafar, reernimo iyo khuraafaad, taas oo ah sida Soomaalidu u badan tahay. Wax aan rajaynayaa buuggani in uu anshax xumooyinkaa ka samatabaxo.

Xuseen Khaliif X Jaamac sida uu sheegay waa reer Mudug, wax uuna ka mid ahaa saraakiishii u gu horraysay ee ku biirtay ururkii SSDF (Somali Salvation Demucratic Front), oo la ga soo beddelay magacii hore ee SSF (Somali Salvation Front). Magaca ”Demucratic” waxaa la gu soo kordhiyay kolkii jabhaddani la midowday kuwo ka horreeyay oo Hantiwadaag ahaa. Wax uu sheegay in uu Muqdisho ka baxsaday sannadkii 1978 ka dib markii uu ka calool go’ay maamulkii dalka haystay oo qabyaaladoobay si gaar ahna u beegsaday isaga qoladooda. Wax uu ka sheekaynayaa siyaasadda Soomaaliya sidii wax ahaayeen, sidii jabhadda SSDF loo abaabulay, marxaladihii ay soo martay iyo u gu dambayn waxii ay ku dambaysay iyo sababaha. Wax uu ka sheekaynayaa ba iyo hoog, dad silcaya iyo nafo le’anaya, dhallinyaro holacu leefayo oo dersin dersin loo gumaadayo. Iyo dabadeed halgan ku dhammaanaya hungo iyo faro madhan. Sida uu sheegay shan sannadood buu ururkaa shooladda u gu jiray oo hoggaaminayay hawlgallada la gu la dirirayo xukuumaddii askarta ee Maxamed Siyaad kaabbe laadirka ka ahaa, dabadeed isaga oo quus ah maalin cad ka dhaqaaqay waxii uu intaa soo waday oo aayo la’aan noqday. Geeddigaa dheer ayuu buuggan ka ga qisoonayaa. In badan baan sugayay in aan arko qoraal sidan u iftiimiya jabhaddii SSDF asaaskeedii, sidii ay u dhisnayd, qaabkii ay u abaabulnayd, guud ahaan waayaheedii iyo sidii iyo sababihii ay u burburtay. Waayo waa dhacdo soo martay taariikhda siyaasadeed, bulsheed iyo amni ee soomaalida. Taa buuggani wax badan buu ka taray.

Sida buugga ka dhex muuqata dadkii SSDF ku xoomay wax ay ahaayeen dad ka la mabaadi iyo ka la dan ah, waxa keliya ee mideeyaana tahay in maamulka Maxamed Siyaad hoggaaminayo la ga takhalluso. Sida muuqata waxaa jiray rag qabiilnimo u ficilooday (malaha tirada u gu badan), iyo kuwo dekeno shakhsi ah dabo joogay oo qoyskooda dad la ga laayay ama si shakhsi ah loo dulmiyay. Waxaa jiray kuwo hantiwadaag ah oo Ruush dabada ku la jiray iyo kuwo Ilaahay iyo diin wax u doonayay. Waxaana jiray askar kelitalis ah oo sida muuqata xukun-doon ah oo aan Afweyne waxba ka ga duwanayn. Waxaas oo isdiiddooyin ahi wax ay hadhow qayb ka noqonayaan aayo xumada jabhaddaasi ku dambaysay.

SSDF wax ay ahayd jabhadaha oo dhan tii u gu nasiib badnayd waayo wax ay ku beegantay marxalad ay quwado badani danaynayeen iyaga oo doonaya in ay maamulka Soomaaliya beddelaan. Qodobkaa qoraagu xusay haddii aan la sii toostoosiyo, quwadahaa waxaa u gu dardar kululaa Itoobbiya oo dagaalkii la gu qaaday 1977 weli ku jirta oo dabkiisii ku baxayo oo doonaysa in ay dagaalka u rarto gudaha Soomaaliya, Hantiwaagga oo Maxamed Siyaad u arkay khaa’in ku wacadfuray iyo Qaddaafi oo colaad xun ka qaaday sidii Soomaaliya u la safatay Masar heshiiskii Camp David. Jabhaddu qacdii ay dhisantayba hawlgalladeeda wax ay la bilowday ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobbiya oo weli waday dagaalkii labada dal dhex maray, gaar ahaan soohdinta ku aaddan gobollada dhexe. Haddana muddo yar ka dib jabhaddaasi wax ay heshay taageero hub, lacag iyo tababar laxaad leh oo jabhad kastaa ku riyooto. Lacagta caddaanka ah ee Liibiya siisay SSDF qoraaga buuggu wax uu ku qaddaray 15 milyan oo Dollar (bogga 119), hubka noocyadiisa ka la duwan oo dhan oo ay ku jiraan 40 taangi oo noocoodu yahay T-55, iyo tababarro ciidan oo badan. Markaa ka hor u gu yaraan 20 baabuur oo hubka waaweyni ka dhaco ayay hal mar Xabashidu siisay jabhadda (bogga 64). Intaa waxaa dheer in hawlgallada ay wada sameeyaan jabhadda iyo Xabashidu hubka Soomaaliya la ga furto la gu wareejin jiray jabhadda. Nasiib xumo iyo nasiib wanaag ka ay tahayba jabhaddaasi waxaas oo awood ah meel ku ma ay gaadhin, hubkiina aakhirkii wax uu noqday qayb ciidanka Itoobbiya la wareegay iyo qayb Maxamed Siyaad loo la galay. (Wacnaan lahaydee in ay SNM oo markaa dardar la timid siiyaan!) Guusha u gu weyn ee SSDF ciidanka Maxamed Siyaad ka soo hoysay waa in ay jabsatay afgaradkii taararka ciidankaasi isu diri jiray, sida buugga ku qoran (bogga 101).

Qoraagu eedda fashilka jabhaddaas, sida ay u dhan tahay, wax uu dusha ka saarayaa maamulka siyaasadda ee Addis Ababa fadhiyay oo aan khayr lahayn ee huteellada qaaliga ah ku raaxaysta. Mar walba wax uu farta ku godayaa Cabdillaahi Yuusuf oo yeeshay dhaqan ka xun kii Maxamed Siyaad. Waa markii nin la yaabbani lahaa ”ka tag talo xume, u tag talo xume, waa tabtaan ahay”. Baabuurka u gu qaalisan Addis Ababa oo VOLVO ah waxaa wata madaxa maaliyadda jabhadda, wax ayna Xabashidu u taqaan ”Ninkii VOLVO:da” (bogga 138). Wiilasha jiidda dagaalku wax mushahar ah ma qaataan, madaxda jabhaddana carruurtoodu iskuullo xul ah bay Addis dhigataa. Cabdillaahi xigtadiisa ayuu urursadaa, lacagta uu cid siinayana afka ayuu ka amraa ee warqad sharci ah ku ma qoro, doorasho iyo dimuqraadiyadna ma yeelo. Sida la yidhaahdo, buugganna ku xusan, SSDF waxaa ragaadiyay, markii dambena iilka geliyay siyaasad xumo iyo talo askari.

Qoraagu sida uu qabo SSDF siyaasad ahaan ayay burburtay intii aanay ciidan ahaan burburin, mana ay soo dhaafin sannadkii 1983 kolkaas oo uu dhacay shirweyne Cabdillaahi u afduubnaa oo la gu wada quusqaatay (bogga 247). U gu dambayn kolkii jabhaddu burburtay ee la gu ka la yaacay laba ceebood oo waaweyn baa meesha ka soo baxay. Midi waa in kumanyaalkii nin ee sannadaha badan u dagaallamay in ay Maxamed Siyaad kursiga ka tuuraan ay isagii isu wada dhiibeen, iyada oo si bahdilaad ah Raadiyowga loo ga sii dayn jiray waraysiyo baryo iyo toobadkeen ah kuna sheegayaan in la qalday. Ceebta labaad waa in qayb raggaa ka mid ah Waqooyi la geeyay oo ay la dagaallameen SNM tii ay shalay is ku qaddiyadda ahaayeen. Qoraaga oo aan isagu labadaa qolo midna noqoni taa wuu qirayaa kana xun yahay.

SSDF iyo SNM maxay u midoobi waayeen? Waa wayddiin joogto ah, laakiin reer Wqooyigu jawaabta is ku ma luraan, hoosna wax ay u yidhaahdaan kuwaa iyo kuwii aannu ka nimid is ku mid bay ahaayeen. Taa waxa ay u ga jeedaan buuggani wax uu ku sheegay Daaroodnimo iyo Isaaqnimo marna Waqooyinnimo iyo Koonfurnimo SNM ku jirtay, cudurdaarro kale oo badan ayay se sheegan jireen buu yidhi (buuggani magacyada qabiilooyinka inta badan carrabbaabi maayo ee wuu la meeraysanayaa). Yaa wax ku waayi lahaa midnimada labada jabhadood, yaa se wax ku heli lahaa? SNM ayaa wax ku waayi lahayd, waayo haddii ay iyaga oo curdin ah ku biiri lahaayeen qolada kale ee taageeridii Liibiya iyo Xabashidu ku gaamurtay taladoodu waa ay lumi lahayd, sidii taladii SSDF u luntay. Sidii khilaafka iyo kelitalisnimadu jabhaddaa hore u galaafteen ayuun baa soo degdegi lahayd oo iyaga iyo SNM markiiba ka dhex qarxi lahaa. Dhanka kale SNM ma hesheen taageeradii nafhurka ahayd ee ay qabiilka Isaaqa ka heshay. Waxaa midnimo la’aanta wax ku wayday SSDF oo SNM:tu ka ga dheeraysay ama ka la wareegtay matalaadda mucaaradnimada Soomaalida. Waxaa kale oo midnimo la’aanta wax ku wayday soomaalinnimada qudheeda, waxaana si wacan isu macneeyay qaybsankii iyo ka la furfurankii bulsheed ee gudaha ka soo bilowday. Itoobbiya ayaa wax ku heshay qaybsanaanta mucaaradka, waayo waxaa caqliga hagaagsan la gu garan karaa Mingistu in uuna ka la jeclayn Maxamed Siyaad iyo kuwa la diriraya, dantiisuna ahayd oo keliya in uu Soomaaliya daciifiyo oo ka la daadiyo. Kol haddii uu arkayay in maamulkii Soomaaliya itaal gabay, dan ka ma uu lahayn in uu nadaam cusub ku beddelo, keliya waa in soomaalidu is wada rifto. Waana siyaasaddii Tigraaygu markii dambe sii dardar geliyeen.

Waa run in SSDF iyo SNM laduba qabiil noqdeen, sidii USC iyo SPM iyaguna markoodii qabiil u noqdeen, taasina ay sababtay in maamulkii baaddilka ahaa cimri dherer helo, bulshadiina ka la qaybsanto. SSDF dadkeeda waxaa ku cabbaysnaa dareen ah ”Marreexaan iyo Ugaaskooda Maxamed Siyaad is ka dhiciya”, SNM iyadana dadkeeda waxaa ku jiray ”Daarood iyo Ugaaskooda Maxamed Siyaad is ka dhiciya”. Haddaba labadaa jabhadood ee asaaskoodu kaa yahay ma la ga badbaadin kari lahaa qabiilka iyo qabyaaladda? Wax aan u malaynayaa SSDF waa la ga badbaadin kari lahaa laakiin SNM maya. Ta hore waa la ga badbaadin kari lahaa: 1) haddii jabhaddaasi si uun wax u ga beddeli lahayd suurad xumadii la gu shaabbadeeyay iskudaygii inqilaabka, 2) haddii ay ku dadaali lahayd kasbashada quluubta waddaniyiinta halkii ay kasbanaysay quluubta Majeerteenka, 3) haddii ay ka waantoobi lahayd falsafaddii ”waxba dhawran maynnee allow dhagaxyo soo daadi” iyo kicintii qabiilooyinka, is kana fogayn lahayd gabayadii Khaliif Sh Maxamuud iyo kuwii la midka ahaa ee wada tolla’ayda iyo muusannowga ahaa, waayo qabyaaladdu waa fidno, cid wal oo ku danaysataana waa ay eeddaa. Arrinta yaabka lihi wax ay tahay ilaa maanta ma aan arag qof SSDF ah oo ka garaabay adeegsiga qabyaaladdu in uu ahaa gef aad u weyn oo ay galeen. Taa beddelkeeda wax ay ka shallaayaan asalkaba in ay dagaal bilaabeen.

SNM ma ay haysan fursad weyn oo ay qabiil ka ga badbaaddo, waayo waxaa is ku beegbeegmay dhawr arrimood oo dareenka qabyaaladeed ee taageerayaasheeda kiciyay. Ta hore waa taladii Maxamed Siyaad Barre oo ay Daaroodnimo ka dhex arkeen siyaalo badan, iyo gabayadii qabyaaladeed ee uu isagu maalgelin jiray dad waaweyn oo la qabiil ahina u qaabbilsanaayeen, sida silsiladdii Ergo Daarood iyo Gubadii hore. Ta labaad waa dacaayaddii SSDF ee qabiilaysnayd, taas oo Isaaqa wax u tustay in Daarood oo xukumaa weliba xukunkooda u sii legdamayo. Ta u gu sii darani waa dagaalladii la gu hoobtay ee maamulka Maxamed Siyaad ka dhex huriyay Isaaqa iyo qabiilooyinka Daarood ee oodwadaagta la ah, si uu u ga shuqliyo taageerada jabhaddaasi ka heli lahayd is la markaa abuuro dhiillo guud ahaan dhex taal Isaaq iyo Daarood. Mid kale oo SNM qabiilnimada u ga maarmi wayday waa iyada oo aanay jabhaddaasi dunida ka helin wax taageero ah, sidaa darteed ku qasbanayd in ay Isaaqnimada ku milanto oo qaadhaan ka urursato, si ay u godladaanna reernimo u abaabushay.

Isbarbardhig uu buuggu dhawr qodob ku sameeyay labada jabhadood waxaa ka mid ah in ciidanka SSDF in kasta oo uu reer u badnaa haddana uuna reernimo u abaabulnayn cid kastaana wax ka noqon karaysay (taasi dhab ma aha), halka ciidanka SNM qabiilnimo u abaabulnaa (tani waa dhab). In SSDF dimuqraadiyadda ka qatanayd oo nin kelitaliye ahi madaxa ka ga duubnaa, ilaa aan qofku Addis Ababa ka bixi karin ilaa Cabdillaahi warqad siiyo, halka SNM furfurnayd mar walbana shirweyne dimuqraaddi ah la gu beddeli jiray hoggaankeeda. In SSDF siyaasadda iyo ciidanku is ku milmeen, halka ay SNM ka la soocnaayeen. In SSDF ay mamnooc ahayd qof soo galay in uu oggolaansho la’aan ka baxo sharciguna toogasho ahaa, halka SNM qofkii doonaa ka bixi karayay goorta uu doono. Sidaa darteed halkii xornimada iyo isdoorashadu ahayd guushii SNM, kelitalisnimada iyo xukunka millateri wax uu ahaa guuldarradii SSDF, ayuu qabaa buuggu. Aniguna aan ku daro halka qoraagu caddeeyay in xafiidyada siyaasadda ee SSDF musuqmaasuq hadheeyay, SNM inta aan og ahay dhibaatada musuqa waa ay ka ladnayd. Ka la duwanaantaa waxaa la gu smacnayn karaa SNM lacagta yar ee ay maamulaysay wax ay ahayd qaadhaan taageerayaasheedu siiyeen indhaha ayaana la gu wada hayay, halka lacagta SSDF ahayd deeq shisheeye bixiyay oo xagga sare la gu ka la goosto ee aan hoos u daaddegin. Waxaa jirtay sheeko aanan xaqiijin laakiin rumaysan ahay in ay dhacday, taas oo sheegaysa waaagii Siilaanyo guddoomiyaha ahaa in uu London ku la kulmay danjire Jangeli, kaas oo gacanta u geliyay boorso ay ku jirto lacag dhan 70,000 Dollar oo hordhac u ahayd lacag la doonayay in SNM la gu ka la furfuro. Sirdoonka SNM lacagtaa wuu la socday, kolkii ay Addis Ababa soo gaadhayna Siilaanyo madaxdii kale ayuu u soo bandhigay isaga oo sheegay in ay doqonnimo noqon lahayd haddii uu lacagtaa bilaashka ah diidi lahaa.

Buuggan waxaa ku qoran in sirdoonka SSDF ku guulaystay in uu helo xogta wadahadal dhex maray Mingistu iyo madaxda SNM, taas oo wiil SNM ahi ka ga beddeshay 5000 oo Dollar (bogga 166).

Arrin aanan weli cid soo qaadday arag baa iyaduna jirta oo ah in burburkii SSDF la bilowday kacdoonkii SNM, waayo baaqa Daaroodnimada ee dhanka maamulka Maxamed Siyaad ka imanayay oo xooggan ayaa aad u shaqeeyay, iyada oo is la markaa dagaallada qabiilooyinka reer miyiga ah meel xun la gaadhsiiyay, sidii aynnu sheegnay. Dadkii Daaroodka ahaa ee Waqooyi maamulka u ga shaqayn jiray berigaa waxaa la ga dhex abuuray is walaalaysi Isaaqa liddi ku ah, taas oo inta badan dantu ahayd in ay ka xoolaystaan, ilaa ay soo baxday xan odhanaysa Majeerteenkii SSDF ku soo jabay Maxamed Siyaad wax uu magdhaw u siiyay in ay ka mid noqdaan Daaroodka Isaaqa boobaya. Dabcan dareennada badan ee wada caynkaas ahi wax ay sii daciifinayeen nafsiyaddii halgankii awalba qabyaaladaysnaa ee SSDF.

Kolka la ga hadlayo SSDF waxaa qasab ah in la xusuusto masalada ku saabsan gabyaagii la gu magacaabi jiray Khaliif Sh Maxamuud. Ninkaa arrinkiisu laba siyoodba wuu u xiise badan yahay, jabhaddaasina labadaa siyoodba waa ay ku eedaysan tahay. Ta hore waa in ay dacaayaddoodii dagaalka oo Khaliif xiddig ka ahaa ku dhiseen qabyaalad iyo kicinta qabiilooyinka, meeshana ka saareen dareenkii waddaniyadeed ee Afweyne loo gu midoobi lahaa. Dhab ahaantii gabayadii qabyaaladeed ee Khaliif sumcad xumada ay jabhaddiisa u lahaayeen waa ay ka sii xumayd dacaayaddii iskudayga inqilaabka ee la yidhi hal reer baa doonayay in uu dawladda soomaalida qabsado. Xitaa haddii ay dan ama naf bideen kicinta qabyaaladda wax ay ahayd in ay jabhad ahaan siyaasaddooda ka bari yeelaan, Khaliifna ka dhigaan nin uun bulshada ka mid ah. Taa beddelkeeda waa ay ku xarragoodeen oo ka dhigteen afhayeenka dhabta ah. Gabayadii qabyaaladeed ee ninkaasi ibofuray midhahoodu wax ay ka mid yihiin sababihii toban sano ka dib isaga tolkii Muqdisho loo ga safeeyay, soomaalidiina maanta qabiilooyin u ka la fadhido. Qaybta kale ee burburka soomaalidu waa siyaasad xumadii Maxamed Siyaad ee uu is yidhi tol baa kursiga ku gu hayn kara ee soo ururso.

Amuurta labaad ee Khaliif la xidhiidha ee jabhaddaasi ku eedaysan tahay waa in ay ninkaa afhayeenka u ahaa, dacaayaddooda dagaalkana samaacadda u ahaa, jiiddo dagaalka geeyeen oo goobtii u gu xumayd ee Galdogob la gu dilay sannadkii 1982. Doodda ah isaga ayaa doonayay in uu dagaallamo oo talada diiday macno badan samayn mayso, muhimaddu waa in ay yeelan waayeen qorshe iyo hawl qaybsi uu nin waliba kaalinta uu waxtarka ku yahay qabto. SNM oo Hadraawi dagaalka ku wayda wax weyn baa gaadhi lahaa, sidii wax weyni u gaadheen maalintii ay Maxamed Mooge wayday.

Wararka yaabka leh ee buuggan ku qoran waxaa ka mid ah dhacdo qoraagu sarkaal kale ka soo xigtay oo haddii ay run tahay wax badan ka sheegaysa qofnimo xumadii Maxamed Siyaad. Waa sannadkii 1980. ”Maalintii dambe ayaa waxaa soo dhacay taar oranaya waxii ciidan ah ee Maxamuud Saleebaan ah ha la soo aruuriyo hana la keeno Beledweyne. (Waa taar loo wada diray ciidamada Soomaaliya oo dhan). Waxaana la isu keenay laba darsin oo askar ah, waxaana loo waardiyeeyay sidii maxaabiis ahaan.”

Qisada kale waa Nuur-Cadde, raysalwasaarihii xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf. Muxuu Cabdillaahi ninkaa ku doortay, marka dambe inqilaabi doona? Buuggu wax uu xusayaa dhacdo ku beegan badhtamihii 1970-nadii oo loo baahday in la qoro 20 laylisarkaal, masuuliyaddana waxaa lahaa kornayl Nuur-Cadde. Si ay wax u dhaceenba, labaatankii sarkaal ee Nuur-Cadde qoray wax ay noqdeen is ku reer (Majeerteen sida aan u fahmay), dabadeed iyada oo la yaabban yahay baa Nuur-Cadde Madaxtooyada loo ga yeedhay. Tuhunku wax uu ahaa in sarkaal isaga ka sarreeya oo nimanka la qoray la reer ahi sidaa amray, hayeeshee Nuur-Cadde taa wuu inkiray kuna adkaystay in aan cidi ku wehelin. Taa wax uu ku mutay ganaax dadban, Maxamed Siyaad agtiisana la ga ma jeclayn. Anigu markaa qof ahaan wax aan is idhi sababta Cabdillaahi Yuusuf waagii dambe raysalwasaare u ga dhigtay taas bay ahayd. Soomaalidu reernimada aad bay u gu nugushahay.

Su’aalaha u gu muhiimsan ee dadku jabhaddaa is ka wayddiiyaan buuggani jawaab waafi ah ka ma bixin: Iskudaygii afgembigii fashilmay ee Abril 1978 maxay saraakiil is ku wada reer ahi u gu hawoodeen? Ciidanka SSDF wax uu ka koobnaa hal reer (in kasta oo nin-nin qubane ahi ku dhex jiri karaan), markaa sidee reerkaasi isu gu qanciyay in uu keligii dawladdii dhammayd xoog ku qabsan karo? Cabdiraxmaan Caydiid Dhabdhable iyo raggii la socday yaa Dirirdhaba ku rasaaseeyay, oo isaga iyo nin kale halkaa ku dilay Cabdi Muxumed Ammiinna dhaawacay? Mingistu muxuu Cabdillaahi Yuusuf ku xidhay? Wayddiimahaas oo dhan qoraaga buuggu in door ah buu ka hadlay is kuna dayay in uu ka jawaabo, se nasiib xumo wax ay ka noqotay ”asmacu jacjaca walaa araa daxiin” –¬¬¬¬ qalow qalow baan maqlayaa budana ma arko.

Buuggan wax aan ka dhex arkay arrin aan waayadan dambe u dhug yeeshay aadna u la yaabay, oo ah sida dadkeenu u gu liitaan kolka ay socdaalaan in ay qaataan sahay nololeed, siiba biyo. Dhulka Soomaalidu wax uu ahaan jiray kulayle oommane iyo qorfe ah oo aadan saacad keliya biyo ka maarmi karin, magaalooyinkuna aad bay u gu u gu yaraayeen, dadkuna reer guuraa buu ahaa oo meel aad is ku sii hallayn kartaa waa ay yarayd, haddana badanaa dadku iyaga oo aan biyo iyo baad midna sidan bay is ka dhaqaaqi jireen. Adaygga qofka iyo adkaysiga ayuun baa miciin ahaa, harraadkuna ma aha wax dadku u adkaysan karo. Waaya’aragnimo qofeed oo aan u lee yahay ku socdaalidda miyiga soomaalida, geeljiraynta iyo ciidanka, wax aan og ahay in aan la gu dadaalin qaadashada sahayda nolosha, qorshahana la gu darsado oo keliya adkaysiga iyo martigelinta haddiiba cid la helo. Waxii loo yaqaannay Tababarka Gurmadka Qaranka ayaan taa ka soo maray. Waxaa kale oo dhacday sannadkii 1983 saddex bilood oo aan fasax ku joogay dhulka Hawd, oo aan ka mid noqday malleeshiyo beeleed SNM ku abtirsata, hawlgal aan maalin raacay weli waan la yaabaa sidii aannu isaga dhaqaaqnay annaga oo aan dhibic biyo ah iyo hudhgmo raashin ah sidan, dabadeed is la maalintaa gelinkii dambe ku wada sigannay dhammaantayo in aannu harraad u wada bakhtino. Wax ay ahayd xilli kaliil ah oo aad u kulul, horraanta bisha Oktoobar, beeshuna colaad bay u ga fogaatay dhulkii aannu maraynnay oo ahaa soohdinta labada dal aagga Yucub Yabooh.

Buuggan waxaa ku soo noqnoqnaya qisooyin ku saabsan harraad xun oo ciidanka marar badan asiibay, haddii aad u wada fiirsatana wax ay ahayd arrin la xidhiidha qorshe xumo aan loo feejignayn muhimadda biyuhu saacad walba u lee yihiin nololsha qofka, siiba marka la joogo dhulka Soomaalida ee qallalan, cimilo ahaanna naarta ah. Sarkaalka iyo raggiisii socdaalkii kowaad ee ay jabhadda ku tageenba wax ay la kulmayaan harraad iyo gaajo foolxun taas oo sababtu ahayd qorshe xumadooda iyo sahay la’aantooda, waayo waa ay is ka dhaqaaqeen.

Ma la baajin kari lahaa dagaalladii dhex maray jabhadaha iyo maamulka kelitaliska ahaa, dagaalladaas oo dawladnimadii iyo midnimadii Soomaalidu ku aakhiraysteen? Xuseen Khaliif wax uu qabaa kubbaddu mar walba wax ay taallay goolka Maxamed Siyaad Barre kaas oo yeelan waayay xilkasnimo uu arrimaha wadahadal iyo nabad ku soo dabbaalo. Si uu taa u xoojiyo wax uu majeeranayaa sidii wax u dhaceen dagaalkii sokeeye ee Jabbuuti iyo sidii loo fardaamiyay kacdoonkii Cafarta iyo jabhaddii Frud badhtamihii sagaashannadii qarnigii tagay. Anigu wax aan qabaa kacdoonkii jabhadaha ka dib ninkaasi ma uu lahayn nafsiyad u suuragelin karaysay wadahadal iyo nabad, fursaddaasina meesha ma ay oollin, waayo wuu ka gudbay xaduuddii la gu kalsoonaan kari lahaa oo dadku waa ay sheyddaameeyeen. Xalka keli ah ee meesha yaallay wax uu ahaa in uu doorasho qabto ama uu si uun meesha u banneeyo, si jawi kale u abuurmo.

”Laba Isma Saarin ¬¬– Xusuus Reeb”
Xuseen Khaliif X Jaamac
Ciid Publisher 2021