Waxa qorey siyaasiga, Maxamuud Xaashi Cabdi
Mihnadda siyaasadda, muhiim ma aha in aad yeelato qoodh iyo qurux badan. Balse waxa muhiim ah in aad yeelato, qab iyo qiyam badan.
Sidaa darteed, waxaan leeyahay barbaarta ku cusub, badweynta iyo boodda jaradka siyaasadda, waar hooy waa la doogi ee yaan la dacaroon. Maandhayaal, waar hooy lafaha gura, oo xarragada haka tegina. Tani waa duurxul iyo dardaaran odaynimo.
Allahayoow maxaa ka run badan murtida carbeed ee tidhaahda:
لَيْسَ الجَمَال بأَثْوابٍ تُزَيِّنُنَا
إن الجمال جمال العلم والأدب