Mudaharaado ka dhashay gubista quraanka Kariimka oo gilgilay Sweden

Sweden-(Berberanews)-Isku dhacyo ayaa maalintii afaraad ka socda magaalooyin badan oo ku yaala dalka Sweden, waxaana rabshada ka dhashay sida muuqata koox ka soo horjeeda soo galootiga
ay gubeen qur’aanka kariimka ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen magaalada bari ee Norrköping Axaddii ka dib markii booliska ay rasaas digniin ah ku rideen dad rabshado waday.

Dhowr baabuur ayaa lagu gubay ugu yaraan 17 qofna waa la xidhay. Sabtidii, baabuur uu ku jiro bas ayaa lagu gubay koonfurta magaalada Malmo oo ay ka socdeen isu soo bax dhanka midigta fog ah.

Horay ayay dowladaha Iran iyo Ciraaq u yeereen wakiilo ka socda Sweden si ay uga dhiidhiyaan gubashada Quraanka.

Daanish-Swedish xag-jir ah, Rasmus Paludan, oo hoggaamiya dhaqdhaqaaqa Stram Kurs, ama Hard Line, ayaa sheegay in uu gubay qoraalka ugu xurmada badan Islaamka oo uu ku celin doono ficilka.

Ugu yaraan 16 askari oo boolis ah ayaa la sheegay in lagu dhaawacay, dhowr baabuur oo booliis ahna lagu burburiyay rabshadihii khamiistii, jimcihii iyo sabtidii ka dhacay meelihii kooxda midigta fog ay qorsheynayeen, sida xaafadaha Stockholm iyo magaalooyinka Linköping iyo Norrköping.

Paludan ayaa ku hanjabtay in ay isu soo bax kale ku qaban doonto Norrköping Axada, taasoo keentay in dibad baxayaasha ay isugu soo baxaan halkaas, sida ay sheegtay Deutsche Welle.

Booliska deegaanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay rideen rasaas digniin ah ka dib markii ay la kulmeen weerar waxaana sida muuqata saddex qof  ku dhacay bastoolado.

Taliyaha booliska qaranka Sweden Anders Thornberg ayaa sabtidii bayaan uu soo saaray ku sheegay in mudaharaadayaashu ay muujiyeen in aanay dan ka lahayn nolosha askarta booliska, isaga oo intaa ku daray: “Waxaan horay u aragnay muhadaraado rabshado wata, balse tani waa wax kale.”

Mudaaharaadyo looga soo horjeedo qorshe uu Stram Kurs ku doonayo in lagu gubo qur’aanka kariimka ah ayaa hore uga dhacay dalka Sweden.

Sannadkii 2020, mudaaharaadayaashu waxay dab qabadsiiyeen baabuur, afaafka hore ee dukaamadana waxaa ku waxyeeloobay dad isku dhacyo ka dhacay Malmö.