Somalia: Khasaare ka dhashay hoobiye lagu weeraray dhismaha Barlamaanka

Muqdisho-(Berberanews)-Ugu yaraan todobo qof oo isugu jira shaqaalaha Barlamaanka iyo askar ayaa ku dhaawacmay hoobiye lagu weeeraray Xarunta dhismaha Barlamaanka Somalia.

Xilliga weerarku dhacay waxa socotay dooda ay lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka, xildhibaannada ayaana bilaabay inay dhismaha isaga baxaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xusseen Rooble ayaa cambaareeyay “falalka argagixisada ee la doonayo in lagu carqaladeeyo shaqada Baarlamaanka Federaalka ah” ayaa lagu yidhi qoraal lagu baahiyay bogga xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ra’iisul Wasaaruhu uu bogaadinayaa dadaalka Baarlamaanka ee dhammaystirka iyo dardargalinta doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Taliyeyaasha Ciidammada in ay labalaabaan dadaalkooda ku aaddan suggidda amniga iyo ka hortagista isku day kasta oo lagu carqaladaynayo amniga dalka, gaar ahaan xilligaan lagu guda jiro arrimaha doorashooyinka.

Berberanews.com