Masar-(Berberanews)’Xiddigta TikTok ee u dhalatay dalka Masar ayaa lagu xukumay saddex sano oo xadhig ah kaddib markii maxkamad ay ku heshay dambi ah inay ka ganacsan jirtay dadka, iyadoo mar kale dib loo maxkamadeeyay.
Haneen Hossam, oo ku jirta da’deeda horraanta 20-meeyada, ayaa lagu eedeeyay inay hablaha uga faa’iidaysato lacag iyada oo adeegsanaysa aaladaha lagu wadaago muuqaallada.
Way diiday eedda lagu soo oogay, kaas oo la xidhiidha martiqaad ay u fidisay taageerayaasheeda si ay lacag uga helaan samaynta muuqaallada tooska ah.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa sheegay in dacwad lagu soo oogay iyada oo qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah haweenka saameynta ku leh baraha bulshada.
Waxay ku doodayaan in eedeymaha Hossam iyo ugu yaraan 11 kale oo haween ah oo leh malaayiin taageerayaal ah ay wajaheen tan iyo 2020 ku xad-gudbi xuquuqaha gaarka ah, xorriyadda hadalka, takoor iyo madax-bannaanida jidheed.
Hossam, oo ah ardayad wax ka baratay Jaamacadda Qaahira, ayaa in ka badan 900,000 taageere ku heshay TikTok iyada oo soo galisay muuqaallo muujinaya heesaha iyo qoob ka ciyaarka.
Markii ugu horreysay ayaa la xidhay April 2020 ka dib markii ay ku casuuntay haweenka taageerayaasheeda inay ku biiraan goob kale oo muuqaal wadaag ah, Likee, halkaas oo ay sheegtay inay lacag ka heli karaan baahinta muuqaalada tooska ah.
Bishii Julay, Maxkamadda Dhaqaalaha ee Qaahira waxay xukuntay Hossam iyo xiddig kale oo TikTok, Mawada al-Adham, oo lagu eedeeyay “ku xad-gudub qiyamka qoyska iyo mabaadi’da”. Waxa ay ku xukuntay laba sano oo xadhig ah iyo ganaax dhan 300,000 Pound-ka Masar oo u dhiganta 16,100; £12,400.
Maxkamad rafcaan ayaa sii daysay Hossam waxayna laashay xukunkii xabsiga ee Adham January 2021, waxaana la sii daayay bishii xigtay.
Si kastaba ha ahaatee, dacwad-oogayaasha ayaa markaa soo bandhigay eedda aadka u daran ee ka ganacsiga dadka.
Haweenkan ayaa lagu eedeeyay “inay gabdhaha u adeegsadeen falal liddi ku ah mabaadi’da iyo qiyamka bulshada Masar iyadoo ujeedadu tahay inay helaan faa’iidooyin maaddi ah”.
Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo warisay inay xidhiidh la leedahay kooxda Hossam ay ku xayeysiisay Likee iyo muuqaallo ay Adham soo dhigay Instagram iyo TikTok.
Bishii June, Maxkamadda Dambiyada ee Qaahira waxay labadooduba ku heshay dembiga.
Hossam ayaa iyada oo maqan lagu xukumay 10 sano oo xadhig ah halka Adham oo goob joog ahayd lagu xukumay lix sano oo xadhig ah.
Hossam ayaa inta aan la xidhin soo bandhigtay muuqaal ay ka ilmeyneyso oo ay ku sheegtay in aanay sameynin wax anshax xumo ah oo ay ku mutaysatay waxaas oo dhan iyo in aanay jirin cid ay waxyeeshay.
Waxaa loo ogolaaday in dib loo maxkamadeeyo, laakiin isla maxkamada ayaa dambi ku heshay Isniintii.
Marka laga yimaado in lagu xukumay saddex sano oo xadhig ah, garsooraha ayaa ku xukumay ganaax lacageed oo dhan 200,000 Pound-ka Masar ah oo u dhiganta 10,800 doolar.
Berberanews.net
Info@berberanews.com