In ka badan 100 qof oo ku dhintay Goob saliida sifaysa dalka Nigeria

Nigeria-(Berberanews)-In ka badan 100 qof ayaa xalay ku dhintay qarax ka dhacay goob saliid sifeysa oo ku taal gobolka Rivers ee dalka Nigeria, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda hoose iyo koox deegaanka ah.

“Dabku wuxuu ka kacay goob sharci-darro ah oo dabku qabsaday, wuxuuna saameeyay in ka badan 100 qof oo ku gubtay,” ayuu yidhi guddoomiyaha khayraadka gobolka, Goodluck Opiah, Sabtidii.

Shaqo la’aanta iyo faqriga ka jira saliidda laga soo saaro Niger Delta ayaa ka dhigtay sifaynta caydhin ee sharci-darrada ah ganacsi soo laakiin cawaaqib xun ka dhasho.

Saliida ceedhin ayaa laga soo qaadaa tuubooyin ay leeyihiin shirkadaha waaweyn ee shidaalka waxaana lagu sifeeyaa alaabada ku jirta haamo macmal ah.

Falkan halista ah waxa uu horseeday shilal badan oo dhimasho ah waxana uu wasakheeyey gobol ay horeba u saamaysay saliid ku daadatay dhul beereed, dooxooyin iyo biyo-mareeno.

Ugu yaraan 25 qof, oo ay ku jiraan qaar carruur ah, ayaa ku dhintay qarax iyo dab ka kacay warshad kale oo sharci-darro ah oo ku taal gobolka Rivers bishii Oktoobar.

Bishii February, maamulka maxalliga ah ayaa sheegay in ay bilaabeen olole ay ku doonayaan in ay ku joojiyaan sifaynta saliidda caydhin ee la xado.

Saraakiisha dawladdu waxay ku qiyaaseen in Nigeria, oo ah waddanka ugu wax-soo-saarka iyo dhoofinta ugu weyn saliidda Afrika, ay luminayso celcelis ahaan 200,000 oo fuusto maalintii – in ka badan 10 boqolkiiba wax-soosaarka.