Madaxweynaha Somaliland iyo tacsida General Jaamac Yare oo Djibouti ku geeriyooday

TACSI MADAXWEYNE: 26/04/2022
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxay Allaah ha u naxariistee Marxuum General Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac-yare) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu tahay 26/04/2022 dalka Jabuuti.

Marxuumka oo ka mid ahaa dadkii lagu aas-aasay ciidanka booliska Somaliland April 1955-tii, waqtigii maxmiyadii Ingiriisku ay Somaliland ka talinaysay, sidoo kalena xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii la isku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waqtiyadii dambena ahaa bare jaamacadeed oo ka baxay ummadda afka Soomaaliga ku hadasha.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.