Kamala Harris oo laga helay Xanuunka Covid-19

USA-(Berberanew-Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa laga helay COVID-19, sida uu sheegay Aqalka Cad, iyadoo noqotay mas’uulkii ugu dambeeyay ee Washington ee uu ku dhaco cudurka ‘coronavirus’.

Afhayeen u hadlay madaxweyne ku xigeenka ayaa bayaan uu soo saaray Salaasadii ku sheegay in Harris aanay xidhiidh dhow la samayn madaxweyne Joe Biden ama xaaskiisa Jill Biden “taasoo sababteeda lala xidhiidha jadwalkooda safar ee u dambeeyay”

“Maanta, madaxweyne ku xigeenka Harris waxaa laga helay COVID-19 baadhitaanada degdega ah iyo PCR,” ayay tidhi afhayeenad Kirsten Allen.

“May muuqan wax calaamado ah, way is go’doominin doontaa oo ay sii wadi doontaa inay ka shaqeyso guriga madaxweyne ku xigeenka.”

Horaantii bishan, xubnaha ugu sareeya golaha wasiirada Mareykanka iyo sharci-dajiyayaal muhiim ah, oo ay ku jirto afhayeenka aqalka Nancy Pelosi, ayaa sidoo kale laga helay COVID-19

Dhowr kaaliye oo Aqalka Cad ah iyo ninkeeda Harris, Douglas Emhoff, ayaa sidoo kale ku dhacay fayraska toddobaadyadii la soo dhaafay.

Laakiin Biden, oo si joogto ah u tijaabiya COVID-19, muu qaadin cudurka in kasta oo uu ka dillaacay xayndaabka siyaasadeed ee Mareykanka, Aqalka Cad ayaa yidhi.

“Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa ku wada hadlay telefoonka galabta,” Aqalka Cad ayaa sheegay. “(Biden) wuxuu rabaa inay iska hubiso inay haysato wax kasta oo ay u baahan tahay markay guriga karantiil ku tahay.”

Badi sharci-dejiyeyaasha laga helay shaybaadhyadii dhawaa waxa ay sheegeen in ay qabaan kiisas fudud, iyaga oo u qaddarinaya tallaalka calaamadahooda fudud.

Berberanews.com
Info@berberanews.com