Raysal-wasaare Rooble oo hambalyeeyay Guddoomiya cusub ee Golaha Shacabka

Muqdisho-(Berberanews)-“Waxaan hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Caawa waa habeen taariikhi ah oo ummadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah  qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, degdeg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay.

Waxaa mahad leh Allaha weyn oo noo suurto-geliyay in hawlshii adkeyd ee doorashadu soo gaadhay heerkan gabo-gabada ah . Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa guddoonkii KMG ahaa ee labada aqal, guddiyadii doorashada heerar-kooda kala duwan, ciidammada ammaanka Dalka  iyo kuwa ATMIS, dowlad-goboleedyada dalka, beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed ee dulqaadka iyo taageerada nala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd guushan la gaadhay.”