10 qof oo ku dhintay qarax lala beegsaday Madaajid ku yaal Afghanistan

Afghanistan-(Berberanews)-Qarax xooggan ayaa lagu weeraray masjid ku yaalla galbeedka magaalada Kabul ee dalka Afgaanistaan ​​intii lagu jiray salaadda, waxaa ku dhintay ugu yaraan 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, waxaana qaraxan uu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee lala beegsado goobaha cibaadada iyo goobaha ay dadka rayidka ah ku leeyihiin dalka Afgaanistaan ​​inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Besmullah Xabib, oo ah ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afgaanistaan, ayaa sheegay in qaraxu uu Jimcihii ka dhacay masjidka Khalifa Aga Gul Jan ee galbeedka magaalada Kabul abaare 2-dii duhurnimo ee saacadda Afrikada Bari (10:00 GMT).

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay salaada jimcihii ugu dambeeyay ee bisha Ramadaan waxaana masjidka buux dhaafiyay boqollaal qof.

Waaxid oo Afgaanistaani ​ 30-sano jir ah ayaa sheegay in uu guriga ku sugnaa markii uu maqlay qaraxa isla markiibana uu u cararay masjidka isagoo og in walaalkii uu halkaas ku sugnaa.

Wuxuu ka caawiyay in dhaawacyada loo qaado ambalaasyada. “Qof walba wuu ooyay oo dhiig baa qariyey,” Waahid ayaa yidhi. “Waxaa la ii sheegay in walaalkay la dhaawacay.”

Gawaadhida ambalaasta ayaa la arkayay iyagoo ku sii ordaya goobta, wado cidhiidhi ah oo ku taal xaafada bari ee Kabul si ay u gaadhaan masaajidka.