Dalka Sri lanka oo lagaga dhawaaqay xaalad deg dega

Srilanka-((Berberanews)-Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah Jimcihii, ka dib mudaaharaadyo daba dheeraaday iyo shaqo joojin guud oo ay xidheen iskuulada, ganacsiyada, iyo adeegyada gaadiidka.

Xaalada degdega ah ayaa saamaxaysa in la xidho dadka mudaharaadaya ee xidhay wadooyinka.
Tallaabadan waa in uu ansixiyo baarlamaanka Sri Lanka 14 maalmood gudahood.

Dalka waxa gilgilay kacdoono shacab tan iyo bishii March, mudaharaadyada ayaa mararka qaar isku bedelaya rabshado, iyadoo ay sii kordhayso cadhada ka dhalatay sida muuqata ee ay dawladdu u maamushay dhibaatada dhaqaale ee dalka ka jirta.

Jimcihii, booliisku waxay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen dad mudaaharaadayey oo ku sugnaa meel u dhow xarunta baarlamaanka dalka ee caasimadda qaranka ee Colombo.

Xaaladda degdegga ah ayaa dhaleeceyn uga timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta, iyadoo hogaamiyaha mucaaradka Sajith Premadasa uu sheegay in tallaabadan “ay ka hor imaaneyso raadinta xal kasta oo xiisadda dejib karta”

Dibad-baxayaasha ayaa Rajapaksa ka dalbaday inuu iscasilo, iyagoo ka cadheysan qiimaha cunnada, shidaalka iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah oo cirka isku shareeray, kaddib markii dowladdu la kulantay dhaqaalr darro.

Qaar badan ayaa lagu qasbay inay saacado ku qaataan kulaylka kulul si ay u buuxsadaan taangiyada kaalmaha shidaalka, ama inay helaan sahay cunto iyo dawo ah.

Toddobaadkan Wasiirka Maaliyadda ee Sri Lanka Ali Sabry wuxuu qirtay kaydka maaliyadeed ee waddanku inuu ku dhow yahay inuu dhaaado.

Dalku wuxuu ka codsaday hay’adda lacagta adduunka ee IMF si ay u maalgeliso xaaladan degdeg ah.

Berberanews.net