Afganistan-(Berberanews)-Hogaamiyaha ugu sareeya dalka Afgaanistaan ayaa ku amray haweenka dalkaasi in ay wajiyadooda qariyaan meelaha fagaara ah – mid ka mid ah xayiraadii ugu adkeyd ee lagu soo rogay tan iyo markii Taliban ay la wareegeen awooda sanadkii hore.
“Waa in ay xidhaan jaakad (madax ilaa lugo) maadaama ay tahay dhaqan iyo ixtiraam,” ayaa lagu yidhi wareegto uu soo saaray madaxa Taliban Haibatullah Akhunzada oo ay sii daayeen mas’uuliyiinta xaflad ka dhacday Kabul maanta.
Ki xigeenka Afhayeenka Wasaaradda warFaafinta Wanaag farists iyo Ka hortagga xumaanta ayaa akhriyay wareegtada ka soo baxday Akhunzada oo shir jaraa’id qabtay, isagoo sheegay in haweeneyda aan amarrada fulin xabsiga la dhigi doono ama laga eryi doono shaqada dowladda haddii aanay wejgooda daboolin.
Afhayeenku waxa uu intaa ku daray in qaabka ugu habboon ee loo asturo uu yahay Barqa, kaas oo calaamad caalami ah u noqday xukunkii hore ee Daalibaan ee 1996 ilaa 2001.
Inta badan dumarka Afgaanistaan ku nool waxay xidhaan xijaab, laakiin qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka, sida Kabul, ayaan ku daboolin xijaabkooda wajiyada.
Berberanews.com