Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo Madaxweynaha Somaliland u jeediyey Baarlamaanka

Khudbad-sannadeedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane, Muuse Biixi Cabdi
Isniin, 09 May 2022

 Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka JSL,
 Mudanayaasha Golaha Barlamaanka ee Sharafta Leh,
 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,
 Xubnaha Golaha Wasiirrada,
 Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida,
 Shacabka JSL meel kasta oo ay joogaan,
Dhammaantiin, Salaamu Calaykum.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo xurmo ii ah in aan maanta hor imaado Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo Golihiisa Wakiilladu waliba cusub yahay, dhowaanna ka soo baxay doorashooyin hal qof iyo hal cod ah, si aan uga jeediyo Khudbadda Dastuuriga ah ee Sannadka 2022.

Sannadkii tagay ee 2021-kii waxa uu ahaa sannad adduunku la daala dhacay riiqda uu reebay Caabuqa Xannuunka Saf-marka ah ee Covid-19. Xanuunnada saf-marka ah ee noocan oo kale ah inta badan boqolkii sannaba hal mar bay soo maraan adduunka.

Waxa uu ahaa sannad colaadeed oo saanadda millateriga, qumaca iyo baaruudda la isu afaystay, oo nabadda adduunku gashay weedhaamo.

Balse Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u ahaa sannad nabad-gelyo iyo sannad doorasho. Qabsoomidda doorashooyinkii isku-sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka iyo sidii ay innoogu qabsoomeen waxay muujiyeen bisaylka siyaasadeed ee shacabka Somaliland. 

Sannadka cusub ee 2022-ku ma waayo la’a. Waxa adduunkii u sii durkayaa dhinaca dagaallada, waxana adduunka hadheeyey saymo colaadeed oo khatartooda wata. Waxa durba adduunka cidhiidhi ka gashay nabadgelyada cuntada (Food Security), saliidda iyo tamarta gaaska, waxana shaki weyn leh in uu hakad galo isu-socodka dadka iyo badeecadaha adduunka.

Haddii aan caqliga aadamuhu shaqayn, waxa laga cabsi qabaa in saymaha colaadeed sahaydaan nafo badan oo maanta adduunka ku nool.

Waxa laga cabsi qabaa in bad-xidhan dhaco oo badeecadaha adduunka iyo isku-socodkoodu istaago. Haddii bad-xidhan dhaco, waxa aynu nahay dadka ugu nugul ee waxyeellada ugu badan ay ka soo gaadhi doonto, waayo wax kasta oo aynu cunno iyo wax kasta oo aynu nolosheenna u adeegsanno dibedda ayaynu kala soo dagnaa. Waxaynu ognahay in aynu wax yar beeranno, wershado aynaan lahayn, halkaasna hawl weyn ayaa ka soo fool leh.

Waxaan ku talinayaa in maalqabeennada dalku maalgashadaan wax-soo-saarka cuntada dalka, si ay u yaraato ku tiirsanaanta badeecadaha daruuriga ah ee aan dalka dibeddiisa ka soo iibsanno. Waxa iyana habboon in xoolo-dhaqatadu xannaanada xoolaha kordhiyaan iyo in aqoonyahanku fikirkooda soo bandhigaan.

Dawlad ahaan waxaannu qaadaynaa dhowr tallaabo, sida:
1) Dhiirri-gelinta wax-soo-saarka;
2) Isku-xidhka aqoonyahanka iyo maal-qabeenka;
3) Dhiirri-gelinta in jaamacadaha dalku sameeyaan hal-abuur iyo daraasado wax ka tari kara xalka dhibaatooyinka inna horyaal.
4) Samaynta Kaydka Raashinka intii awoodeenna ah.

1. Dhaqaalaha:

Mudanayaal iyo Marwooyin;
 Labadii sanno ee la soo dhaafay, caalamka waxa soo food-saartay hoos-u-dhac dhaqaale iyo wax-soo-saar, taasi oo uu sababay caabuqa COVID-19. Dhibaatadaas dhaqaale ee Caalamka ka dhacday in kasta oo ay ina saamaysay haddana, waxa ay Somaliland, qayb ahaan, kaga bad-baaday siyaasadda Xukuumaddu u dhigtay, sida: casriyeynta iyo horumarinta hannaanka iyo kaabbayaasha dakhli-ururinta, kor-u-qaadista dakhliga cashuuraha berriga iyo hoos-u-dhigista ku tiirsanaanta dakhliga cashuuraha kastamada, kalsoonida dadweynaha ee cashuur-bixinta, kobcinta dhaqaalaha, toosinta maamulka kharash-bixinta iyo daah-furnaanta isticmaalka miisaaniyadda Qaranka.

 Waxa ay xukuumaddu dhaqan-gelisay hab-raacyo caalami ah oo xoojinaya La-dagaallanka Musuqmaasuqa iyo La-xisaabtanka Xatooyada Hantida Qaranka, kuwaas oo lagu hagayo Nidaamka Xisaabaadka Hay’adaha Dawladda iyo Maamulka Maaliyadda.

 Waxa Miisaaniyadda Qaranka sannadkii tegay laga maal-geliyey 98 mashruuc. Mashaariicdaas oo ku kacay qiime lacageed oo gaadhaya 163.7 bilyan oo SL.Shillin ah, una dhiganta 23.3 milyan doollar, waxaanay ka badan yihiin mashaariicdii sannadkii hore 3.11%, waxana dhammaantood la mariyey Qandaraasyada Qaranka iyo tartan daah-furan.

 Waxa la oddorosayaa in Miisaaniyadda Sannadka 2022-ka laga maalgeliyo 122 mashruuc, oo qiimahoodu gaadhayo 293 bilyan oo SL.Shillin ah, waxaanay lacag ahaan ka badan yihiin 79% mashaariicdii sannadkii hore.

 Deeqaha dibedda aynu ka helno waxa ay dalka ka fuliyeen sannadkii tegay mashaariic horumarineed oo qiimahoodu dhan yahay 164.6 bilyan oo SL.Shillin ah, una dhiganta 23.5 Milyan doollar. Mahad-celin kadib, Bulshada Caalamka waxaanu u sheegaynaa in bulshada Somaliland ay tabayso taageero ama deeq macno leh oo u qalma milgaha iyo gobonnimada Shacabka Somaliland.

 Waxa lagu kordhiyey shaqaalaha dawladda 13% sannadkii tagay, taas oo ka dhigaysa in afartii sanno ee la soo dhaafay la kordhiyey tirada shaqaalaha dawladda 7,907 qof, una dhiganta in guud ahaan shaqaalaha dawladda la kordhiyey 39%, kuwaas oo badankoodu ku shaqo-galay barnaamijka guulaystay ee Shaqo Qaran.

 Qiimaha shillinka Somaliland waxa lagu ilaaliyay 8,400 halkii doollarba, sicir-bararkuna 3.5 % ayuu hoos ugu dhacay sannadkii tegay. Waa heerkii ugu hooseeyay ee muddooyinkii ugu dambeeyey oo dhan uu gaadho.

 Waxa ay xukuumaddu hirgelisay tallaabooyin qorshaysan oo  suurtogeliyey in heerka sarrifka lacaguhu uu sugnaado muddadii ay Xukuuumaddani jirtay, taasina waxa ay dardar iyo kalsooni gelisay dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-geshiga dalkeenna.

 Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sidoo kale qaaday tallaabooyin taabanaya nolosha dadka, waxaannu sannadkii 2021-ka ku maalgeliyey lacag xaddigeedu ka badan yahay 13 Milyan oo doollar oo ah mashaariic u badan kaabbayaasha dhaqaalaha oo ay wadaan qaar ka mid ah hay’adaha Dawladda Dhexe iyo qaar ka mid ah Dawladaha Hoose ee dalka.

1.1. Kaabbayaasha Dhaqaalaha:
 Waxa geba-gebo ku dhaw dhismaha Dekedda Kalluumaysiga ee Maydh oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 5 milyan oo doollar.

 Waxa 100% dhammaaday wejigii koowaad ee dhismaha Dekedda Berbera oo dhan 400 mitir.

 Waxa sidoo kale la dhagax-dhigay wejiga labaad ee dhismaha Dekedda Berbera oo dhan 600 mitir oo cusub.

 Dhismaha iyo casriyeynta Dekedda Berbera marka uu dhammaado, Dekedda Berbera waxa ay noqon doontaa mid ka mida dekedaha ugu dhererka badan Qaaradda Afrika, waxaanu dhererkeedu noqon doonaa 1,650 mitir, gunta iyo qotada Dekeddu waxa ay noqonaysaa 17 mitir oo hoos ah, taas oo ka dhigaysa Dekedda labaad ee ugu gun dheer Afrika, oo qaadi karta maraakiibta ugu waaweyn adduunka, iyada oo rogi karta 2 milyan oo kontayner sannadkii, halka ay hadda ka rogi karto 500,000 kontayner.

 Wiishashka waaweyn Dekedda Berbera waxa hadda ku xidhan saddex wiish oo waaweyn (Cranes), marka 600 mitir ee cusub dhammaadaan, waxa lagu xidhi doonaa Dekedda 7 wiish (7 Cranes) oo waaweyn, tirada wiishashka waaweyna waxa la gaadhsiin doonaa 10 wiish.

 Waxa laga dhigay Madaarka Berbera, Madaar Caalami ah oo u adeegi kara dhammaan badeecadaha iyo shucuubta dalalka aan Dekedaha lahayn ee Afrika, waxaannu ka mid yahay maanta goobaha adduunka loogu xiisaha badan yahay. Xukuumaddu waxay shacabka uga faa’iidaynaysaa goobta istraatejiga ah ee Eebbe innagu uumay oo adduunka oo dhan xiisaynayo.

 Waxa dhammaad ku dhow waddada Burco – Ceerigaabo, waxaana hadhsan 10km oo keliya. Waxa dhammaaday 262km oo innoogu kacay qiime lacageed oo gaadhaya 54,484,000 doollar, dhammaan lacagtaasna waxa laga bixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee dalkeenna.  

 Dhismaha Waddada Burco-Ceerigaabo waxay wax weyn ka beddelaysaa dhaqan-dhaqaalaha (Socioeconomic aspect), isku socodka bulshada iyo ganacsiga ee dadkeenna. Tusaale ahaan: Magaalada Burco ilaa Ceerigaabo waxa lagu gaadhi jiray 9 ilaa 10 saacadood oo socod xidhiidh ah, haddana waxa lagu gaadhaa 5 saacadood. Noolka gaadiidku qofkiiba waxa uu ahaa ku dhowaad 60 – 80 doollar, haddase waa 20 doollar oo keliya.

 Waxa dhammaaday dhismaha wejiga koowaad ee Waddada Berbera Corridor oo ah Hargeysa–Berbera, waxana ku jira afar biriish oo dadka iyo alaabooyinka iskaga goosha Berbera iyo dalka intiisa kale ay kala kulmi jireen dhibaatooyin waaweyn xilli-roobaadka.

 Waxa dhowaan bilaabmay bhismaha Aagga Ganacsi ee Cashuuraha ka Caaggan (Free Zone), waxaana qorshaysan in la dhiso dhul gaadhaya 54 hector, oo loo qaybin doono laba weji. Wejiga 1aad waxa la dhisi doonaa dhul gaadhaya 34 Hector, oo isugu jira Waddada isku xidha Aagga Ganacsi ee Cashuuraha ka Caaggan iyo dalka intiisa kale, dhismaha xafiisyada maamulka, dhismaha hangarrada waaweyn ee loo diyaariyey shirkadaha iyo Marinka Baadhista Kontayneriska. Waxa la filayaa in uu hoy u noqdo shirkado badan oo maxalli ah iyo kuwo caalami ahba, isla markaana uu shaqo u sameeyo in ka badan 1,000 qof.  

 Waxa la bilaabay oo socda dhismaha carro-kaawada wadddooyinka Oodweyne-Burco iyo Laascaanood-Kalabaydh, waxaanay ku dhammaan doonaan muddo kooban, Insha Allaah.

 Waxa hadda dhammaaday sahaminta (Feasibility Study) waddada isku xidha Lawyacaddo – Boorama, taas oo uu innaga caawiyey Baanka Horumarinta Africa, waxana loo bilaabi doonaa sida ugu dhaqsaha badan.

 Waxa dhawaan la bilaabi doonaa dib-u-dhiska waddada isku xidha Burco-Laalays oo ka kooban 82KM, waxa sidoo kale dhismaha waddada la socda dayactirka afar biriish oo ku yaal inta u dhexaysa Burco iyo Laalays.

 Waxa la bilaabay sahaminta (Feasibility Study) waddada isku xidha Degmada Maydh iyo magaalada Ceerigaabo.
2. Adeegyada Bulshada:
 Dhinaca waxbarashada, waxa sannadkii tagay la dhisay 57 dugsi oo cusub, waxaana la dayac-tiray 24 dugsi oo hore.

 Waxa deeq waxbarasho oo dalka dibaddiisa ah loo diray 470 arday.

 Waxaannu waajib ka dhignay in 10% ardayda Jaamacadaha Dawladda iyo 12% ardayda Jaamacadaha gaarka loo leeyahay ay helaan deeq waxbarasho, si loo kordhiyo helitaanka tacliinta sare.

 Waxa xanuunno kala duwan laga tallaalay 654,330 carruur ah iyo hooyooyin tiradoodu gaadhayso 108,600 hooyo.

 Waxa xarumaha caafimaadka ee Dawladda adeegyo caafimaad loogu fidiyey 1,530,000 qof, oo ka badan sannadkii hore 2%.

 Waxa la qaaday toddoba olole oo ah wacyi-gelinta iyo tallaal-bixinta xannuunka Caabuqa COVID-19, waxana la tallaalay 557,723 qof, una dhiganta 30% dadweynaha da’doodu ka weyn tahay 18 jir.

 Waxa 2021-kii la dhisay 18 Goobo-caafimaad oo ay ku jiraan 5 cusbitaal oo cusub, waxana la dayactiray 23 xarumo caafimaad.

 Waxa la daweeyey 3 milyan oo Neef, waxa nafaqayn la siiyey 1.75 milyan neef, waxa ka faa’iidaystay 75,000 xoolo-dhaqato ah.

 Waxa la dhisay Shaybaadhka Qaranka ee baadhista cuntada iyo dawooyinka oo ku kacay lacag gaadhaysa 13,440,000,000 SL.Sh.

 Waxa la qoday 41 ceel dhaadeer oo cusub iyo 6 veel oo gaagaaban oo cusub, waxana la dayactiray 60 ceel oo dhaadheer.

 Waxa la qoday 20 Ballay oo waaweyn oo ku kala yaal gobollada dalka.

 Waxa la aas-aasay Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyada, waxaana ilaa hadda wax ka bartay 34,500 muwaadin.

 Waxa la qaybiyey 50,000 nuqul oo ah buugga Dastuurka JSL, si loo kor loogu qaado barashada sharciga ee muwadadiniinta.

 Waxa horyaallada dalka ku tartamay 90 kooxood, waxa ay ciyaareen 485 ciyaarood, waxa ciyaarahaasi saftay 3,043 ciyaartoy, waxana daawaday dad ka badan 1,800,000 qof.
3. Amniga:
Dunidda aynu maanta joogno, Nabad-gelyadu waxa ay ku jirtaa cidhiidhi marka la eego dhinaca caalamka. Waxa aynu arkaynaa in dagaalkii qaboobaa soo noqday isagoo midab kale leh. Waxa kale oo soo maray Gobolka iyo Qaaradda Afrika ee aynu ku noolnahay khilaafaad iyo shaqaaqooyin galaaftay nafo badan. 
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ma aha dagaal ku eeg labadooda oo keliya, balse waa dagaal ku salaysan mab’da iyo amni oo u dhexeeya Gaashaan-buurta NATO iyo Ruushka ama si kale haddaan u dhigo aragtiyaha dhaqaale iyo siyaasadeed oo u dhexeeya dalalka Bariga iyo Galbeedka Adduunka.
Waa dagaal riiqdiisu dheeraan karto. Waa dagaal saamayn ku yeeshay nolosha dadka adduunka gaar ahaan dhinaca cuntada, tamarta, saliidda iyo isku-socodka baddeecaha ganacsiga.
Waxase Alle mahaddii ah in quwadaha hirdamayaa ay arkeen maanta muhiimadda juquraafiyadeed iyo istaraatijiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay adduunka, taas oo sababtay in quwadihii dhaqaalaha adduunka ugu tunka weynaa ay doonayaan in ay maanta wax la qabtsadaan Somaliland, inkastoo ay in badan indhaha ka lalin jireen.
Xukuumadda aan odayga u ahay waxa tiir-dhexaad u ah in cid kasta oo rabta in ay Somaliland wax la qabsato ay ugu soo hagaagto in aannu nahay Qaran madax-bannaan. Qaranka Somaliland waxa uu diyaar u yahay in uu cid kasta la yeesho iskaashi iyo wax-wada-qabsi ku dhisan qaddarin, caddaalad iyo sinnaan.
Waxa nasiib wanaag ah in colaadaha adduunka iyo gobolkaba ka aloosan, in dalkeennu ku naaloonayo nabad-gelyo buuxda oo ay saldhig u yihiin shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel ay joogaanba iyo ciidankeenna qalabka-sida ee sooma-jeestayaasha ah.
Dawladdu iyada oo dhiirri-gelinaysa geesinnimada iyo naf-hurista Ciidanka Qalabka-sida, waxa ay u kordhisay Ciidanka Qalabka-sida mushaharka 30%. Waxa kale oo ay Xukuumaddu kordhisay guud ahaan Miisaaniyadda Saanadda iyo Sahayda Ciidanka Qalabka-sida.

Waxaan ognahay in ay tahay korodh yar marka loo eego waajibaadka baaxadda leh ee ay Qaranka u hayaan, balse waa naga hayn, ee ma aha hagrasho. Wax kasta oo suurtogal ah in Ciidanka Qalabka-sida loo helo nolol ka wacan ta ay maanta haystaan, waanu samaynaynaa, wax kasta oo ay nagu qaadanayso Insha Allaah.
Waxaan leeyahay dhammaan Ciidanka Qalabka-sida, xaasaskooda iyo carruurtooda, “Waxaanu idiin haynaa sharaf, xurmo iyo abaal aan duugoobayn. Duruuf kasta oo aad maanta ku nooshihiin, waxaad ku tallaallan tihiin Quluubta Shacabka Somaliland.”

 Amniga iyo Degenaanshaha Bulshada (Social Security):

Amniga iyo degenaanshaha Bulshada waxa saldhig u ah in bulshadu wax wada yeelato, iskaashato, is-aaminto, quluubtooduna wada-jirto. Taas waxa lagu heli karaa in dabaqadaha dhaqaale ee dadkeenu aanay kala fogaan, si aan faraqa dhaqaale ee u dhexeeya aanu u abuurin kala fogaansho bulsho, khilaaf iyo amni-darro.

Sida ku cad Qodobka 11aad, Dastuurka Qaranku waxa uu waajibiyey in Nidaamka Dhaqaalaha ee Dalku aanu horseedin in Barwaaqada iyo ladnaantu aanay ku koobnaan ama ku ururin koox ama dad tiro yar, si aanay uga dhallan dabaqado dhaqaale oo u qaybiya dadka kuwo hodan ah iyo kuwa aan waxba haysan.

 Sidaa darteed, annaga oo ka duulayna mabaa’didaasi kor ku xusan iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aannu waajibinnay in mashaariicda laga fuliyo dhaqaalaha ama Miisaaniyadda Qaranka ee ka badan 42,000,000 SL.Sh la mariyo Nidaamka Qandaraasyada Qaranka oo daah-furan, muwaaddiniinta Somalilandna ay u helaan fursado siman oo ay si caddaalad ah ugu tartami karaan. Waxa aan halkan markale ka caddaynayaa in hay’adda dawladeed ee ku dhaqmi wayda go’aankaas laga qaadi doono tallaabo ku habboon.

 Waxa ay Xukuumaddu, markii ugu horraysay taariikhda Somaliland sannadkii 2021-kii Kab-miisaaniyadeed u samaysay dhammaan degmooyinka dalka oo ka kooban 101 (boqol iyo hal) degmo, xaddiga lacagta la siiyeyna waxa ay gaadhaysaa 106,946,632,435 SLSH (Boqol iyo lix bilyan, sagaal boqol pix iyo afar milyan, lix boqol laba iyo soddon kun, afar boqol iyo shan iyo soddon SL.SH).

 Waxa Mashruuca Horumarinta Dawladaha Hoose ee JPLG la gaadhsiiyey Degmooyinka Ceerigaabo, Laascaanood iyo Caynaba. Haddana waxa socda qorshaha lagu darayo degmooyin hor leh.

 Xukuumaddu, iyada oo tixgelinaysa duruufaha dadkeenna iyo qiimaha quutal-daruuriga ee kor uga sii kacaya adduunka, waxa ay cashuur-dhimis gaadhaya 10% ku samaysay quutal-daruuriga soo galaya dalka. 

 Waxa raashin ay ku noolaan karaan muddo bil ah iyo taageero lacageed oo kooban loo fidiyey in ka badan 750,000 qoys oo kala jooga dhammaan gobollada dalka.

 Waxa sidoo kale 20,000 haween ah oo kala jooga 16 Magaalo oo ku kala yaala Gobollada dalka la gaadhsiiyey taageero dhaqaale oo gaadhaysa $640,000 dollar.

 Waxa dalkeenna soo food-saartay abaar ba’an oo saamayn ku yeelatay in ku dhaw 1.5 Milyan qof oo Reer Somaliland ah. Saamaynta ugu daran ee abaartu waxa ay ahayd biyo yaraan. Sidaa darteed, Xukuumadda oo kaashanaysa ganacsatada waaweyn ee dalkeena ayaa 24,600 oo booyadood (Load) oo dhaansan gaadhsiiyey gobolladii ay ugu darnayd biyo yaraanta ay abaartu keentay. 72% booyadahaas waxa bixiyey Xukuumadda iyo shacabka Somaliland oo iskaashanaya, halka Hay’addaha gargaarku ka bixiyeen 28%.

 Xukuumaddu iyada oo niyadda ku haysa in laga gaashaanto abaaraha soo noq-noqda iyo saamaynta ay yeeshaan mar walba, waxa ay sannadka 2022-ka ka qodaysaa gobollada ay ugu daran tahay saamaynta abaartu 30 dhaam oo cusub, waxana dayactir lagu samaynayaa 20 dhaam oo hore.

 Waxaan halkan mahad-naq iyo bogaadin uga gudbinayaa bahda garsoorka oo Qaranka u haya hawl weyn oo culayskeeda leh.

4. Dhibaatada Dabkii Suuqa Waaheen:

Walaalayaal;
Waxa aad markale igula soo biirtaan in aan murugada iyo dhibaatada la wadaagno shacabkeenna iyo ganacsatada xoolahooda iyo hantidoodu ku gubatay Suuqa Weyn ee Waaheen. Waxa uu ka mid ahaa suuqyada ugu waaweyn, uguna dhaq-dhaqaaqa badan Gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu ahaa suuq udub-dhexaad u ahaa dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkeenna, isla markaana waraabin jiray dalal badan oo Gobolka ah.

Waxa ku tusaya miisaanka suuqaasi ku lahaa gobolka iyo adduunkaba, sida adduunku uga gil-gishay dhibaatada innaga soo gaadhay dabkaa baabiiyey suuqeenaasi, walow haba yaraato manfaca innaga soo gaadhay adduunka’e.

Waxa shacabka Somaliland ka soo tacsiyeeyey dhibaatadaa Suuqa Waaheen ku dhawaad 45 Dawladdood oo adduunka oo dhan ah iyo ilaa 10 Hay’adood oo Caalami ah, waxa uu ruxay quluubta malaayin dad ah oo ku kala nool adduunka.

Dhibaato kasta oo innaga soo gaadhay dabkaa iyo xoolaheenii uu baabiiyey-ba, waxaan kaga ciil la’ahay in maanta shacabka Somaliland gudo iyo dibad, yar iyo weyn, rag iyo dumar, dhallinyaro iyo waayeel ay ku qaabileen dhibaatadaasi qalbi isku mid ah, walaalnimo mug weyn leh iyo naf-qaybsi aan waxba la kala lexa-jeclaynsan.

Waxa ku gubtay Suuqa Waaheen ku dhowaad 3,673 Ganacsi oo kala duwan, waxana lagu waayey dhammaan hantidii iyo dhaqaalihii hoos yaallay meheradahaasi ganacsi.

Waxa uu maanta dabkaasi gacanta dhulka u saaray dadkeenii lahaa ganacsiyadaasi, dadkii u shaqaynayey, dadkii ka dhex macaashayey dhaqdhaqaaqaasi ganacsi ee socday iyo dhammaan dadkii qaadaa-ma-dhergaha ahaa ee ku sii daba noolaa ganacsigaasi.

Waxa sharaf, karaamo iyo karti dheeraad ah oo Eebbe ku mannaystay dadkeenna ah in maantaba hHlareeraha Suuqii Waaheen ee gubtay ay dadkeebnu dib u cammireen, oo uu alaab iyo badeecad cusub la ciir-ciirayo, dayn iyo kaalo waxay ku keenaanba.

Dadkeennu waa dadkaa shaqada iyo xoogsiga sharafta u yaqaan, oo aan gacmaha hoorsan, oo maalintay ugu daran tahay aan dacasha laalaadin, ee luqunta kor u taaga. Waa qab, han iyo kalsooni aynu dheernahay dadyow badan.

Maanta iyo dabka Suuqa Waaheen keliya uma aha tusaale, sida dadkeenu u yihiin dad hal-adag (Resilient) oo isku tiirsada markay dhibaato timaad. Shalay bay ahayd markii magaalooyinka waaweyn ee dalkeenna dhulka lala simay ee laga dhigay dambas iyo kayn dugaagu u hoydo. Waynu ka soo kabanay, dib baan u dhisannay dalkeenna iyo magaalooyinkii la dumiyeyba, innaga oo isku duuban, Illaahay mooyee cid kalena aan gacan weyn ka helin.
[
Haddaba, ilaa hadda maxaa inoo qabsoomay?

 Waxa aannu magacownay Guddi Heer Qaran ah oo hagta hoggaaminta dib-uga-soo-kabashada khasaaraha dabkii Waaheen. Guddidaasi waxa ay sii dhistay Guddi-hoosaadyo ka kala socda Suuqii Waaheen, ganacsatada, cilimada iyo qurbaha, ilaa haddana si wacan ayay hawshoodu u socotaa.

 Waxa la diyaariyey afar suuq oo ku-meel-gaadh ah oo kala ah: Beerta Xorriyadda, Hadh-wanaag, Laynka Booliska iyo Injida. Waxa la gaadhsiin doonaa suuqyada ku-meel gaadhka ah ilaa toddoba suuq.

 Waxa ilaa hadda la ururiyey qaadhaan lacageed oo gaadhaya $23,000,000 (Saddex iyo labaatan milyan oo doollar).
¬
 Waxa ilaa hadda qaadhaan lacageed ka soo gaadhay Guddida Dalalka Jamhuuriyadda Djibouti, Taiwan, Somalia iyo Baanka Adduunka, lacagtaas oo ka mid ah lacagta aan kor ku xusay.

Shaxda 1aad:
Dakhliga iyo kharashka ilaa hadda la helay ama la galay:
Dhakhli $23,000,000 doollar
Tirada dadka wax la siiyey

Kharash
$73 – 5,000 waxa la siiyey 100% hantidoodii
988 qof

<$100 Waxa la gaadhsiiyey qofkiiba $500
$5,001 – 40,000 dollar waxa la siiyey 25% hantidii ka baxday.

1,016 qof
$40,001 -100,000 dollar waxa la siiyey 15% hantidii ka baxday.

$100,001 – 480,000 doollar waxa la siiyey 10% hantidii ka baxday.

Wadarta dadka cawil-celin lacageed loo sameeyey ilaa hadda:
2,004 ganacsade.

Wadarta lcagta la bixiyey ilaa hadda 
$8,638,418 doollar.

 Waxa gobonnimada iyo dun-wanaagga dadkeenna ka mid ah ganacsadaha inta uu Guddida u yimi yidhi, ”Hantida aan lahaa ee iga gubatay waa hanti u dhiganta $73 oo keliya, hal doollarna ha iigu darinna haddii wax la ii helayo, haddii kale Illaahii awalba i siiyey waa nool yahay.” Waa baarka iyo halka ugu sarraysa xalaal-miiradnimada dadkeenna.

 Dawladda Hoose ee Hargeysa oo kaashanaysa Guddida Heer Qaran ee Dib-u-soo-kabashada Suuqa Waaheen, waxa ay nadiifiyeen Suuqii gubtay, waxaanay ka qaadeen 1,879 lowdh oo qashin iyo iskaraab ah. 

 Hawsha ugu badan ee Qaran ahaan innoo hadhay waa dib-u-dhiska Suuqa Waaheen, iyada oo la raacayo hab-raacyo caalami ah oo sugaya bad-qabka hantida iyo nafaha shacabkeena. Insha Allaah, waxa aan rajaynayaa in innaga oo gacmaha is haysana aan dib u dhisano Suuqii Waaheen ee innaga gubtay mid ka qurux badan, ka bad-qab badan, kana rajo wacan. Suuqaasi oo noqon doona suuq ku dhismay quluub iyo shacab wada-jira, astaanna u ah midnimo, walaalnimo iyo hal-adayg ummadeed.   

 Waxaan halka uga soo jeedinayaa ammaan iyo bogaadin ballaadhan dhammaan dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay dabkii Suuqa Waaheen, waxaanan uga mahad-celinayaa sida wanaagsan ee ay u samir qaateen iyo iimaankooda adag iyo waliba sida xil-kasnimada leh ee ay ula shaqeeyeen guddiyadii hawshaas loo xilsaaray.

 Waxa kale oo aan u mahad-celinayaa cid kasta oo dhibaatada soo gaadhay ummaddeenna ka damqatay, garab na siisay oo noo soo gurmatay. Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa dalalka aynu jaarka nahay sida, Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya iyo shacabkooda oo gurmadkii ugu horreeyeyna soo gaadhsiiyey isla habeenkiiba iyo dawladda Dhexe ee Itoobiya.

 Sidoo kale, waxaan u mahad-celinayaa Dawladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti oo aan maalin qudha naga qoob-qaadin. Waxa kale oo Djibouti soo gaadhsiisay Guddida Gurmadka iyo Dib-u-soo-kabashada Suuqa Waaheen lacag ka badan 1.5 Milyan doollar, ilaa haddana weli way wadaan kaalmo ururintii dadkeenna. Waxa kale oo aan u mahad-celinayaa dawladda Soomaaliya iyo shacabkeeda iyo guud ahaan shacabka kale ee Soomaalida ah oo meel ay joogaanba ka gilgishay dhibaatada soo gaadhay dadkeenna. Waxa aan sidoo kale u mahad-celinayaa Baanka Adduunka oo geystay gurmadkii ugu horreeyey ee hay’ad bixiso.

 Waxaan leeyahay waanu idiin ogsoonnahay abaalkaa weyn ee yimid xilligii loo baahnaa.
Maxaynu ka barannay dhibaatadii Suuqa Waaheen?
 Waxa aynu ka baranay in aan wax dhisan karno, waxna qabsan karno, dhib kasta oo inna soo gaadha.

 Waxa aynu ka barannay in la xoojiyo, gacanna lagu siiyo shaqadooda Ciidanka Dab-demiska oo muujiyey karti iyo awood ay ku dheehan tahay waddaniyad.

 Waxa aynu ka baranay in la furo jidadka iyo waddooyinka dhex-mara suuqyada, si gurmadku u gaadhi karo bar-tilmaameedkiisa.

 Waxa aynu ka baranany in guryaha ganacsi ee la dhisayo loo sameeyo nidaamka bad-qabka guryaha. Waxaanan farayaa Dawlaha Hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta in ay diyaariyaan hab-raacyada iyo hagayaasha bad-qabka dhismayaasha dadweynaha.  

5. Doorashooyinka:
’’
Mudanayaal iyo Marwooyin;

Sannadkii hore, waxaan Golaha Baarlamaanka hortegay iyada oo ay doorashadoodii Golaha Wakiilladda ka hadhsan tahay 83 maalmood oo keliya, saxal-qaaddii fooraha, doorashaduna ay ka dhacayso dhammaan dacallada gobollada Somaliland.

Xubnihii Golaha Wakiillada ee hore, waxa ay ahaayeen rag waayo-arag ah, muddo dheer oo gaadhaysa 15 sanno iyo ka badanna u soo shaqeeyey Qaranka. Waxaan ku idhi, ‘Duco qaata, oo si wanaagsan uga amba-baxa Golaha, Doorashooyinka isku-sidkana, wixii idinku xidhan nagala shaqeeya.’ Waa ay aqbaleen, waanay ka soo baxeen ballankaas. Maantana waxa Illaahay Mahaddii ah in Doorashooyinkii Isku-sidkanaa innoo qabsoomeen oo Caalamka oo dhan majeertay. Waxa kale oo bulshada Somaliland ay markale fursad u heshay in ay doortaan xildhibaannadii matali lahaa shanta sanno ee soo socda, una badan rag dhallinyaro ah, walow aan ka xumahay in Golaha Wakiillada haweenkii u tartamay aan midna ku soo bixin.
Sidaa darteed, Mudanayaal, Golaha cusub ee Wakiilladu waxa ay ku yimaadeen wada shaqayn iyo iskaashi buuxa oo dhexmaray Hay’adihii Qaranka, si loo suurtogeliyo himilladii Qarankani lahaa ee ahayd in la qabto doorashooyinkii muddo-dhaafay ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka. Waxay taasi muujinaysaa midhaha wanaagsan ee ka soo bixi kara wada shaqaynta wacan iyo daacadnimada dhexmarta Golayaasha Qaranka. Waa astaan muujinaysa quruxda Qarankeena iyo rumaynta hammiga shacabkeena.

Waxa ay ahaayeen doorashooyin innoogu kacay kharash aad u tiro badan oo gaadhaya 132.6 Bilyan oo SL. Shillin ah. Kharashkaas oo badankiisa uu Qarankeennu tunka u ritay, waayo Xukuumad ahaan waxaannu aaminsanahay in doorashooyinku yihiin waajib qaran oo ay tahay in Qarankeennu maareeyo.

Waxaan u mahad-celinayaa shacabka Somaliland oo nabad ku codeeyey, Golihii Wakiillada ee hore ee kuraasta sida milgaha leh u banneeyey iyo guud ahaan cid kasta oo innaga taageertay qabsoomidda doorashooyinka.

Sidoo kale, waxaan soo dhowaynayaa Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee cusub ee la soo doortay. Waxaan kula dar-daarmayaa ballankeenu waa shaqo iyo in si wada-jir ah loogu adeego dadka iyo dalka.

Mudanayaal iyo Marwooyin;
Somaliland waxa lagu majeertaa dimoqraadiyad iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah, taasina waxa ay innooga baahan tahay dhammaystirka tiirar aasaasi u ah, oo ay ugu horreeyaan:
1. In doorashooyinku ku qabsoomaan xilligii loo asteeyey.

2. In Xisbiyada Qaranka oo ah hilinka ay muwaaddiniintu u maraan xaqiijinta hankooda siyaasadeed ay noqdaan kuwo ku dhisan sharci, oo aan marna muddo-dhaaf noqon, dhexdoodana ay ka muuqato dimoqraadiyad dhab ah oo ku dhisan mabaa’dii iyo siyaasad cad oo qeexaysa qorshaha ay dalka ku horumarin karaan.

3. In dhaqaalaha Xisbigu ka yimaad taageerayaasha Xisbiga ee gobol kasta, kana fogaadaan faro-gelin shisheeye. Haddii faro-gelin shisheeye soo dhex-gasho Xisbiga, waxay khatar ku tahay qarannimada dalkeenna. 
Sidaa darteed, waxa daruuri ah dhammaystirka doorashooyinka innoo hadhsan sida Furista Ururrada Siyaasadda oo la gaadhay waqtigoodii iyo doorashada Madaxtooyada, si waafaqsan shuruucda iyo Dastuurka dalka.
Xukuumad ahaan waxa naga go’an in aannu fulinno waajib kasta oo naga saaran doorashooyinka sannadkan xilligoodii jooga, wixii caqabad ah ee naga hor-yimaaddana waxa lagu xallin doonaa sifo sharci ah iyo wada-tashiga hay’adaha Qaranka.

Siyaasaddu waa sida ciyaarta Shaxda oo kale. Sidaa darteed, waxaan kula talinayaa xisbiyada iyo ururrada siyaasadda in ay si nadiif ah boodhka faraha u wada geliyaan.
Doorashooyinku uma baahna bulaan iyo baalo-xoofto midna, aflagaadadana laguma gaadho guul siyaasadeed, hanjabaaduna ma aha geesinimo.
Siyaasaddu uma baahna ballan-qaad been ah iyo hummaag siyaasadeed oo aan hubanti ahayn, macnaheeduna maaha guul siyaasadeed.
Waxa innoo ballan ah ciddii shaxda laga badiyaa in ay si wanaagsan boodhka faraha uga tumato.
6. Siyaasadda Arrimaha Dibedda
Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland mabdi’iyan waxa ay ku dhisan tahay deris-wanaag, nabadgelyo iyo iskaashi dhexmara dalalka caalamka oo dhan, xasarad la’aan (Zero Conflict Policy).

Sidoo kale, Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland waxa ay ku dhisan tahay qorshe qeexan oo ah in dalalka qaaradda Afrika la saaro xoog intii hore ka badan, si loo soo dhaweeyo aqoonsiga Somaliland. Bulshada kale ee caalamkana lala yeesho iskaashi iyo wada-shaqayn dhaqan-dhaqaale oo buuxda, oo ixtiraamaya qarannimada iyo jiritaanka Somaliland.

Sannadkii dhammaaday waxa uu ahaa sannad hoodo u leh Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland, waxana raacay dadaal badan oo Xukuumaddu gelisay in ay qarannimada Somaliland u soo bandhigto dawlado badan oo adduunka ah, taas oo keentay natiijo wax-ku-ool ah oo lagu naaloon karo.

 Maraykanka:

Wefti ballaadhan oo aan hoggaaminayey ayaa safar shaqo oo qaatay muddo 12 casho ah ku tegay dalka Maraykanka. Safarkaasi waxa uu lahaa laba ujeeddo oo waaweyn:
1. In si dhab ah loo fahamsiiyo Maraykanka taariikhda xannuunka badan ee Somaliland kala kulantay midnimadii dhicisawday ee baadi-goobka shanta Soomaali weyn iyo xogta sidii bahalnimada ahayd ee digtaytarkii Siyaad Barre ugu dalbaday diyaarado, taangiyo, madaafiic iyo hub culus oo dhan magaalooyinka Somaliland.

2. In si faah-faahsan loogu sharraxo xasuuqii loo geystay ummaddan iyo sababihii keenay halgankii hubaysnaa ee Somaliland iyo in markii shacabka Somaliland guulaysteen go’aan wadareed ku gaadheen in ay dib ula soo noqdaan madax-bannaanidoodii.

3. In loo sharraxo in Somaliland tahay Dawlad dimuqraadi ah oo caalamku indhaha ka laliyey muddo 30 sanno ah, balse Somaliland ay dhaqaalaheeda yar u hurtay amniga dalkeeda, ilaalinta xasilloonida Gobolka Geeska Afrika iyo adduunkaba.

4. In laga wada tashado sidii Iskaashi buuxa u dhexmari lahaa labada dal. Waa Iskaashi bilow ah oo aannu rajaynayno in uu dhakhso u midha-dhalo.

Runtii dawladda, golayaasha, ganacsatada iyo shacabka Maraykan waxa ay noo soo dhoweeyeen si aad iyo aad u qiimo badan, oo muujinaysa in fahamka Maraynkan ee Somaliland uu aad isku beddelay. Waxa aannu la kulanay ilaa 13 xildhibaan oo ka tirsan labada Gole Baarlamaan ee dalka Maraykanka.
Waxyaabaha ugu waaweyn ee safarkaasi qaran ahaan innooga soo baxay waxa ugu mudan:
 In dawladda Maraykanku ay dib-u-qiimeyn ku samayso deeqaha Maraykanku siiyo Somaliland iyo qaabka ay deeqahaasi u soo gaadhaan dalkeenna intaba. 

 In la diyaariyey, isla markaana la gudbiyey Mooshinka Xeerka Ishaashiga Somaliland iyo Maraykanka “Somaliland Partnership Act”, kaas oo ka dalbanaya in Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka oo kaashanaysa Wasaaradda Gaashaandhigga in ay soo darsaan qaabka ugu habboon ee Somaliland iyo Maraykanku iskaashi u yeelan karaan mustaqbalka.

Guud ahaan safarkaasi waxa uu ahaa safar sama-wade ah, guul weyna u soo hooyey dalkeenna Somaliland, waxaanan filayaa in aad dhawaan arki doontaan fulinta go’aammadii ka soo baxay socdaalkaas iyo kulamo dheeraad ah oo daba socda safarkaas.

 Boqortooyada Ingiriiska (UK):
Dalka Boqortooyada Ingiriisku waa dal guun ah oo ay inaga dhaxayso taariikh maxmiyadeed oo dheer, taasi oo ka dhigaysa dalka ugu aqoonta badan marka laga hadlayo Qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland iyo waayihii loo soo maray.

Sidaa darteed, Xukuumad ahaan waxaannu go’aansannay in aannu xoojinno dhaq-dhaqaaqa iyo galaan-galka Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland ee ku waajahan UK.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo kaashanaysa Wakiilka iyo Jaaliyadda Somaliland ee UK, waxa la abuuray Golaha Saaxiibadda Somaliland oo ka kooban 25 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka UK, kuwaas oo aad wada og tihiin dadaalka ay ka dhex sameeyeen Golaha Baarlamaanka UK iyo culayska ay saareen in dawladda UK fiiro gaar ah siiso Somaliland iyo safarkii xildhibaanadda qaarkood ku yimaaddeen Somaliland. 

 Midowga Afrika:
Dawladaha Afrika badankooda, waxaannu gaadhsiinnay codsi ah in ay qaddiyadda Somaliland ka caawiyaan sidii loo horgayn lahaa Midowga Afrika.

 Dalalka Carabta:
Guud ahaan dalalka Carabta waxaannu Xukuumad ahaan gaadhsiinnay codsiyo aannu kaga dalbanayno in ay si fiican u darsaan xaqiiqda Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan xaqeeda la is-diidsiin.

Xidhiidhka Somaliland iyo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee aynu walaalaha nahay waa uu sii xoogaystay, waxaanay dalka ka furteen Xafiis Diblomaasiyadeed, taasi oo sahashay isku-socodka dadka iyo ganacsiga ka dhexeeya labada dal. Waxaan rajaynayaa in ganacsiga labada dal uu gaadho malaayiin doollar sannadkii. Waa dawladda keliya ee dalkan ku samaysay maal-geshi dhaqaale oo muddo dheer ah oo gaadhaya boqollaal milyan oo doollar. Dawladda Imaaraadka Carabtu waa dawlad mar walba inala garab taagan taageero iyo gurmad xaalad kasta oo aynu soo marnay, hadday tahay abaarihii, duufaantii SAGAR iyo dabka Suuqa Waaheen ee maanta.

 Dalalka Deriska:
Waxaannu xoojinnay xidhiidhka iyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo isku-socodka dadka ee Somaliland iyo dalalka aynu jaarka nahay ee Djibouti, Itoobiya iyo Kiiniya. Waxa la abuuray guddiyo heer wasiir ah oo ka shaqeeya xoojinta iskaashiga nabadgelyada, amniga xuduudaha iyo kor u qaadista ganacsiga isaga tallaaba Somaliland iyo dalalkaasi. Dalalka Djibouti iyo Itoobiya waxa ay hore ugu lahaayeen xafiisyo diblomaasiyadeed dalkeenna, waxase aan bogaadinayaa dawladda Kiiniya oo iyana Xafiis Diblomaasiyadeed ka furatay dalkeena dhawaan, iyada oo fulinaysa Is-fahankii labada dawladood ay hore ugu kala saxeexdeen magaalada Nayroobi ee Caasimadda dalka Kiiniya. 

7. Gebo-gebo:

Mudanayaal iyo Marwooyin;

Hillaadinta iyo u-diyaar-garowga mustaqbalku aqoon ahaan iyo dhaqaale ahaan, waxa uu muhiim u yahay wanaajinta nolosha iyo horumarka dadkeenna.

Dhibaatada inna soo marta sida, gubashada suuqii weynaa ee Waaheen, abaaraha soo noq-noqda iyo dhaqaale yaraantu, macnaheedu maaha in aan quusano oo aan waayaha adag isku-dhiibno, balse waa in aan guntiga giijisannaa oo dadaalka iyo xaqiijinta himilladeena laban-laabno.

Waa in dhibaatada soo food-saarta dalkeennu noqotaa waayo-aragnimo inoo jeexda jidka horumarka iyo midnimada.

Qofku wuu kufi karaa, laakiin in uu kici waayo ayaa doqonniimo ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa, “Gobtu way liicdaa ee ma jabto.”
Hiraalka Horumarinta Somaliland ee 2030 (Somaliland Vision 2030), waxa uu qeexayaa in dalkeennu noqoto dal “Dimuqraadi ah oo sharci lagu dhaqmo, nabadgelyo iyo barwaaqo ah, dadkiisuna ku nool yihiin hodan-tinimo loo dhan yahay iyo in ay noqoto iftiinka aqoonta iyo ilbaxnimada ee ka dhex-muuqda Afrika”.
Waa hiraal iyo higsi qurux badan oo wanaagsan af ahaan, balse u baahan ficil iyo fahan qoto-dheer. Waa hiraal innooga baahan isku-duubni, midnimo iyo walaalnimo qoto-dheer, taasina waan ku ammaanayaa shacabkeenna gobta ah, waayo waxa markhaati u ah sida sharafta leh ee walaalnimada iyo wadajirka leh ee ay iskugu gurmadaan, ee ul iyo diirkeed u noqdaan marka dhibaato soo food saarto. Waxaan leeyahay, “Waa intaas oo loogala sii dhawaado.”

Mustaqbalka:

 Siyaasadda Arrimaha Dibedda:
Waxa naga go’an Xukuumad ahaan in jid kasta oo lagu heli karo xaqiijinta aqoonsiga Somaliland loo maro, iyada oo la kaashanayo saaxiibbada dalkeena, dalalka Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Maraykanka. Muddadii Xukuumaddu xilka haysanay waxa ay ku guulaysatay in ay meel sare gaadhsiiso haybadda iyo sharafta Qarankani leeyahay, waxaanaynu maanta gaadhnay heer la innagu tixgeliyo rabitaankeena dawladnimo iyo qarannimo.

Waxa aannu adduunka hordhigaynaa in Somaliland tahay xaqiiqo intaa wax ka badan aan indhaha laga qarsan karin iyo in ay tahay dal isku kalsoon oo lala yeelan karo iskaashi la isku hallayn karo oo ku dhisan masuuliyad iyo ixtiraam.

 Dhaqaalaha:
Xukuumaddu waxa ay fulinaysaa siyaasad cad oo dhiirri-gelinaysa in dhaqaalaha dawladda iyo ka gaarka loo leeyahayba u midoobaan wershadaynta iyo wax-soo-saarka bad iyo berri intaba, si aan baahiyaheenna aasaasiga ah u daboolno, hoosna ugu dhigno ku tiirsanaanta badeecadaha aan ka soo dhoofsano dalalka dibedda.
 Bad-qabka Bulshada:

1. Qorshaha Xukuumadda ee la xidhiidha Siyaasadda Badbaadada Bulshada (Civic Protection Policy) ee lagaga hortagayo masiibooyinka dabiici ah iyo kuwa dad-sameega ah sida: (dagaallo, dhul-gariir, dab, weerar cadow, IWM).

2. Xukuumaddu waxa ay siyaasad cad ka leedahay in dhammaan hay’adaha Dawladdu Heer Qaran, Heer Gobol iyo Heer Degmo, ay si dhab ah u hirgeliyaan hab-raacyada iyo hagayaasha ilaalinta caafimaadka iyo bad-qabka bulshada (Health and Safety Standards). Sidoo kale, Xukuumaddu waxa ay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka ka hirgelinaysaa Waaxda Maaraynta Masiibooyinka.

3. Xukuumaddu waxa ay hirgelinaysaa in Difaaca Maddaniga ah loo daadejiyo ilaa heer degmo iyo yuulo. Difaaca Maddaniga ah waa tababar dadka lagu siinayo badbaadada deegaankooda iyo dadkooda iyo siday uga feejignaan lahaayeen cadow badheedh ama dhuumasho uga dhex abuuri kara fidno.

Ugu dambeyn;

Shacab-weynaha JSL waxaan u rajaynayaa guul, barwaaqo, horumar iyo nabadgelyo waarta.
Waxa aan mar kale ammaan iyo bogaadin u dirayaa shacabka wanaagsan ee Somaliland ee muujiyey qaan-gaadhnimo iyo walaalnimo gaamurtay.

Jamhuuriyadda Somaliland ha waarto,
Shacabka Somaliland ha guulaysato.

Mahadsanidin.

Eebbaa Mahad Leh