Turkiga oo si adag u diiday xubinnamada NATO ee Sweden iyo Findland

Ankara-(Berberanews)-Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in aanay suurtagal ahayn in Turkiga oo xubin ka ah NATO uu taageero Sweden iyo Finland si ay ugu biiraan isbahaysiga milatari ee transatlantic ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine, taasoo muujinaysa go’doomin suurtagal ah oo ku wajahan dalabkooda la filayo.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay Istanbul Jimcihii, Erdogan ayaa sheegay in Ankara aysan “aragti wanaagsan ka lahayn” tallaabooyinka la filayo ee dalalka Scandinavian-ka ee ay ku doonayaan inay xubin ka noqdaan, isagoo ku eedeeyay inay yihiin “guryaha martigelinta ururada argagixisada”

“Xitaa waa xubno ka tirsan baarlamaanka wadamada qaar, suurtagal ma aha in aan anagu garab istaagno” ayuu yidhi isaga oo aan bixin faah faahin dheeri ah.

Turkiga ayaa si isdaba joog ah u dhaleeceeyay Sweden iyo wadamada kale ee Yurubta Galbeed sida ay ula dhaqmayso ururada ay u aragto “argagixiso” Ankara, oo ay ku jiraan xisbiga shaqaalaha Kurdistan (PKK) iyo unugyada ilaalinta dadka Kurdida Siiriya (YPG), iyo sidoo kale kuwa raacsan.

Fethullah Gulen oo ah caalim fadhigiisu yahay Maraykanka. Ankara ayaa sheegtay in kooxda Gulen ay fuliyeen isku day afgambi sanadkii 2016. Gulen iyo taageerayaashiisa ayaa beeniyay eedeynta.